Share this:

" />
Published On: Wed, Jul 4th, 2018

Somaliland Oo Ka Qaybgashay Shir Caalami Ah Oo Lagaga Hadalay iskaashiga Amniga Baddaha Iyo Dekeddaha Dalalka Qaarada Africa

Smiley face

Araweelo News Network

Libaan Yusuf Cismaan wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda Somaliland

Brussels(ANN)-Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Libaan Yusuf Cismaan ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium kaga qaybgalay shir caalami ah oo lagaga hadlay iskaashiga Amniga ee Baddaha iyo Dekeddaha qaarada Afrika.

shirkaa oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda crans montan forum, ayaa lagaga hadlay arrimaha iskaashiga caalamiga ah gaar ahaan iskaashiga dhinaca amniga dalalka qaarada Africa, aminga Baddaha iyo dekedaha iyo sidii la iskaga kaashan lahaa xoojinta laamaha socdaalka ee dalalka qaarada Africa

Shirka oo ay ka qaybgaleen Wasiiro, Dublamaasiyiin iyo masuuliyin kale, waxaana ka mid ahaa madaxda ka qaybgashay Wasiirka Madaxtooyada Sudan, wasiirka Madaxtooyaooyada Gaboon, wasiirka Difaaca ee dalka Macedonia, Safiirada dalalka Ruushka, Maraykanka, Belgium, raysal-wasaareyaal hore iyo madaxwynayaal hore oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee dalka Mali

Wasiir kuxigeenka wasaaradda arrimaha dibedda Liiban Yusuf cusmaan ayaa halkaa kasoo jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa, wuxuna wasiirku si qoto dheer uga warbixiyey taariikhda Somaliland iyo sida ay Somaliland door muhiima ugu qaadatay amniga qaarada Afrika, gaar ahaan dhincayada badaha (Maritime) ka iyo xuduudaha
“Somaliland waxa ay muddo 27 sano ah ku naaloonaysay amni, kala dambayn iyo horumar ay kula noolayd waddamada jaarkeeda ah iyada oo waliba ay ku gaadaanaayeen duruufo amni darro ah oo ka jiray gobolka geeska Africa”
Wasiir ku xigeenku waxa uu si qoto dheer uga hadlay geedi socodka horumarka Somaliland iyo hannaanka dimiquraadiyada Somaliland, waxaanu xasuusiyey beesha caalamaka iyo qaramada midoobey sida ay Somaliland xaq ugu leedahay in arrimeheeda la eego maadama ay Somaliland buuxisay shuruudaha dawladnimo oo dhan iyo waliba dhinaca qaanuunka caalamiga ahba

wasiir ku xigeenka wasaaradd arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah Liibaan Yusuf Cismaan, ayaa kulanka kadib si gaar ah  kulamo gaar gaara ah ula yeeshay Wasiirka Arrimah Dibedda Abkhazia iyo mayorka Khusumi ee caasimadda Abkhazia waxaanay si qoto dheer uga wada hadleen sidii loo unki lahaa xidhiidh ay wada yeeshaan dawladaha Somaliland iyo Abkhazia iyadoo dawlada Abkhazia halkaa ay marti qaad iyo casuumad rasmi ah ugu fidisay in wafti ka socda Somaliland ay safar ugu kicitimaan wadanka Abkhazia bisha August ee soo socota
• Sidoo kale waxa uu kulan gaara la yeeshay safiir ku xigeenka safiirka dalka Taiwan u fadhiya Belgium isagoo wasiirku xog waran balladhan ka siiyey horumarka Somaliland iyaga oo ila afgartay in labada dal ay iska kaashadaan dhinacyada beeraha, ka faaiidaysiga tamata qoraxda, waxbarashada iyo dhinca socdaalka iyo dal ku galka
• Wasiir ku xigeenku waxa uu sidoo kale kulan balladhan la qaatay xubno ka tirsan baarlamaanka midawga yurub isaga oo wasiirku uga xog waramay xaalada dalka ee hadda waxaanay xubnahaasi ballan qaadeen inay sii wadi doonan taageeraadooda Somaliland ee dhinaca aqoonsiga iyo inay gaadhsiiyaan fariinta Somaliland barlamaanka yurub

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp