Su’aalaha Aanay Jaaabta U Hayn Kenyaanku Ee Werwerka Sii Kordhinaya

Araweelo News Network.

Nairobi (ANN)-Loolanka adag doorashada Salaasadii ka dhacaday dalka Kenya ayaa noqotay mid natiijadeedu weli laalan tahay, iyadoo ay sii kordhayso cabsida laga qabo saamaynta natiiijooyinka isku dhow ee labada nin ee safka hore isku haysta sidii mid walba u noqon lahaa midka guusha loogu dhaawaqo ee dalka Kenya ka noqonaya Madaxweynaha 2022 ilaa 2027.

William Ruto oo ka socda Isbaahysiga Kenya Kwanza Alliance iyo siyaasiga taariikhda weyn ku leh dalka Kenya ee Railia Odinga oo ka socda Isbahaysiga Azimo la Umoja Coalition, ayaa ku hirdamaya kursiga, wallow ay jiraan laba murrashax oo aan iyagu codad buuran helin.

Hirdanka u dhexeeyay Odinga iyo Ruto ayaa ah mid ay tartankooda sii istaadhay cadaawadda siyaasadeed ee ka dhaxaysa oo ku lamaan tartanka, taas oo si ay uga wer-wersan yihiin dadka Kenya oo wadnaha farta ku haya, waxayna su’aalaha ugu baddan ee ay isweydiinayaan noqdeen kumaa loogu dhawaaqayaa natiijada guusha, maxaase dhici doona marka si rasmi ah loogu dhawaaqo ma jiraan jawaabo ay u hayaan ilaa hadda su’aalahaa.

Labada nin Raila Odinga iyo William Ruto oo natiijooyinka aan rasmiga ahayn ee soo baxayaa sheegayaan in ay sanka isku hayaan, waxaana labadaba looga yeedhay kaniisada, taas lagaga dalbanayo ka hor inta aannay si rasmi ah u shaacin guddida doorashooyinku natiijada doorashada in ay u hoggaansamaan si looga fogaado qalalaase iyo dhibaatooyin horseeda fawdo ka dhalata dhawaaqa natiijada madaxtooyadda.

Si kastaba ha ahaatee, Komishanku waxa uu haystaa ilaa Salaasada in uu ku dhawaaqo cidda ku guulaysata, iyada oo dugsiyada dib loo furay 18-ka Ogosto oo ku beegan Khamiista toddobaadkan, waxana ay ka digeen in la shaaciyo natiijooyin aan rasmi ahayn.

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto iyo ninka la tartamaya ee Raila Odinga ayaa maalmihii lasoo dhaafay is-weydaarsaday weedho sababay rabshado ka dhacay deegaanka Jacaranda oo ay ku dhaawacmeen tiro dad ah.

Ruto oo doonaya in uu xilka kala wareego Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo u tartamaya UDA  oo hoos taga Isbahaysiga Kwanza ee Kenya ayaa Raila Odinga ku eedeeyay in uu yahay maskaxdii ka dambeysay qaska.

Kenyaanka ayaa si weyn uga walaacsan xaaladda, iyagoo xusuusan dhibaatooyin xasuuq ah oo ka dhacay doorashooyinkii sannadihii hore, sidaa awgeed waxay aad uga walaacsan yihiiin cidda uu noqon karo madaxweynahooda xiga, maalmo kaddib markii ay dhamaatay codbixintii doorashooyinka ee Salaasadii 9 August 2022.

Hase yeeshee Guddida doorashada ee dalka Bariga Afrika ee IEBC ayaa ka digaya in la shaaciyo natiijo aannay soo saarin oo la xidhiidha doorashada, waxaana la filayaa in ay maalinta Isniinta soo saaran, iyadoo sharciga Kenya dhigayo in haddii labada murrashax midkood waayo codadka guud ee doorashada in ka baddan 50%  lagu celinayo wareeg labaad, wallow aannay si rasmi ah u sheegin xilliga ay qorshaynayaan in ay ku dhawaaqaan cidda ku guuleysata doorashada, balse warar aan rasmi ahayn oo warbaahinta mararka qaarkood iska soo horjeeda ayaa muujinaya in natiijooyinku yihiin kuwo isku dhow, iyadoo dib u dhaca natiijadu yahay midka cabsida sii kordhinaya ee xaaladda ka dhigaya mid hubanti la’aan ah.

Hogaamiyihii hore ee mucaaradka Raila Odinga, oo 77 jir ah, isla markaana kasoo jeeda qoys taariikhda siyaasada Kenya ku xardhan, ayaa markii shannaad doonaya inuu kasoo jeesto madaxtooyadda, wuxuuna qoorta iskaga duubay madaxweyne ku xigeenka xilka ka degay William Ruto oo 55 jir ah, kaas oo ku doodaya inuu soo afjaro siyaasada Kenya ee muddo ku dhow qarni ahayd u xidhan labada qoys Odinga iyo Kenyatta.

Warbaahinta Kenya ayaa soo tebinaysay natiijooyin muuqaallo ah oo ay guddida soo galiyeen marreegtooda dhinaca Internetka, taas oo laga soo ururiyay in ka badan 46,000 oo goob codbixineed, xoggahaas oo muujinayay kala duwananaansho, isla markaana aad uga dambeeya tirada xogta aan bislayn.

Natiijooyinka aan rasmiga ahayn ee warbaahintu soo tebinaysay, ayaa noqday kuwo  walaaca sii kordhinaya oo sababi kara, ama dhalinkara khilaafaadka ka dhashay sheegashooyin musuq-maasuq ah, kuwaas oo dhaliyay xilliyo hore rabshado lagu hoobtay kaddib doorashooyinii ugu danbeeyay ee ka horeeyay ka duwan.

Inkasta oo doorashooyinku ahaayeen kuwo si nabad ah u dhacday, marka laga reebo meelo kooban oo rabshado iyo weliba toogashooyin ka dhaceen, waxa jira baaqyo loo jeedinayo muwaadiniinta inay si dulqaad leh u sugaan natiijada rasmiga ah.

Tusaale ahaan intii ay socotay tirinta codadka galbeedka magaalada Eldoret, ayaa la arkayay taageerayaasha iska soo horjeeda ee labada murrashax  oo fagaare isku haleelay, halkaas oo ay qolo walba dhankeeda doonaysay si ay u  akhriyaan wararkii ugu dambeeyay waxayna ku murmeen natiijooyinka aan rasmiga ahayn ee la warbaahintu soo gdbinaysay, kuwaas oo tilmaamayay loolanka labada murrashax ee tartankooda doorashadu noqday cidiya ku dagaalan, balse taageerayaasha Ruto iyo Odinga ayaa la kala kexeeyay.

Dadka Kenya iyo dunida kale ee indhaha ku haya natiijada doorashooyinka Kenya ee weli laalan, ayaa xusuusan In ka badan 1,200 oo qof oo lagu dilay rabshado baahsan oo daba socday doorashadii 2007-dii, halka in ka baddan 100 qof ay ku dhinteen doorashadii 2017.

Guddida doorashada ee Kenya oo maanka ku haya taariikhahaa hore, ayaa doonaya inay ka digtoonaadaan in ay soo noqnoqdaan khaladaadkii xisaabinta ee sababay in maxkamadda sare ay baabi’iso natiijadii 2017 oo ay amartay in dib loogu noqdo doorashada.

Kormeerayaasha caalamiga ah ayaa guud ahaan sawir wanaagsan ka muujiyay doorashada, inkastoo ay jiraan dhibaatooyin daabacaadda daqiiqadihii ugu dambeeyay, isbedel lagu sameeyay habraacyada iyo iswaafaqla’aanta soo gudbinta natiijooyinka.

Amnesty International ayaa sheegtay in xisbiyada siyaasadeed ay si badheedh ah u faafinayaan jahawareer iyagoo wadaagaya warbixinno been abuur ah, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay hay’adda xuquuqul insaanka oo tixraacaysa isbahaysiga siyaasadeed ee Ruto iyo Odinga.

Sida uu dhigayo sharciga dalka Kenya Murrashaxa guuleysta waa inuu helaa 50% codadka iyo hal si uu u guulaysto, iyo ugu yaraan rubuc codadka 24 ka mid ah 47-da gobol ee Kenya. Haddii aan si toos ah loo helin inuu murrshaxiinta mid ku guulaysto, waxaa dhici doonta wareeg labaad oo codbixin ah, iyadoo labada murrashax ee madaxweynaha aannay hadda helin wax ka yar boqolkiiba hal.

Dad badan oo Kenyaan ah oo ka niyad jabsan isbahaysiga isbedalka ah ee madaxda sare oo ka dheregsan kor u kaca qiimaha iyo musuq maasuqa, ayaan haba yaraatee isku mashquulin inay codeeyaan haddii la qabto wareega labaad, maadaama ay ahaayeen doorashooyinku kuwo aannay dadku si weyn ugu soo bixin marka loo eego tirada is diiwaangelisay iyo doorashooyinkii hore.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com