#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)-Guddida Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maaliyadda ee Gollaha Wakiillada Somaliland, ayaa golle weynaha ka jeediyay warbixin la xidhiidha Odoroska Miisaaniyadeedka 2024, taas oo loo gudbiyay gollaha 13 Jan 2024.

Ka hor intii aannay golluhu Isniintii maanta ansixin Miisaaniyadda 2024, waxay dhegeysteen warbixinta laga sugayay guddida dhaqaalaha, ganacsiga iyo maaliyadda ee gollaha oo ku sheegay warbixintooda innay muddo laba bilood ah ku jireen hawsha Miisaaniyadda Qaranka, si ay golle weynaha u keeneen marka ay dersaan Odoroska Miisaaniyadda.

Xildhibaan Cabdirashiid Cabdullaahi Cagaweyne, ayaa warbixinta uu gollaha ka akhiriyay ku sheegay innay guddi ahaan markii ay naaqisheen go’aansadeen innay gollaha kusoo celiyaan, iyagoo soo raaciyay lifaaq, isagoo xusay in aannay waxba ka duwanayn Odoroska miisaaniyada ee 2024, miisaaniyadii sannadkii hore 2023, balse wuxuu xusay innay nuxur ahaan iyo siyaasad ahaan ka duwantahay , wallow uu Xildhibaanku ku xusay warbixinta in aannay jirin wax korodh ah oo ka muuqda Odoroska, ama dhimis, marka loo eego miisaaniyadii 2023.

 

Warbixinta Guddida Oo Dhammaystiran Muuqaalkan ka Daawo.

Laxidhiidha: #Somaliland: Gollaha Wakiiladda Oo Ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka Ee 2024

 

 

#Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com