Araweelo News Network.

 

 

Masar Oo  Wefdi U Diray Yuhuuda Iyo Dalalka Reer Galbeedka Oo Dhawaaqyo Ku Koobbay Xasuuqa Falstiin

Tel Aviv (ANN)-Xaaladda Israel iyo Faalstiin ayaa faraha ka baxday, waxaana xilligan laysla waajahay fool-ka-fool, kadib duqaymo aannay Yuhuudu waxba la hadhin saddexdii maalmood ee u danbeeyay, kuwaas lala beegsanayay shacbiga Falastiin ee Qaza.

Khasaaraha, burburka iyo maydadka ayaa wadhan dhismayaasha Bur-buray ee Qaza, waxayna saacadihii lasoo dhaafay Ciidamadda Millateriga Israel sheegeen in ay bilaabeen hawlgal dhulka ah oo ka dhan ah Xamaas, kaas oo ay ku kala bixiyeen Qaza, iyadoo kooxda iska caabinta Xamaas dhankeeda kordhisay jawaabaha gantaalaha argagaxa ku riday Israel, kuwaas gebi ahaanba ku khasabay Xukuumadda Yuhuuda in ay xidho dhabaha Diyaaraddaha ugu weyn ee Ben Gurion.

 

Lt. Col. Jonathan Conricus, oo ah afhayeen u hadlay millateriga xukuumadda Yuhuuda, ayaa goor sii horasay xaqiiyay in ciidamadda Israel ku sii qulqulayaan dhulka ah Gaza ee xadka, isagoo dhinaca si cad u sheegay in aannay taas macneheedu ahayn in ay hakiyeen, ama joojiyeen duqaymihi cirka, balse ay barbar socdaan.

 

Saraakiisha Ciidamadda Israel ayaa sheegay in ay dhanka waqooyi Qaza uga sii qulqulayaan cutubyo ka tirsan ciidankooda, kuwaas wada duqeyntana marka hore, iyagoo adeegsanaya gaadiidka gaashaaman sida taangiyo, sida ay sheegeen dadka ku sugan Qaza.

 

Millateriga Israel ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan howlgalka, laakiin qaar ka mid ah, ayaa sheegay in 3,000 ilaa 4,000 oo askari lagu soo ururiyay xadka maalmihii la soo dhaafay.

Saraakiisha militeriga ayaa ku manbeeyay in tirooyinkaas ay soo la doonayo in ay fuliyaan hawlgal xadidan maxaa yeelay duulaan buuxa wuxuu u baahan doonaa ciidamo badan oo dheeri ah, sida ay ku doodayaan.

Dhinca kale, Xamaas ayaa gantaalo ku garaacday garoonka diyaaraddaha ee Eilat kadib, taas oo sababtay in duulimaadyadii ay ka leexdeen Tel Aviv

 

Xamaas ayaa sheegtay inay soo riday gantaal dhan 250 kilo (500 lb.) oo lala beegsaday garoonka diyaaraddaha Ramon oo ku dhow Eilat. Duulimaadyada halkaas ayaa loo weeciyay qiyaastii 200 km (125 mi) koonfurta Tel Aviv, kadib gantaalaha Xamaas ee soo noqnoqday oo ku dhacay dhawr goor Ben Gurion, garoonka diyaaraddaha ee ugu weyn dalka.

Waxayna Xamaas dalbatay in shirkaddaha xamuulka ee caalamiga inay si deg deg ah u joojiyaan dhamaan duulimaadyada Israel.

Shirkaddaha diyaaraddaha ee Yurub ayaa joojiyay duulimaadyadii Tel Aviv sida British Airways, Virgin Atlantic, Jarmalka Jarmalka iyo Iberia oo Spain ka tirsan ayaa dhammaantood baajiyay duulimaadyadii ay ku tagi lahaayeen Tel Aviv, waxayna gebi ahaanba shirkddaha reer Yurub go’aansadeen inay ka fogaadaan inay u duulaan Israel iyada oo xiisad colaadeed halkaas ka jirto.

 

Shirkadda Lufthansa ayaa sheegtay inay hakineyso duulimaadyadda illaa xilli cayiman, sababo la xidhiidha xaaladda hadda jirta.

 

British Airways ayaa tidhi, “Badbaadada iyo amniga asxaabteena iyo macaamiisheena had iyo jeer waa muhiimadeena koowaad, waxaana sii wadaynaa inaan si dhaw ula socono xaaladda”

 

Waxay u badan tahay inay dharbaaxo ku tahay British Airways iyo Virgin Atlantic oo fadhigeedu yahay Ingiriiska. Britain ayaa dhowaan shaacisay in Israel ay ku jirto “liiska cagaaran” ee safarka iyada oo ay socdaan cudurka faafa ee coronavirus.

 

Dhinaca kale gollaha amaanka ayaa ku baaqay kulan deg deg ah oo xaaladda Israel iyo Falastiin ah, iyagoo Jimcaha ka yeelanaya fadhi si ay qaraar uga soo saaraan, waxa dhanka kale jira baaqyo ka imanaya Qarmada Midoobay, Hoggaamiyayasha Maraykanka, Faransiiska, Britain, Germeny, Rashia iyo dalal kale oo ku baaqaya in la joojiyo waxa ka socda Qaza, waxayne dhawaaqayadu u muuqdaan kuwo aannay Israel dheg jalaq u siin, iyadoo goor sii horaysay ra’iisal wasaaraha Israel sheegay in ay dhufaysyada ugu gelayaan wuxuu ugu yeedhay koox argagixiso ah oo khatar ku ah muwaadiniintooda.

Dhinaca dalka Lubnaan ayaa laga soo sheegayaa in duqaymo lagu cashariyay Srael, iyadoo Ururka Xisbullaah oo hada ka hor six xun u karbaashay Yuhuuda ay bilaabeen in ay garaacaan Tel Aviv iyo deegaamo kale oo Israel ah.

Hase yeeshee dalalka Islaamka ayaa daawanaya waxa ka socda Qaza iyo xasuuqa shacbiga Falstiin, marka laga reebo Turkiga, Iran, Syria iyo Aljeria oo ka dhiidhiyay gumaadka Yuhuudu ku hayso shacbiga Falastiin, iyadoo xukuumadda Masar marmarsiinyo ka dhigtay in ay wefdi u diray Tel Aviv si ay ugala xaajoodaan mashaqada, waxaana xusid muddan dalalka Khaliijku in ay iyagu horeba isugu dhiibeen Israel, iyagoo meel ku tuuray qadiyada Falstiin Masjidka Qudus, kadib markii ay Yuhuuda la galeen heshiiskii loo bixiyay Abraham Agreement oo Madaxweynihii Maraykanka ee doorashada lagaga adkaaday Trump, ku khasbay in ay dhawr dal oo Khaliijka ah aqbalaan, kaas oo markii danbe ay ku biirtay Suudaan.

Araweelo News Network

info@araweelonews.com