Araweelo News Network.

 

“Madaxweynuhu karaamadiisa iyo sharaftiisa wuu leeyahay oo intii Allah inagu waajibiyay wuu inagu leeyahay, waxaadse moodaa inuu gabay intii aynu isaga ku lahayn.” Cabdullaahi Guray Wasiirkii hore ee gaadhaandhiga Somaliland.

 

Hargeysa(ANN)-Siyaasiyiin qaarkood xilal hore kasoo qabtay xukuumadda iyo saraakiil kale oo ka tirsnaa xisbiga muxaafidka ee KULMIYE, ayaa shaaciyay in ay ku biireen xisbiga ugu weyn Mucaaradka ee WADDANI.

Kooxdan oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa, ayaa dhaliilo u jeediyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumaddiisa.

Sidoo kale, waxay ka hadleen sababaha ay xilligan ugu biireen xisbiga mucaaradka ee WADDANI, ee ay uga baxeen xisbiga xukuumiga ah ee KULMIYE.

Xubaha, ayaa kala ahaa Cabdullaahi Cali Ibraahim (Cabdullaahi Guray) oo hore usoo noqday Wasiirka Gaashaandhiga ee Xukuumaddii Daahir Rayaale, Prof. Siciid Xasan Sheekeeye, Prof. Jamaal Jaamac yare, Aqoonyahan Maxamed Xasan Faahiye, Aqoonyahan Keyse Baashe Duceele. sidaa waxa yidhi, Cabdullaahi Guray.

Waxa kale oo ay sheegeen in ay jiraan xubno kale oo kusoo biiraya xisbiga WADDANI, isla markaana waxay sharaxaad ka bixiyeen asbaabaha ku kalifay in ay qaataan go’aankaa.

“Madaxweynuhu karaamadiisa iyo sharaftiisa wuu leeyahay oo intii Allah inagu waajibiyay wuu inagu leeyahay, waxaadse moodaa inuu gabay intii aynu isaga ku lahayn,  haddii uu gabayna waa looga tegeyaa, Kulmiyena saacada qaaliga ah ee bilaa baytariga noqotay oo gacantayda culays uun ku haysa ayuu noqday.” Ayuu yidhi, Cabdullaahi Guray.

 

Halkan Ka Daawo muuqaalka oo dhamaystiran iyo weedhihii ay ku sharaxeen sababta ay ugu wareegeen xisbiga mucaaradka ee WADDANI.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.