Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sweden oo laga codsaday in Somaliland laga saaro liiska meelaha aan safarka lagu tegi karin

sweadan
Araweelo News Network
Stockholm(ANN) Shir muhiim ah oo ka qabsoomay xarunta baarlamaanka dalka Sweden ee qaaradda Yurub, ayaa laga soo saaray qodobbo kala duwan oo faa’iido ugu jirto qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Wakiilka Somaliland ee dalka Sweden marwo Rooda Jaamac Cilmi iyo masuuliyiin kale, ayaa ka qaybgalay shir ka dhacay xarunta baarlamaanka dalkaas oo lagaga hadlay qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland, kaasoo ay goob-joog ka ahaayeen xildhibaan Amir Aadan oo baarlamaankaas xubin ka ah, asal ahaanna ka soo jeeda Somaliland, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dimoqraadiyadda iyo Midowga Yurub ee Sweden Mr. Birgitta Olsson, xubnaha loogu yeedho saaxiibada Somaliland ee ka tirsan xisbiga talada waddankaas haya oo ay ka mid yihiin;
barlamankaswedan
xildhibaan Hillevi Larsson, xildhibaan Maria Andersson Willner iyo xildhibaan Arhe Hamednaca iyo sidoo kale mudane Markus Wiechel oo baarlamaanka ugu jira xisbiga Swedish Democracy.
Shirkaas oo lagu beegay xuskii maalinta qarannimada Somaliland ee 18-ka May waxa ka soo baxay qodobbo muhiim ah oo ay ka mid yihiin;
1. In xubnaha baarlamaanka dalka Sweden ka wada shaqayeeen sidii Somaliland looga saari lahaa liiska waddamada aan loo safrin karin, safar aan ahayn dabiici/muhiim. Arrinkan ayaa la isla qaatay inuu muhiiim u yahay kobaca dhaqaalaha iyo dimoqradiyadda Somaliland.
Wakiilka Somaliland ee Sweden Rooda Jaamac Cilmi ayaa iyaduna xubnaha baarlamaanka Sweden ogaysiisay in arrinkan ay wadahadal hore ugala yeelatay Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo hawshaas qaabilsan, imminkana guddi farsamo u saaraysa, balse ay muhiim tahay in hawsha la fuliyo sida ugu dhakhsaha badan).
2. In xafiiska wakiilka Somaliland ee Sweden (Somaliland Mission in Sweden) mustawihiisa kor loo qaado oo laga dhigo sidii u ahaan jiray xafiiska dawladda Falastiin intii aanay Sweden aqoonsan. Mustawahaas oo sahlaya in dawladda Sweden ay xidhiidh toos ah la samayn karto Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland.
3. In xafiis kaalmo/ganacsi ay Sweden ka furato Somaliland. Xafiiskan oo hormood ka noqon doonto hay’adda Sweden u qaabilsan kaalmada caalamiga ee magaceeda loo soo gaabiyo SIDA. Middan ayaa sahlaysa in Sweden maalgelin iyo kaalmo toos ah ka samayn karto Somaliland,” ayaa lagu soo gunnaanaday qoraalka ka soo baxay Wakiilka Somaliland ee dalka Sweden ee qaaradda Yurub.
Dhinaca kale, Wakiilka Somaliland ee Sweden marwo Rooda Jaamac Cilmi iyo xubnaha wehelinayey, ayaa kulan la yeeshay Ami Larsson Jain oo ah masuulka ugu sareeya Wasaaradda Khaarajiga waddankaas u qaabilsan Afrika iyo mudane Tobias Nilsson oo ah sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden, iyadoo kulankaas lagaga hadlay qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland iyo sidii dawladdaasi kaalmooyinka ay siiso Somaliland si toos ah ugu hagaajin lahayd Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.

Waxa kaloo kulankaas laga wadahadlay sidii Somaliland looga saari lahaa liiska goobaha aan loo safrin karin ee la xidhiidha digniinaha ka soo baxa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden, waxayna masuuliyiinta dalkaasi ballanqaadeen inay tixgelin doonaan waxyaabaha Somaliland u soo bandhigtay, isla markaana ay farsamo u diri doonaan Somaliland si ay talo-bixin sugan uga soo saaraan.