Araweelo News Network.

Nairobi(ANN)- Guddoomiyaha guddida madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduuddaha Kenya ee IEBC Mr. Wafula  W. Chebukati ayaa ku dooday in Afarta xubnood ee Kommishanka doorashooyinka ee qaadacay natiijida uu ku dhawaaqay Isniintii ay doonayeen in dib loogu celiyo doorashada, si ay murrashaxiintu u tartamaan mar kale.

Laxidhiidha: Odinga Oo Ka Hadlay Doorashada Lagaga Adkaaday

Chebukati ayaa sheegay in xubnahaasi ay rabeen in ay ku qasbaan in madaxweynaha dib loogu tartamo, “Waan diiday in aan u hogaansamo dalabkan aan waafaqsanayn dastuurka iyo sharciga,” ayuu yidhi.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ay dalbadeen Afarta xubnood in ay dhexdhexaadin ka galaan natiijada madaxweynaha, sidaana waxa lagu sheegay Bayaan la sii daayay Arbacadii 17 August 2022,  kaas oo looga jawaabayay sheegashooyinka kala duwan ee afarta xubnood ee Kommishanka, kuwaas oo kala ah, Juliana Cherera, Francis Wanderi, Justus Nyang’aya iyo Irene Masit.

Mr. Chebukati ayaa sheegay intii lagu jiray kulan xog-waraysi ah oo la qabtay August 15, 2022 abaaro 3pm ka hor ku dhawaaqista kama dambaysta ah. “Madaxweyne ku xigeenka William Ruto oo ah madaxweynaha la doortay, afartan qof ayaa dalbaday in uu dhexdhexaadiyo natiijada ujeedaduna tahay in lagu qasbo doorasho ka soo horjeeda dhaartii ay ku dhaarteen,” ayuu ku yidhi, bayaanka.

“Tani waxay la mid tahay in la dumiyo dastuurka iyo rabitaanka madax-bannaanida ee dadka Kenya. Guddoomiyuhu waxa uu diiday in uu u hogaansamo dalabkan aan sharciga waafaqsanayn ee sharci darada ah, waxa uuna guda galay in uu ku dhawaaqo natiijadii Doorashada Madaxtinimada ee laga helay goobaha cod bixinta, waxaana  ay ku kooban tahay Foomka 34A, si waafaqsan sharciga” ayuu yidhi Chebukati.

Sida uu sheegay guddoomiyaha IEBC, doorashadii guud ee ka dhacday dalka Kenya August 9, 2022, wuxuu ku tilmaamay in ay ahayd tii ugu daah-furnayd ee taariikhda Kenya, iyadoo dhammaan foomamka 34As la dhigay shebekaddaha degelada internetka iyo baraha bulshada.

Laxidhiidha: Odinga Iyo Ruto Oo Looga Yeedhay Kaniisada Iyo Cabsida Ku Xeeran Natiijada Doorashada

Dhammaan nuqullada foomamka 34 ee laga keenay 290 goob-doorasho iyo mid qurbo-joog ah, ayuu ku tilmaamay kuwo dhammaantood la hubiyay, isagoo xusay in loo keenay sarkaal qaran oo la hubiya foomamka , sidoo kale ay joogeen dhammaan wakiilada labada murrashaxiinta, sidaa awgeed wuxuu ku tilaamay eeddaha xubnaha kommishanka ee natiijada madaxtooyada in la buun buuniyay si looga faa’iidaysto guulaystaha.

“Koradhka boqolkiiba 0.01 ee lagu sheegay natiijada doorashada madaxweynaha ee ay soo saareen afarta xubnood ee kala ah Juliana Cherera, Francis Wanderi, Justus Nyang’aya iyo Irene Masit, waa been iyo marin habaabin,” ayuu yidhi.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo IEBC ay ku dhawaaqday in dib loo dhigay doorashooyinka todoba jago oo la soo doortay,  kuwaas oo loo qorsheeyay inay dhacaan 23 August, 2022.

Related : Kenya 2022: Ruto and Odinga: Who won the election results?

Natiijada doorashada oo dib u dhac ku yimi ayaa ugu danbayntii guddida doorashooyinku Isniintii ku dhawaaqeen, iyadoo la shaaciyay  guusha Wlliam Ruto oo si dirqi ah kaga adkaaday ninka la tartamayey ee Raila Odinga, isagoo helay 50.5% codadkii la dhiibtay, sida ku cad natiijada rasmiga ah.

Ku dhawaaqista ayaa dib u dhac ku yimid, iyadoo gacan ka hadal iyo eeddaymo la xidhiidha ku shubasho codadka uu ku tilmaamay  Mr Odinga, isla markaana uu xusay inuu marayo dariiqyada sharciga.

Natiijada ayaa sababtay rabshado iyo dabaaldegyo is barbar socda oo dalka hadheeyay, iyadoo Kenya ay hore usoo aragtay doorashooyin natiijadooda dhiig baddan ku daato oo khilaaf iyo rabshado ku dhammaata.

EBC ayaa sidoo kale dalbatay in baadhitaanno lagu sameeyo dilka sarkaal ka tirsan doorashada, Daniel Musyoka oo ahaa sarkaalka soo celinta ee deegaanka bariga Embakasi, kaas oo maydkiisa laga helay deegaanka Loitoktok ee ismaamulka Kajiado.

” Komishanku wuxuu tacsiyaynayaa qoyska Mr. Musyoka, waxaan ugu baaqaynaa hay’addaha ammaanka inay si dhaqso ah u baadhaan oo ay gacanta ku dhigaan gacan ku dhiiglayaashiisa,” ayuu yidhi Chebukati.

Wax xusid muddan in doorashadii guud ee 2017, sidan oo kale loo dilay Maareeyihii ICT ee IEBC , Chris Musando, waxaana weli taagan in aan la caddayn Kiiskaa oo ah mid wali taagan oo aan la xalin.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com