Araweelo News Network

Guddoomiyaha Komishanka Iyo Guddoomiyaha WADDANI

Hargeysa(ANN)-Murrashaxa Xisbiga WADDANI ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Ciro, ayaa sheegay in lasoo afjaray khilaafkii ka dhashay doorashadda ee sababay rabshadaha sababay dhimashada Iyo dhaawaca.

 

Guddoomiye Ciro, wuxuu sheegay in laga gaadhay is-afgarad cabashooyinkii xisbiga WADDANI ee doorashadii madaxtinimada Somaliland.

Murrashaxa WADANI, waxa kale oo uu ka hadlay halka uu kasoo baxay Buug ay soo bandhigeen oo ay ku doodayeen in la foojari agree yay, wuxuuna Arrimahaa kaga hadlay shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen guddoomiyaha guddiga doorashada Somaliland Cabduqaadir Iimaan Warsame, wuxuu sheegay in la tixgaliyay dalabyadoodii la xidhiidhay degmooyinka Hargaysa iyo Gabilay, islamarkaana wuxuu ku dhawaaqay in xisbigu uu soo celiyay wada shaqayntii ay la lahaayeen guddiga doorashadda ee ay dhawaan joojiyeen

“ waxaanu islagaranay oo ku soo gunaanadnay in la dhagaysto codsigii xisbiga wadani. Komishanka doorashooyinku waxay cadeeyeen in buugaasi ka mid ahaa, buugaagtii iyagu ay lahaayeen ee ay ugu talagaleen doorashada” ayuu yidhi.

Xisbiga mucaraadka ee WADDANI, ayaa ku dooday in dib loo tiriyo Codadka laga dhiibtay Magaalooyinka Hargaysa iyo Gabilay, oo xisbigu ku doodayay in la musuqmaasuqay.

Halkan Ka Daawo Cabdiraxmaan Ciro Iyo Guddoomiyaha Komishanka oo wadahjir saxaafada ula hadlay.