Araweelo News  Nework

Muqdisho(ANN) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa daah-furay kulan lagu magcaabay wadatashiga Qorshe wadaagga guddiga wada xaajoodka iyo Hay’addaha ku shaqada leh siyaasadda loo dhanyahay, kaas oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Sida lagu sheegay Qoraal saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaare Khayre oo soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network, kaas oo u qornaa sidan:-

“Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa sheegay in Shirku uu muhiimmad gaar ah u leeyahay ummada Soomaaliyeed lagana doonayo ka qeyb galayaasha in ay la yimaadaan wax qabad muuqda, si natiijo wanaagsan uga soo baxdo.

“Howsha aad isugu timaadeen waxa ay ka tarjumeysa mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed. Waa bud-dhigga qaranimada Soomaaliya. Waxa aad isugu timaadeen sidii ummadda Soomaaliyeed aad ugu sameyn lahaydeen mustaqbal ka duwan kan aynu hadda heysanno” ayuu ydhi  Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.

“Meeshaan aad fadhidaan waxa ay ka tarjumeysaa in aad fursad u leedihiin in aad qeyb ka tahihiin qaabeynta dastuurka ay ummada Soomaaliyeed ku dhaqmeyso shanta boqol oo sano ee soo socota. Waxa ay ka tarjumeysaa in aad ka arrinsaneysaan ummada Soomaaliyeed sidii awoodda gacantooda loogu soo celin lahaa oo 2020-ka doorasho qof iyo cod ah ay u ga dhici laheyd dalka iyo in la dhameestiro geedi socodka federaaleynta. Waxa aan rabaa in maalmaha aad halkaan isugu imaneysaan aanay idinka xummaan, Saacadi in aanay idinka khasaarin. Maskax shiil ayaa halkaan laysigu yimi”, ayuu Ra’iisal Wasaaruhu kula dardaarmay ka qeyb galayaasha kulanka.

Kulanka wadatashiga Qorshe Wadaagga Guddiga wada Xaajoodka iyo Hey’addaha ku Shaqada leh Siyaasadda loo dhanyahay oo ay ka qeyb gelayaan dhammaan hey’addaha iyo wasaaradaha ku shaqada leh Tubta Siyaasadda loo dhanyahay ayaa loogu tala galay in uu socdo Afar maalmood, Isla markaana uu soo xidhmo July 8, 2018.

–DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya