Araweelo News Network
Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee WADDANI oo afkiisa ku beeniyey hadal ka soo baxay laba toddobaad ka hor
Muuminseed

Hargeysa (ANN) Xisbiga mucaaradka Somaliland ee WADDANI, ayaa mowqifyo is-burinaya ku qaabilay heshiiska maalgashiga dekedda Berbera ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo la saxeexatay shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka Carabta.
Heshiiskan oo wefti Madaxweynaha Somaliland hoggaaminayey iyo shirkadda DP World ku kala saxeexdeen 9 May 2016, waxa markiiba ka soo horjeestay xisbiga WADDANI oo ku tilmaamay mid xaaraan ah oo aanay aqbali karin.
“Waxa nasiib-darro iyo wax laga xumaado ah in Imaaraadka Carabtu heshiis la soo saxeexdeen xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo uu ku weheliyo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, dalkana haddii maalgashi la samaynayo iyo haddii cid lala heshiinayo waxa ka wakiil ah oo shicibka metelaya waa Baarlamaanka Somaliland, wax aan Baarlamaanka la soo marinina sharci maaha.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga WADDANI Md. Axmed Muumin Seed oo saxaafadda la hadlay maalin kadib markii heshiiska la kala saxeexday.
Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray, “Waxaannu cod dheer ugu sheegaynaa dalka Imaaraadka Carabta in heshiiskaas qarsoodiga ah ee madaxweynaha Somaliland iyo guddoomiyaha KULMIYE soo saxeexeen aanu sinaba sharci u noqonayn oo aanay shacabka reer Somaliland aqbalayn oo ay dekedda Berbera tahay hantidii dalka, dawladda Imaaraadkana waxaannu ugu digaynaa in heshiiskaasi yahay heshiis qarsoodi ah oo aan sinaba uga soortogeli karin Jamhuuriyadda Somaliland, shicibkuna ka dhiidhiyi doonaan.”
Haseyeeshee, Axmed Muumin Seed oo markale la hadlay warbaahinta shalay, ayaa hadal burinaya kaa hor ka soo baxay afkiisa, isagoo sheegay in maalgalinta dekedda Berbera tahay kow ka tahay horumarka dalka.
“Dekedda Berbera in la maalgaliyo oo wax laga qabto ka WADDANI ahaan annagu kama soo horjeedno, laakiin waxaannu diiddanahay xaqul-qallinka oo dal dhan la yidhaa xaqul-qallin baa wax lagu wadayaa. Wax badan waxaannu ku doodanay in sharciga la mariyo oo Baarlamanka la horkeeno, in shacabka la horkeeno oo la tuso waxa lagu soo heshiiyey, cidda maamulaysa iyo halka wax laga qabanayo, laakiin in dekedda la maalgaliyaa horumarka dalka ayey kow ka tahay. Runtii shaqo la’aan baynu ka cabanaynaa, markaa in dekedda la maalgaliyo oo shaqo abuur la sameeyo annagu mar walba waanu soo dhawaynaynaa, waxaanuse leenahay sifaha xukuumaddu u marayso ee xaqul-qallinka ka daaya oo wixii heshiisyo aad caalamka la galaysaan soo mariya Baarlamanka,” ayuu yidhi Seed.