Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa farriin u diray ardayda sanad-dugsiyeedka 2016-2017-ka ka qalinbaninaysa fasallada afraad ee dugsiyada sare iyo fasallada siddeedaad ee dugsiyada dhexe, waxana uu hambalyeeyey ardayda, waalidka iyo macallimiintii tacabka badan soo gelisay.
Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, ayaa guul weyn oo Somaliland gaadhay ku tilmaamay in 26,558 oo arday sanadkan u fadhiistaan Imtixaanaadka shahaadiga ah, isaga oo soo jeediyey in horumarinta dalka loo midoobo, uguna duceeyey ardayda in Ilaahay (SWT) ku guuleeyo imtixaankooda.
“Waxa wax Ilaahay loogu mahadiyo ah Ilaaha ina siiyey nabadgelyada, dawladnimada iyo isku tashiga aynu isku tashanay inaynu dalkeena wax u qabano oo ay maanta imtixaanka shahaadiga ah u fadhiisanayaan in ka badan 26,000-kun oo arday, waana guul Somaliland oo dhan gaadhay oo ardayda, macallimiinta, waalidka, dawladda iyo intii kale ee ka qayb qaadatay baa gaadhay, waxana inoo ballan ah inaynu dalkeena sii horumarino,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi.
Guddoomiyuhu waxa uu ardayda sannadkan imtixaanaadka u fadhiisanaysa ku tilmaamay mustaqbalkii dalka Somaliland, waxana uu u rajeeyey inay guul ka gaadhaan imtixaanka ay u fadhiisteen horraantiisii, “Ardayda imtixaanka gelaysa waxaan leeyahay waxaad tihiin mustaqbalkii qaranka, maantana imtixaankii shahaadiga ahaa baad gelaysaan, kuwo kalena way idiin dambeeyaan, Ilaahay idankiina guul baan idiin rajaynayaa dhammaantiinba inaad imtixaankaas ku wada guulaysataan, mustaqbalka noloshiisana ku wada guulaysataan if iyo akhirobana Ilaahay idin wanaajiyo,” ayuu yidhi Murrashaxa xisbiga KULMIYE.
Waxa kaloo uu ugu baaqay ardayda imtixaanka gelaysa inay kalsooni ku galaan imtixaanka, isagoo uga digay inay maankooda geliyaan inay isku dayaan inay qish sameeyaan.
“Waxa aan idiin soo jeedinayaa inaad imtixaankaas si kalsooni leh u gashaan oo qof waliba ku kalsoonaado wixii uu soo bartay oo aan lahayn wax qashqashaad ah, ardayduna beryahan dambe waxa ay kaashadaan qalabka Smart-phone, wax la sii duubo iyo waraaqo wax laga eegto, noloshuna in meel gaaban lagaga boodo oo kuma socotee waxa ay u samaysan tahay sida dabiiciga ah ee Ilaahay u sameeyey, waxana nolosha lagaga daydaa tacabka beeraha, marka beer la falayona dhulka waa la simaa, xilliga roobkaa loo eegaa, bederkaa lagu ridaa, marka uu soo baxona waa la baaq-baaqaa, intaas haddii ay mid seegtona beertaasi ma baxdo, noloshana qofku marka uu dhasho ee uu guriga ku soo koro ee akhlaaqda iyo diinta islaamka la baro haddii uu martabad ka boodo noloshiisa way ka dhinnaanaysaa,” ayuu yidhi Murrashax Muuse Biixi Cabdi.