Araweelo News Network

talyanleiyocalixaaji
Hargeysa (ANN)- Mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay in saldhigga millatari ee dawladda Imaaraadku ka doonayso magaalada Berbera uu halis ku yahay jiritaanka iyo amniga Somaliland.
Mudanayaasha kala ah; Md. Cabdiraxmaan Maxamed Talyaanle, Md. Bashiir Tukaale iyo Md. Cali Xaaji Maxamed oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa ay sheegeen in ay shacabka ugu baaqayaan in ay ka digtoonaadaan halista kaga iman karta saldhiggaas oo ay ku sifeeyeen mid khatar ku ah jiritaanka iyo mustaqbalka Somaliland.
“Saldhiga millatari ee Imaaraadku waa qaaciidad la iska bixinayo oo wax Allaale iyo wax lagu beddelaayo oo la taaban karo oo ummadda reer Somaliland ku qanci karto iyo waxa ay u soo ajiibeysa midna ma jiro. Hubaal waxa ah nimanka leh qaaciidad baanu Berbera ka qaadaneynaa ogalaanshaheeda waxa ay ka soo qaateen Xamar, xukuumadda Xamar joogta ayaa soo siisey. Su’aashuna hadda ba waxa weeye Somaliland gooni isku taageeda miyey ka noqotay, ma waxa ay noqotay go’aankii dib u la soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland ee magaalada Burco shirkeeda lagu qabtay ee ay gaar isku taagtay, muddadaas rubuc qarniga ahna loo soo halgamaayey.” Sidaa waxa yidhi Md. Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle.
Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Midda kale wax Allaale iyo wax looggu xisho oo nabadgelyo ayeynu ku faani jirnay e’ oo nabadgalyaddeenii na maanta lagu khamaarayo oo taayir wareegaya oo dawlado ku dagaalamayaan mandaqada tan la dhex dhigay oo la leeyahay cid baynu la dagaalamaynaa, dagaal aynaan ku jirin, waxbana aanay innooga shan iyo toban ahayn waa wax la la yaabo.
Waar inta aynu ciidan ajaanib ah ciideena dul keeneyno oo calan aan ahayn calanka Jamhuuriyadda Somaliland looga taagayo Berbera oo qaaciidad aynaan xukumin la ina dul keenayo lama garanayo, xataa dhaqaale ahaan maanta Somaliland in ay dhaqaale ahaan helayso waxbay ahaan lahayd ee dhaqaale na kuma helayso.”
Waxa kaloo halkaas ka hadlay Md. Cali Xaaji Maxamed oo faahfaahin ka bixiyey dhibaatada uu aaminsan yahay inay ka dhalan karto haddii la hirgeliyo saldhigga Imaaraadku ka doonayo Berbera, waxaannu yidhi; “Meesha ciidamo ayaa la keenayaa, ciidamo miig ah (diyaaradaha dagaalka) oo carruurteenii iyo xoolo dhaqatadeenaba Miig ku dul ciyaara ayaa la keenayaa oo marba dhinac u raaca oo sasiya, garoonka noocaas ah cid geli kartaa ma jirto, cid ka war haysaa ma jirto, xataa Madaxweynaheenu ma geli karo cid kaleba iskadaayoo, markaa waxa aan leeyahay waar suurogal maaha arrintaas saldhiggu.
Markaa waxa aanu leenahay yeynaan cadow sameysan oo cadow innaga soo horjeeda yeynaan sameysan oo Imaaraadka hore ayeynu saaxiib u ahayne waxa aanu leenahay sidii kale ee aad cilaaqaad noola sameysaneysaan diyaar baanu u nahay.”
Md. Bashiir Tukaale oo isna dhankiisa ka hadlay, ayaa tilmaamay in aan illaa hada la garanayn waxa ay Somalilan ku bedelatay dhul baaxad weyn oo Somaliland ay saldhig ahaan u siisay dawladda Imaaraadka, isaga oo xusay in dhulkaasi uu macno ahaan ka dhigan yahay in la siiyey dalkaas shisheeye, isla mar ahaantaana ciidammada la keeno ay khatar ku noqon karaan Somaliland.
“Somaliland, haddii maanta ay arrintaasi suurtogasho waa la qabsaday ee ogaada, waayo dal la ictiraafsan yahay ma nihin, sabab loo la macaamilaayo dal aan muctarif ahayna ma jirto, markaa shacabka Somaliland waxa aanu leenahay hadalkayagu waxba tari maayo haddii aydaan idinku taageerin, waayo cidda aanu la hadleyno ee aanu dooneyno in ay arragtiyadayada qaataan oo aanu dareenkooda ka turjumeynaa waa idinka, markaa in aad taageertaan ayaa la idiinka baahan yahay,” ayuu yidhi Md. Bashiir Tukaale
“Waxa kaloo taas ka sii daran kirada lagu kireeyey sannadkii aad bay u yar tahay, waxaasina wax caqli gelaaya maaha, markaa waxa aan leeyahay Somaliland iyo dadkeeda arrimahaas sidaas u dareensanaada oo xaaladdeedu maaha mid sahlan, wixii hore oo dhan ciyaar ciyaar bay ahaayeen, laakiin tani ciyaar ciyaar maaha, waxa ay saameyn ku yeelanaysaa jiritaankeeda iyo jiritaanka Somaliland oo weliba berri haddii la yidhaahdo Soomaaliya ayaa la isku soo celinayaa waxa ku khasbi doona ciidammadan oo laguu adeegsan doono,” ayuu yidhi Md. Bashiir Tukaale oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland.