Araweelo News Network

 

Gabiley(ANN) – Wefdi balaadhan oo uu hogaaminayo Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa maanta si xamaasad leh loogu soo dhaweeyey gobolka Cagaaran ee Gabiley.

Musharax Xisbiga Waddani iyo weftigii uu hogaaminayey oo abaaro 8:30 subaxnimo ka soo kicitimay magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Boorama oo afartii maalmood ee u dambeeyey ay ku sugnaayeen weftigu, waxaanay dadweyne tiro badani ay ku qaabileen deegaamada Gobolka Gabiley ee Xuushalay, Kala-baydh iyo Caratuulka oo ay weftiga Murashaxa Waddani ay ku soo dhaweeyeen dadweyne tiro badan oo ay horkacayeen Siyaasiyiinta deegaamadaasi ka soo jeeda ee xisbiga Waddani ka midka ah, waxaanu Murashaxu halkaasi xadhiga kaga jaray xafiisyo xisbigu halkaasi ka furtay.

 

Soo dhowayntii Gebilay ee WADDANI

Weftiga Xisbiga Waddani ayaa markii ay soo gaadheen duleedka magaalada Gabiley, waxa ka hor yimid jamaahiir taageersan xisbiga Waddani, waxaanay aakhirkii iskugu soo biyo shubteen fagaare looga sameeyey meel ku beegan afaafka Dawlada Hoose ee Gabiley, halkaas oo masuuliyiinta xisbigu ay khudbado uga jeediyeen dadweynaha taageersan xisbiga Waddani.

Murashax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo ka mid ahaa Masuuliyiintii xisbiga ee dadweynaha la hadlay ayaa sheegay in gobolka Gabiley uu caan ku yahay wax soo saarka, halgankii dalkan dib loogu xoreeyey, waxaanu si gaar ah u xusay in gobolku aanu kala sinayn gobolada kale qabyaalad diidka oo ay dheeryihiin Abwaankii weynaa Cabdilaahi Suldaan Timacade, soona qaatay tuduca gabaygiisii caanka ahaa ‘Dugsi ma leh qabyaaladi waxay Dumiso Mooyaane’.

Ugu horayna waxa uu Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani uu khudbadiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Waxaan si aan la qiyaasi karin ugu mahadnaqayaa dhamaan shacbiga gobolka Gabiley, gaar ahaan magaalada Gabiley oo nagu soo dhaweysay gobolkan Cagaaran, waxaan idiinka mahad naqaynaa sida milgaha leh, sida gobanimada leh ee aad noo soo dhaweyseen oo qalbigayaga ku qornaan doonta mudo dheer hadii alle yidhaahdo.

Waxaan ku faraxsanahay inaan Gabiley ka hadlayo oo aan joogo, maaha markii iigu horaysay, mana noqon doonto markii iigu dambaysay.

Gabiley waa magaalooyinka ugu muhiimsan Somaliland waxay haldoor ka ahaan jirtay xiligii gobanimo doonka, Abwaanadii suugaanta, Halgamayaashii iyo dadkii usoo halgamay dalkan, wax soo saarka iyo tacliinta dalka. Waxaan gobolkan ku kalsoonay inuu yahay gobol aad u xejiyey dardaarankii Abwaan Timacade, muxuu yidhi?, ‘dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane’, waxaan u sheegayaa oo aan waliba ku dhaaranayaa inaanan gobolkan marti u ahayn, waxaan ku dhaaranayaa inaanan gobolkan cidna abaan uga baahnayn, waxaan ku dhaaranayaa illaahayna aan ka rajaynayaa inaan gobolkan cidi iiga cod badan doonin gobolkan.

Gobolkan waa gobolada ugu wax soo saarka badan, waa gobolada ugu codka badan, mudo dheer gobolkani wuxuu doonayey in loo sharciyeeyo gobolnimo, waxaan rumaysnahay ninkii ugu halganka badnaa doonista gobolka inuu xildhibaan Bashiir Tukaale yahay.

Mudadii aanu Baarlamaanka joognay intaa wuu halgamayey, Waxaanu markii ugu dambaysay ku guulaysanay inaanu hor keenay baarlamaanka mooshin aanu leenahay xukuumada ha loo dhamaystiro gobolnimo gobolka Gabiley, reer gabiley meel ha ku qortaan, waxaan u sheegayaa qalin qudha oo gobolnimada Gobolka Gabiley qoraysa waa ka gacantayda ku jira hadaad doorataan inaan Madaxweyne noqdo.

Hadii Madaxweyneyaashii hore ka waabteen waxaan idiin sheegayaa waan saxeexayaa hadii Illaahay ka dhigo.” Ayuu yidhi Murashaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro).

Sidoo kale waxa isaguna halkaa ka hadlay Siyaasi Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacade) oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga Waddani kana soo jeeda Gabiley, waxaanu yidhi “Qabyaaladu ha dhacdo, Gabiley cidna uma xidhna, cid jeebka ku sidaa ma jirto, Gabiley waa xor.” Ayuu yidhi Siyaasi Abiib Timacade, waxaanu intaasi ku daray in siyaasiyiinta Kulmiye ay isugu sheekeeyaan in furihii iyo mufaatiixdii Gabiley ay jeebada ku sitaan arintaasina ay tahay riyo iyo mala’awaal.

Xildhibaan Bashiir Tukaale oo isaguna ka mid ah siyaasiyiinta reer Gabiley ee xisbiga Waddani, waxaanu sheegay in Qabyaalad aanu qaran ku dhismin, isla markaana Saddexda Musharax in aanu ku jirin mid kaliya oo reerkiisa oo qudhii uu soo saari karo balse ay u baahan yihiin reeraha kale, taasina ay waajibinayso in laga tago qabyaalad in cid loogu codeeyo, waxaanu yidhi “Saddexda musharax mid reerkoodu uu soo saari karaa ma jiro hadii aanu Somaliland oo dhan wadan, Somaliland waxay Somaliland ku noqonaysaa mid loo dhan yahay, hadaba Guusha Yaa leh? –Wadanibaa Leh.” Ayuu yidhi Xildhibaan Bashiir Tukaale.

Gabagabadii khudbadihii xisbiga Waddani uu la wadaagay Taageerayaashiisa gobolka Gabilay, ayaa weftiga iyo Murashaxa loo galbiyey dhinaca deegaanka Ceelgeniiseed oo qado loogu sameeyey, waxaanu weftigu u hoyan doonaa Caawa magaalada Gabiley, isagoo maalinta Barito ah hadii alle yidhaa u kicitimi doono magaalo xuduudeeda Wajaale oo ka tirsan gobolka Gabiley.