Araweelo News Network


Dubai (ANN)-Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo Madaxweyne Siilaanyo kula kulmay magaalada Dubai, ayaa uga xog-warramay hawlo shaqo oo ay ugu maqan yihiin dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta, gaar ahaan dedaal loogu jiro sidii xayiraadda looga qaadi lahaa dhoofka xoolaha nool ee Somaliland.
Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Afhayeenka iyo Warbaahinta ee Madaxtooyada Somaliland, waxa ay xubnaha Wasiirrada ah ay u faahfaahiyeen Madaxweynaha waxyaabaha uga qabsoomay kulano ay la yeesheen madax ka tirsan dalalka Imaaraadka Carabta iyo Sucuudiga, waxaannu warkaasi u qornaa sidan;
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Silaanyo oo ku guda jira safarkiisa nasashada ahaa ee uu ku joogay Imaaraadka Carabta ayaa maanta) oo ay taariikhdu tahay 01/07/2017 kulan muhiima la yeeshay xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada oo iyagu u joogay halkaasi hawlo shaqo oo la xidhiidha arrimihii ay Somaliland iyo Imaaraadku hore uga wada shaqayn jireen iyo arrimaha dhoofka xoolaha oo uu Wasiirka Waaaradda Xanaannada Xooluhu in muddo ahba halkaasi u joogay.
Kulankaasi oo ka qabsoomay hudheelka uu madaxweynuhu ka degan yahay Dubai ayaa waxa warbiximo kala duwan ka soo jeediyey wasiiro dhawra oo iyagu halkaasi u joogay dardargelinta iyo ka midho-dhalinta arrimahaasi, waxaana markii kulankaasi dhamaaday saxaafadda la hadlay Wasiirka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka hadlay ujeedada kulankaas, madaxweynaha warbixin mug iyo miisaan leh ka siiyey halka ay wax u marayaan marka laga hadlayo arrimaha dhoofka xoolaha nool ee Somaliland u dhoofin jiray Sucuudiga, waxaannu yidhi; “Ujeedada ugu weyn ee kulankan ay wasiirradu ugu yimaadeen madaxweynaha waxa weeyi laba arrimood uun, mid waa salaan guud oo ay madaxweynaha iyo marwada koowaad ee Qaranka ugu yimaadeen xubnaha Golaha Wasiirrada ka tirsani, maadaama oo uu madaxweynuhu ku jiro fasax la xidhiidha fasaxyadii madaxweynuhu ugu bixi jiray dibedda ee uu xaqa u lahaa iyo mid kale oo ah hawlihii aynu awalba la wadnay dawladda Imaaraadka Carabta iyo laamaheeda kale oo ahayd meesha keliya ee ilaa hadda ugu wanaagsan ee inoo nuglaatay ee aynu dunidii ka galnay ee aynu xidhiidhka la yeelanay. Labada ujeedo ee muhiimka ahaydna qoladii ka soo noqotay Sucuudi Arabiya ee wasiirrada ah, xubno ka yimmi Hargeysa oo iyaguna wasiirro ah iyo xubnaha madaxweynaha wehelinayey oo hadda halkan ku sugnaa.
Kulankani waxa uu ahaa mid is xog-warraysi ah, madaxweynahana aanu warbixin ku siinay halka ay hawluhu noo marayeen ka wasiirro ahaan intii aanu ku gudo jirnay hawlahaasi, warbixinahaasi oo ay madaxweynaha u jeediyeen xubnaha Golaha Wasiirrada ee ay hoggaaminayaan Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Arrimaha Dibeda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md. Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo), Wasiirka Duulista Hawada Md. Farxaan Axmed Haybe, dhammaan wasiirradaasi oo madaxweynaha ugu yimmi hudheelka uu degan yahay waxa aanu dhammaantayo shacbiga mar kale ugu hambalyeynaynaa ciidal fidrigii ina dhaaftay iyo shuwaalkaba, Ilaahayna khayrkeeda ha ina siiyo. Ummadda reer Somaliland-na waxa aanu kula dardaarmaynaa in ay noqdaan kuwo samaha ku taliya, carrabkoodana kaga hadla waxa san, duruufta dhaqaale ee maanta dalku ku jirana waxa aynu kaga bixi karno ayey ka mid tahay dhaqdhaqaaqyada aanu u joogno halkan, maaha iska joogis xubnaha wasiirradu ay halkan iska joogaan ee waxa aanu ka shaqaynaynaa dhammaanteen in aynu ka baxno duruufta ka dhalatay xoolihii la joojiyey ee istaagay iyo dhaqdhaqaaqii ganacsiga oo koobmay, taasina ay keentay in shillinkii Somaliland-na qiimihiisi isbeddel ku yimaad, Ilaahay waxa aynu ka baryeynaa inuu marxaladaa inaga saaro, waxaanan ku rajo weynahay oo aanu ka shaqaynaynaa in xoolaheenii xajka loo diro, warbixinta iyo waxa aanu dawladahan isnidhi safarka dhammaadkiisa ayaanu ummadda u soo bandhigaynaa,” ayuu yidhi Wasiirka Xanaannada Xoolaha Somaliland.
Ugu danbayntiina, waxa uu Madaxweynaha qaranku dhankiisa uga mahadceliyay hawsha ay qaranka u hayaan iyo dedaalada ay ka sameeyeen hawlihii uu u igmaday, una joogeen Imaaraaadka iyo Sucuudiga, waxaannu ku dhiirigaliyay xubnaha wasiirrada ah inay dedaalka halkaa ka sii wadaan, kana midhodhaliyaan. Sidoo kale waxa kulankaasi goob-joog ka ahaa xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Axmed Cali Iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Saxaafadda Md. Khadar Cali Gaas,” ayaa lagu yidhi warka qoraalka ah ee ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka iyo Warbaahinta ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.