Araweelo News Network

maxamuudxaashi
Hargeysa (ANN)- Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey faa’iidooyinka kala duwan ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ka heli karto saldhigga millatari ee Imaaraadka Carabtu ka doonayo magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil.
Wasiir Xaashi oo saxaafadda kula hadlay madaarka Hargeysa ka hor intii wefti uu ka mid yahay aanay u bixin dhinaca dalka Itoobiya, waxa uu yidhi; “Arrinta saldhigga millateri waxaannu u aragnaa, kuna qanacsannahay inay tahay wax faa’iido innoogu jirto qaran ahaan. Dunida wax aan khasaare iyo faa’iido lahayn ma jiro; waa sunnaha nolosha. Bani’aamdanku labada ayuun buu is barbar dhigaa maxaa faa’iido ka helaysaan iyo maxaa khasaare ku jira? Annagu waxaannu aaminsanahay khasaaraha ku jira saldhig millateri oo aynu dawladda Imaaraadka siinno inay ka badan tahay oo si weyn ugu badan tahay faa’iidada aynu ka helayno. Imaaraadku dan ayuu doonayaa, innaguna dan baynu doonaynaa, waynu isku danaysannaa, markaa waxa muhiim ah inaynu danteenna qorno oo caddaato waxa aynu faa’iidayno.”
“Madaarka Berbera shalay wuxuu ahaan jiray saldhig millateri oo Ruushka ayaa dhisay. Wuu ka tagay, horumarkii laga sameeyey iyo kaabayaashii dhaqaalaha innaga ayaa dhaxalnay muu laalaaban, Mooskana (Moscow caasimadda Ruushka) lama uu tagin. Taariikhdu maanta waxay qiraysaa Maraykanka iyo Ruush tallaaabooyinkii lagu siiyey in aanay ahayn tallaabooyin khaldan.
Wixii daar iyo hanti ah waa la kala dhaxlaa, wixii caloolo galay maanta cidna ma hayso, halkay ku dambeeyeenna waynu garaynayaa, raggii qaatayna waynu ognahay, laakiin maanta hantidaas ayeynu haynaa oo waa wax la innooga tagay.”
“Dunidu saldhigyada millateri way bixisaa ee maaha wax caaggan, dano-na way ku bixisaa, ka doonayaana dano ayuu wataa, ka laga doonayaana dantiisa ayuu eegayaa oo wuu u kitaab furaa, annaguna waannu u kitaab furnay, waa u rognay, waa gorgortanay, marba gacanta ayaanu is galinnay kordhi; waar hadda waxaannu leenahay kordhi lacag tuurta lagu qaado maaha, ee waa wax ummadda dhaxal u noqda. Golaha (baarlamaanka) ayaannu keenaynaa, qarsan mayno, meel madowna wax kulama aannu saxeexan,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyda.
Sidoo kale, waxa uu sheegay inay heshiiska saldhigga u gudbinayaan baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) oo fadhi wadajir ah yeelan doona maalinta Axadda, “Waxaannu keenaynaa halkii ay ahayd, waxaanuna hordhigaynaa ummaddu cidda ay dooratay ee dastuurka qaranku awoodda u siiyey inay arrimahaas ka go’aan qaataan… labada gole ee ummadda u talinayey ayaannu hordhigaynaa wixii aannu la gaadhnay Imaaraadka ayaannu hordhigaynaa, qarsan mayno, xaqna waxa ay u leeyihiin inay diidaan iyo inay oggolaadaan labadaba waa awoodooda, annaguna soo bislaynta ayaannu leenahay, iyaguna (baarlamanka) dheri ka gurista ayey leeyihiin oo wa noo qaybsan yahay xilku.”
“Waxaannu nahay xukuumad isku kalsoon oo waxay aaminsan tahay fagaareyaasha keenta oo aan la biqin oon odhan golahaa gayn mayno. Anigu waxaan ahaan jiray mudane Golaha Wakiillada ka mid ah (xililgii dawladdii marxuum Cigaal), waxaanuna xukuumadaha ka baryi jirnay waar heshiisyada keena. Annagu maanta annaggaa la ordayna oo horgayna. DP World ayaannu gaynay. Qoodhi fagaare ayey ku war-sheegootaa, kanna waa geynaynaa golayaasha baarlamanka, haddii ay diidaana halkaas ayaannu kaga hadhaynaa, hadday oggolaadaanna halkaas ayaannu ka wadaynaa, cid joojin karntaana ma jirto. Ragga suuqa ka hanjabayaa ma joojin karaan. Waxa weeye haddii ay golayaasha sharcigu naga reebaan waannu u hoggaansamanaynaa.”
