Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Saddex Dhalinyaro ah oo ku nafwaayay muddaharaadka Hargeysa 11 August 2022, ayaa maanta si wadajir ah loogu aasay xabaalaha bariga Magaalada Hargeysa, iyadoo ay ka qaybgaleen masuuliyiinta Xisbiyada WADDANI,iyo UCID oo ay weheliyaan qoysaska iyo ehelada marxuumiinta iyo boqolaal ka mid ah dhalinyarada taageerta labada Xisbi mucaaraad.

Sidoo kale, waxa aaska loo sameeyay dhalinyaradaa ka qaybagalay masuuliyiin xukuumadda Somaliland ka tirsan, Odayaal iyo waxgarad kale, balse wasiirka xannaanada xoolaha iyo Kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed oo ka mid ahaa masuuliyiinta dhanka xukuumadda ka socday, ayaa dhalinyaro madaxa ku xidhan weer ku waajaheen qaylo iyo dhagax, kuwaas oo qaab gedood ah ugu wisiisiyay Wasiirka oo markaa ku sugaan xabalaaha.

Masuuliyiinta axsaabta qaranka oo ka qaybgalay aas qaran oo loo sameeyay dhalinyaradii ku dhimatay muddaharaadkii Hargeysa ee 11 August 2022, Image Araweelo News Network, 17 August 2022.

Wasiirka ayaa la arkayay iyadoo laga baacinayo dhalinyaro doonaya in ay gacanta ula tagaan, kuwaas oo ku boobay dhagxaan, balse Odayaasha iyo waxgaradka ku sugnaa Aaska ayaa ka hortegey dhalinyarada, iyadoo wasiirka loola cararay gaadhigiisa.

Tacshiirado rasaas ah, ayaa ka dhacay xabaasha dusheeda intii intii uu socday gedoodku, iyadoo ilaalada wasiirka iyo askarta ku sugnaa tacshiirado rasaas ah ka rideen halkaa si ay ugu cabsi geliyaan dhalinyarada soo weerrartay wasiir Siciid Sulub, balse lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay tacshiiradaha rasaasta.

Laxidhiidha: Muddaharaadyada Mucaaradka Oo Gilgilay Jawiga Magaalooyinka Waaweyn

Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kaluumaysiga Siciid Sulub oo markaa kaddib la hadlay warbaahinta qaarkood, ayaa sheegay inuu aad uga xumaaday wixii ka dhacay xabaasha, isagoo xusay in Odayaasha ku sugnaa xabaasha ku wargeliyeen inuu ka tago, maadaama ay ogaadeen in la doonayo in rabshad lagu sameeyo, wuxuuna amaanay Odayaasha iyo waxgaradka oo uu sheegay in ay iyagu marba baacinayeen dhalinyaradaa oo sida uu sheegey xidhnaa weer, isla markaana ahaa kuwo muddaharaad u diyaar ah.

“Arrintan waxay ahayd mid foolxun, waxaana ka danbeeyay Murrashaxa xisbiga WADDANI iyo cidda uu ka talo qaato ee xuurtada ku haysta, waxay ahayd mid anniga si gaar ah laygu beegsaday oo la doonayay in laygu shiido, waxaana amarkaa bixiyay masuuliyiinta xisbiga WADDANI.” ayuu yidhi.

Wasiir Sulub, wuxuu sheegay in uu askarta ku amray in aannay wax dhibaato ah geysan oo aannay xabad ridin, isagoo sheegay in aannu jirin wax khasaare ah oo soo gaadhay marka kaga reebo gaadhi muraayada danbe dhagax lagaga dhiftay, “waa khasaare sahlan ayuu yidhi.

Laxidhiidha: Booliska Oo Ka Hadlay Khasaaraha Ka Dhasahay

Sidoo kale, Wasiir Sulub ayaa sheegay in hore loogu qaaday gurigiisa bariga magaalada ee xaafadda New Hargeysa, isagoo sidoo kale xusay in bandhigii Buugga ee dhowaan lagu qabtay Hargeysa arbush lagu sameeyay, wuxuuna arrimaaha ku macneeyay kuwo muujinaya in isaga si gaar ah ay taageerayaasha xisbiga WADDANI u doonayeen, isagoo masuuliyiinta xisbiga, gaar ahaan murrashax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ku eeddeeyay inuu ka danbeeyo dhacdooyinkaa, wallow aannu soo bandhigin eeddaha uu dusha u saaray caddaymo muujinaya.

Dhinaca kale, masuuliyiinta axsaaabta mucaaradka oo ka qaybgalay aaska loo sameeyay dhalinyarada ku dhimatay muddaharaadkii Hargeysa ee 11 August 2022, ayaa Allah uga baryay inuu u naxariisto, iyadoo murrashax Cabdiraxmaan ku tilmaamay in ay ahaayeen kuwo shuhudo ah oo ku waayay nafahooda badbaadada qaranka Somaliland, isagoo ku dhowaad boqol qof oo ku dhaawacmay muddaharaadyada oo ka dhacay magaalooyinka waaweyn Allah uga baryay caafimaad.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, ENG. Faysal Cali Waraabe oo aaska ka qaybgalay, ayaa sheegay in aannu doonayn innuu ka hadlo wax kale, balse uu Allah uga baryayo inuu dhalinyaradaa u naxariisto, isagoo ka tacsiyeeyay qoyasaskoodii iyo qaranka Somaliland ee ay ka baxeen.

Guddoomiye Faysal, wuxuu sheegay in dhacdada muddaharaadka ee dhimashada iyo dhaawaca keentay gurigiisa kaga hadli doono.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com