Abwaan Kalshaale
Maanso Baroor-diiq u ah geerida Abwaan Cali Sugule (Dun-carbeed)..waxa curiyey Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale).
Maansadan Gaaban oo aan ka tiriyey Geerida Alle ha naxariistee Abwaan Marxuum Cali Sugule (Dun carbeed), oo Dalka Imaaraadka Carabta ku Geeriyooday 11/1/2016. Waxay soo baxday 12/01/2016.
Waxaanan ku bilaabay sidan:-
Jabad wali lamaan degin
jidiin maanu wada cunin
Jidna maanu wada marin
jaahiisa maan arag
jabaqdiisa maan maqal
Mid aan jaandi soo tebin
Misna waa jidhkaygiyo
Saaxiib aan jeclaayoo
Geeridu jaxaastoon
Tacsidiisa joogee
Jaliilloow jameecada
Jaarkii Rasuulkiyo (NNKH)
Asxaabtii jannada tegay
Kobtay Maanta joogaan
Gelbis jaanta ha u dhigo
jeexyada rumaankiyo
Midhaha jaadba jaadkaa ah
Haku jala buteeyoo
Su’aalaha jidka u yaal
Jawaabtooda garansii
Naarraha jidkoodiyo
yuu ku leexan jahanaba..
Aamin aamin aamin
Waxa curiyey: Saleebaan Cabdi Cali
Email: curad1986@hotmail.com
Tel: 0634229772