Waxa kaloo uu tilmaamay in dawladda Imaaraadku diyaar u tahay inay laga laabto codsigeeda saldhigga millatari haddii labada gole ee Guurtida iyo Wakiilladu diidaan ansixintiisa, waxaannu yidhi; “Dawladda Imaaraadka Carabta waxaannu u sheegnay saldhiggaa millateri iyo waxaa aynu isla fahamnay dal dumoquraadi ah ayaannu nahay, dal idinka duwan ayaannu nahay, annaga boqor keliya nooma taliyo ee madaxweyne la doortay oo sharciga codkooda iyo dareenkooda qiimaynaya oo laba gole dhaabbad u yihiin ayaannu nahay, markaa haddii ay na diidaan waxaa waxba kama jiraan, waannu ku go’naa ayey yidhaahdeen (Imaaraadku).”
Waxa kaloo Wasiir Maxamuud Xaashi uu sheegay in siyaasiyiinta mucaaridka ah ee ka soo horjeeda saldhigga millatari aanay wax xog ah ka hayn heshiis la kala saxeexday iyo danaha ugu jira qaranka Somaliland, isagoo xusay in aanay xidhiidh la soo samayn xukuumadda iyo Madaxweynaha si ay macluumaad uga helaan arrinta, balse warbaahinta uun ka hadlayaan.
Dhinaca kale, waxa uu soo bandhigay afar arrimood oo saldhigga millatari ee Imaaraadku faa’iido iyo waxtar ugu yeelan karo Somaliland, waxaannu yidhi; “Afar arrimoodba wax buu ka tarayaa. Annagu waxaanu aaminsanahay nabadgalayada Somaliland in aannu uga darayn ee uu wax weyn ku kordhin doono saldhiggaasi, waaba saldhig millater ee sidee ayuu uga daraa? Amniga baddeenna ayuu wax ka tarayaa, dhismaha ciidammadeenna ayuu wax ka tarayaa. Nabadgalyada waddankan uga biqi mayno mashruucan, wax buuna ku kordhinayaa xaqiiq iyo daliilana waanu keenaynaa.”
Md. Xaashi waxa kaloo uu meesha ka saaray in dawladda Masar wax saamayn ah ku leedahay heshiiska dhexmaray Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ee khuseeya saldhigga millatari, “Dalka Masar wax saameyn, raad iyo lug ah toona kuma laha saldhigga millateri ee Berbera, dawladda Imaaraadka-na difaac wadaag ah ma laha, dunida laga soo heli maayo hal meel oo askari Masri ah iyo askari Imaaraati ah ay ka wada hawlgalaan, xataa dagaalka Yemen kuma wada jiraan, heshiisyadayadana waxa ku cad in aan dawlad kale garoonkaas isticimaali karayn, markaa dad col ah meesha isugu keeni mayno, mandaqaddana dab sudhi mayno ee nabad, horumar iyo iskaashi ayeynu abuuraynaa.
Dawladda Itoobiya walaalo ayeynu nahay, saaxiib-na waynu nahay, saaxiibbo guun ah ayeynu nahay, saaxiibtimadeenuna waa sii waynaanaysaa. Dawladda Imaaraadka haddii aynu saldhiggaas siinno oo ay yimaaddaan ka bi’i mayso, kana xumaan mayso, waana laba dal oo saaxiib ah, xogogaal ayaanuna u nahay oo cid noogama xogogaalsana, ummadda xukuumaddeedii ayaanuna nahay. Ragga halkaa ka hadlaya ee leh Itoobiya ayaa ka xumaanaysa, Masar ayaa ku jirta waar wax ay ogyihiin ma jirto. Qofku wax aannu ogayn kama waramo, haddii uu ka warama waa ceeb, waa nusqaan jahliga ayey ka mid tahay,” ayuu yidhi.
“Horumarka waddanka ayey wax ku soo kordhinaysaa oo faa’iido ayeynu ka helaynaa, meesha waynu kiraynaynaa, mashaariic waaweyna ayaa la inoo qabanayaa oo cid inoo qaban kari wayday, shan iyo labaatan sannadood aynu dhisan kari waynay Berbera Corridor, waxaanna ku baxaya laba boqol iyo lixdan milyan oo doollar waddada cusub Berbera ilaa Wajaale, qaadhaan ayaa la inoo dhigay soddon milyan oo Yuuro ayuu dhaafi waayey, waa halkaynu waddadaa ka dhisi lahayn, beddelka saldhiggaas, kow ayuu mashruuca waddadaasi ka yahay in dawladda Imaaraadku inoo dhisto. Waxa ka mid ah in mashaariic waaweyn oo biyood, tamar, waxbarasho iyo kuwa caafimaad inay innaga caawiyaan. Waxaasi sadaqo maaha, lacag weyn ayaa innooga soo baxaysa, inagu sannado ayeynu siinaynaa, innaga waxa la ina siinayaa adduun weyn oo aynu dalka ku dhisanno.”
Wasiirka Madaxtooyada oo ka hadlayey faa’iidooyinka siyaasadeed ee Somaliland ugu jira heshiiska saldhigga millatari ee Imaaraadka “Siyaasadda saamayn ayuu ku leeyahay saaxiib weyn oo inoo soo kordhay weeye, Somaliland inaynu dano ka abuurno ayeynu u baan nahay, annagu waxaanu aaminsanayn in siyaasadda dibadda Somaliland waxa ka maqan ay tahay dano aynu abuuri kari waynay, dano ayaanu abuuraynaa dunidu ay dugsato, nin waliba uu dhawro, dano iyo saaxiibbo fiican kuwo hore iyo kuwo dambe ayaannu abuuraynaa.”
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland khudbad-sannadeedkii uu jeediyey 2016-kii ayuu ku caddeeyey mowqifka khilaafka iyo dagaalka Yemen ka socda iyo siyaasadeenna ku wajahan waddanka Yemen. Annagu waxaannu la jeeni nahay oo la jaalnahay (taageeraynaa), dawladdaha isbahaysiga Carabta ee Sunniga ah. Annagu fariiqada Shiicada ma nihin, ee waxaanu nahay fariiqada Sunniga ah. Ummaddani (Somaliland) waa sunni, imminkaba dhinac ayeynu nahay, dhex ma nihin ee dagaalka dhinac ayeynu ka nahay, dagaalku ka gacanta oo keliya maaha, arrin caqiido salka ku haysa intay tahay ayaannu aaminnahay, waxaanu la jaal nahay wadammahadaas. Imaraadkuna waa ka mid kuwaas, ummad jirta eyeynu nahay ciddii ina soo doonatana waynu iska celinaynaa, umana rag li’in, kuwan aynu maanta is kaashanaynaa jaalalka aynu leenahay ayey ka mid noqonayaan, Xuutiyiin-tana ka biqi mayno oo rag baan arkayey bulshada bajinaya oo leh balaa cirka ka soo dhacaysa, waar qaran xoog oo waayo-arag ah oo dagaalka yaqaan oo nabadda qayaan, oo godabta yaqaan ayeynu nahay, iyagaaba cidiidhi ku jira, waana u hub samaynaynaa.”
Sidoo kale, waxa uu sheegay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka go’an tahay sidii ay maalgashi caalami ah ugu heli lahay dalka Somaliland, “Hadba inta aynu saaxiibo helno ayeynu heli karnaa maalgashi, oo aynu heli karnaa in qarannimadeennu cago adag isku taagto, haddii aynu dunida go’doon ka galno oo saaxiibo kasban kari wayno siyaasadeedna dibaddu waxay gali kartaa cidhiidhi, sidaa darteed annagu waxaannu aaminsanahay ceelalyo ayaannu dalka u nahay, waayo waxaanu nahay xukuumaddii talada qarankan haysay Md. Axmed Siilaanyo waa Madaxweynaha la doortay, Cabdiraxmaan Saylici-na waa Madaxweyne-ku-xigeenkii la doortay, ummadduna labadaa nin ayey dooratay, annaguna waxaannu nahay kaaliye-yaashoodii, waxaanuna ku shaqaynaa fikirkooda iyo hammigooda,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland.