Araweelo News Network

Ankara-Istanbul(ANN)Madaxweynaha Dalka Turkiga, Recep Tayyip Recep Tayyip Erdogan, ayaa xaqiijiyay in qarax maanta ka dhacay Fagaaraha Al-Suldaan ee Badhtamaha suuqa qadiimka ah ee Stanbuul ay ku dhinteen dad gaadhaya 10 qof.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob ay inta baddan tagaan dadka dalxiisayaasha ee reer galbeedku, waxaana ku dhintay ugu yaraan 10 qof, iyadoo dhawr iyo kale ku dhaawacmeen. sida ay sheegeen saraakiisha Caafimaadka ee stanbul.

Qofka isku qarxiyay goobta, ayaa la aqoonsaday inuu ka yimi dhinaca dalka Suuriya, kaasoo qaraxa u adeegsaday suumaanka ay qaraxyada u isticmalaan naftood hurayaashu.

ma jirto cid sheegatay qaraxaa ilaa hadda, balse waxa lala xidhiidhiyay kooxaha dagaalada kula jira dawlada Suuriya inay ka danbeeyeen, iyadoo sanadkii hore qaraxyo sidan oo kale ah ka dhaceen Turkiga.

Dhinaca waxa la xaqiijiyay in dadka weerrarka ku dhintay u badnaayeen dalxiisayaal u dhashay dalka Jarmalka, iyadoo qaraxa kadib Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jarmalka oo ku tilmaamay weerarka wax aad u xun oo laga murugoodo.

Xukuumadda Jarmalku waxay uga digtay dadkeeda inay ka taxadirsan goobaha dalxiiska ee ay dalxiisayaashu kusoo ururaan si aanay weerarro sidan oo kale ah ula kulmin.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380