Araweelo News Network.

 

Khabuurkii Saynisyahanka ahaa ee ugu halista badnaa dalalka reer galbeedka oo muddo dheer ay ku raad joogeen muhkhaabaraadka Maraykanka iyo Britain, isla markaana  ku jireen baadi doonkiisa nusqarnigii u danbeeyay, ayaa geeriyooday, isagoo da’adiisu ahayd 85 jir.

 

Abdul Qadeer Khan, oo loo arkaa inuu ahaa aabaha barnaamijka hubka Nuyukleerka ee dalka Pakistan, waxaana markii dambe Dr. Khan  lagu eedeeyey inuu farsamo lagu ikhtiraacayo hubka wax gummaadda ee Nukliyeerka u tahriibiyay dalalka Iran, Kuuriyada Waqooyi iyo Liibiya.

Saynisyahanka u dhashay dalka Pakistaan, wuxuu wer-wer iyo walaac weyn ku hayay hay’addaha sirdoonka dunida reer galbeedka, waxayna warbixinaha iyo sheekooyinka laga qoray geeridiisa sheegayaan in dhacdooyonkii ay kala kulmeen kooxaha daba socday ee Hay’addaha sirdoonku kala kulmeen raadad la yaab lahaa.

Tusaale ahaan 11-kii bishii December sanadkii 2003, koox ka socotay sirdoonka Maraykanka, CIA-da iyo kuwa Britain MI6 ayaa doonayay inay raacaan diyaarad aan lahayn wax astaan ah , taas oo ku waajahnayd  dalka Libya, waxaana xilliggaa saraakiishaa loo dhiibay darsan muus ahaa oo ay ku jiraan bashqado.

Kooxda ayaa ku hawlanayd qorshe gebagebo ku dhow oo ahaa inay soo afjaraan howlgal qarsoodi ahaa oo ku saabsanaa wadahadallo lala yeelanayay saraakiisha Libya, laakiin markii ay fureen bashqadaha xilliggii ay diyaaradda raaceen waxay ogaadeen in la siiyay caddaymihii kama dambaysta ahaa ee ay u baahnaayeen: kaddib markii ay gudaha bashqadaha ku arkeen naqshadda hubka nukliyeerka.

Naqshaddaas- waxaa ka muuqday waxyaabo qeexaya barnaamijka nukliyeerka oo uu xilligaa soo dhiibayay ninka Dr Abdul Qadeer Khan.

Saynisyahanka u dhashay dalka Pakistaan Dr. Khan,  wuxuu ka mid ahaa dadkii ay ku daba jireen laamaha amniga adduunka nus qarnigii ugu dambeeyay,taas oo ay sabab u ahayd inuu ahaa Saynisyahankii iba-furay, ama seeska u dhigay ee ikhtiraacay teknooloojiyadda ugu halista badan adduunka oo ay ku loolamayaan dalalka heysta hubka wax gumaada  iyo kuwa aan haysan ee ay sheekadda ku tahay.

Agaasimihii hore ee CIA-da Maraykanka George Tenet ayaa Khan ku tilmaamay in ‘uu yahay nin halis ah oo ugu yaraan la mid ah hoggaamiyihii shebekadda Al-Qaida, Osama Bin Laden’

Sirdoonada reer galbeedka waxay Abdul Qadeer Khan ku timaameen in uu ahaa ninkii ugu halista badnaa adduunka,  balse dalkiisa hooyo ee Pakistan waxaa looga yaqaanay halyeey.

Waxa jira sheekooyin iyo dhacdooyin ku gadamaan arrinta Saynisyahankaa, taas oo aan ka turjumayn  oo keiya dhibaatada ay u arkayeen dalalka waaweyn ee aduunka, balse waa mid qeexeysa sida dunida ay u aragto hubka nukliyeerka.

Halkee ayuu kala yimi Fekreda ku dhalisay inuu Ikhtiraaco Nukliyeerka

Abdul Qadeer Khan qorshihiisu ma ahayn mrkii uu dhinaca dalalka Yurub u shaqa tegey in uu noqdo sirdoon dhanka nukliyeerka balse wuu ka mid noqday shaqaale ka shaqaynayay dalka Netherlands sanadihii 1970s xilli dalkiisa Pakistan uu bilaabay tallaabooyin uu ku cusbooneysiinayo hubka, kaddib markii lagaga adkaaday dagaalkii 1971 ee dhexmaray dalka India, iyadoo dalkiisa Pakistaan cabsi ka qabay horumarka dhinaca hubka ee dalka India oo xilligaa kusii socotay dariiqa  ay ka gaadhay hubka nukliyeerka.

Khan wuxuu la shaqeynayay shirkad laga leeyahay Yurub oo ku howlanayd horumarinta Uranium-ka, Uranium-ka waxaa loo adeegsadaa quwadda nukliyeerka ama sameynta hubka.

Khan wuxuu fikrad ka qaatay qaabka iyo naqshadda lagu horumariyay maaddada Uranium-ka, wuxuu dib ugu soo laabtay dalkiisa, wuxuu sameeyay shabakad qarsoodi ah oo ay ku jiraan ganacsato reer Yurub ah kuwaas u keeni kara qalabka iyo maaddooyinka uu baahan yahay ee muhiimka ah.

