Araweelo News Network

Hargeysa(ANN) Xisbiga UCID, ayaa Xilalkii ay ka hayeen Xisbiga  ka qaaday saraakiil uga hawl gelayay gobolada Togdheer iyo Awdal.

sidaana, waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xisbiga oo ujeedadiisa lagu sheegay Xil ka qaadis.

qoraalkaa oo uu ku saxeexnaa Xoghayaha Xisbiga UCID, ayaa u qornaa  sidan:-

“Xoghayaha Guud ee Xisbiga Caddaalada Iyo Daryeelka UCID Md:Ismaaciil Cabdi Daahir’ wuxuu  maanta oo ay tariikhdu tahay 25/09/2017 Xil ka qaadis ku sameeyay Xubnahan Hoos ku qoran.
Isaga oo tixraacaya warqadaha sumadoodu kala yihin UCID/XGW/134/2017, UCID/XGT/022/2017 ee ay maamulada Gobolada Awdal iyo Togdheer ee ay usoo gudbiyeen Gudida anshaxa ee Xisbiga UCID .

1. Khadar Maxamed Aadan
Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada Heer Qaran ee Xisbiga UCID
2. Cabdiwahaab Cismaan Cumar
Xoghayaha Garabka Dhalinyarada ee Gobolka Awdal ee Xisbiga UCID
3. Maxamed Aadan Jibriil
Guddoomiye Ku-Xigeenka Gobolka Awdal ee Xisbiga UCID
4. Cabdilaahi Aadan Axmed
Xoghayaha Maaliyada Garabka Dhalinyarada ee Gobolka Awdal ee Xisbiga UCID
5. Siciid Cabdiraxmaan Muxumed (Kamaan-Boosto)
Xoghayaha wacyigalinta Gobolka Awdal ee Xisbiga UCID
6. Amaal Axmed Sugaal
Guddoomiye Ku-Xigeenka Garabka dhalinyarada ee Xisbiga UCID
7. Hanad Cabdi Yuusuf
Guddoomiyaha Garasbka Dhalinyarada Gobolka Togdheer ee Xisbiga UCID
8. Maxamed Axmed Caydiid
Xoghayaha Maaliyada gobolka Togdheer ee Xisbiga UCID
9. Farax Axmed Faarax
Xidhiidhiyaha Garabka dhaliyarada gobolka togdheer ee Xisbiga UCID
10. Axmed Cismaan Ducaale
Guddoomiyaha Garabka Dhaliyarada Gobolka Awdal ee Xisbiga UCID

ALLAA MAHAD LEH

Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID
Md:Ismaaciil Cabdi Daahir ___________