Waxaa inta badan loogu yeedhi jiray. “Aabihii nukliyeerka” Pakistan, wuxuu ka mid ahaa dadkii u udub dhexaadka u ahaa nukliyeerka Pakistan, waxaa lagu tilmaamay ‘halyeey qaran’ oo Pakistan ka badbaadiyay halistii kaga imaanaysay dhinaca Hindiya.

Wuxuu ku guuleystay in shabakaddii qarsoodiga aheyd inay ku howlanaato dhoofinta iyo soo dhoofinta agabyadii, waxay heshiis la gashay waddamo dhowr ah kuwaas oo intooda badan ay reer galbeedka ku tilmaameen ‘dalal aanan damiir lahayn’

Xarunta nukliyeerka Iran ee Natanz, halkaas oo sanadihii lasoo dhaafay uu caalamka isha ku hayay, ayaa waxaa la raacay markii la sameynayay naqshadda iyadoo la adeegsaday agab uu u keenay Abdul Qadeer Khan. xitaa waxaa jirtay mar koox mataleysay Khan ay la kulmeen saraakiil Iraaniyiin ah oo usoo bandhigay inay ka iibsadaan agab iyo naqshad ku saabsan sameynta nukliyeerka, wallow aannay sheekooyinkaasi ahayn kuwo caddaymo marag u noqon kara lo ohayo.

Khan wuxuu dhowr safar ku tegay Kuuriyada Waqooyi,  halkaas la rumeysan yahay in uu ku biiriyay talo ku saabsan teknooloojiyadda nukliyeerka gaar ahaan gantaallada.

Markii uu galayay heshiisyadan, arrimaha waxay ahaayeen kuwo aan  war cad laga hayn, waxaa ka mid ah in kaligii uu ahaa ama uu fulinayay amaradda dowladda gaar ahaan marka la fiiriyo heshiiska uu la galay Kuuriyada Waqooyi, dhammaan astaamaha waxay sheegayaan in dowladda aannay ka war heynin basle ay si dhaw ugu lug lahayd. Sida ay sheegayaan warbixinaha laga shaaciyay.

Mararka qaar waxaa la sheegay in Khan uu ahaa qof dhaqaale doon ah, oo aan ahayn Nin sahlan, wuxuu si dhaw ula shaqaynayay hoggaanka dalkiisa, wuxuu doonayay in uu meesha ka saaro arrinta ku waajahan waddamadii reer galbeedka inay xidhteen howlaha hubka nukliyeerka keligood.

Wuxuu is weydiyay su’aasha ah, maxaa dalalka qaar loogu ogolaanayaa hubkan si amnigeedu ay u xoojiyaan halka dalalka kalena loogu diiday? wuxuu u arkay munaafiqadda reer galbeedka, wuxuu odhan jiray, “aniga qof waalan ma ihi, aniga ima jecla ,waxay i jeedinayaan eedeymo aan sal iyo raad toona lahayn sababta oo ah waxaan carqalad ku noqday qorshahooda”

 

Sirdoonada Britain iyo Mareykanka ayaa bilaabay inay dabagalaan Khan, waxay dusha kala socon jireen safarradiisa, waxay la socon jireen Telefoonadiisa, waxay dabbin u dhigeen shabakaddiisa qarsoodiga ahayd xitaa waxay malaayiin doolar u ballan qaadeen kooxdiisa si ay u helaan xubno u noqdo wakiilo isla markaana sirta usoo gudbiya.

Jawaabtii uu Ka Bixiyay Dabagalka

“Waxaan ku suganahay gurigiisa gaar ahaan qolkiisa” ayuu yidhi mid ka mid ah saraakiisha CIA-da, kaddib weerarkii 11-kii September 2001 lagu qaaday xaruntii ganacsiga aduunka ee Maraykanka, waxaa jirtay cabsi ah in kooxaha argagixisada ah in uu gacanta u galo hub khasaare badan dhalin kara, sidaa awgeed dawladda Pakistan waxay ka dhaadhiciyeen in tallaabo ay ka qaadaan Khan.

Bishii March sanadkii 2003, Maraykanka iyo UK waxay Ciraaq ugu duuleen arrinta ku saabsan inay leedahay hub halis ah oo khasaare badan dhalin kara kaas oo markii dambe la ogaaday in aanay heysan.

Khan waxaa la geliyay xabsi guri xitaa waxaa lagu khasbay in uu jeediyo khudbad uu ku qiranayo waxa uu sameeyay, waxaana dalka Pakistan looga aqoonsan yahay halyeeyay qaran maadama uu ka caawiyay inay hesho hubka nukliyeerka,  balse waxaa laga hor istaagay in uu safro ama wax xidhiidha ah uu la yeesho caalamka intiisa kale, taas oo ay ka danbeeyeen dalalka reer galbeedka ee muddada dheer daba socday.ka hor intii aannu geeriyoon 10, Oct, 2021.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.