Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)Alla ha u naxariistee shan qof ayaa ku dhintay, mid kalena wuu ku dhaawacmay shil naxdin leh oo ay isku dhaceen laba baabuur oo booyadaha ku shaqaysta biyaha lagu isticmaalo qaybo ka mid ah xaafadaha caasimadda Hargeysa.
Shilkan oo waabarigii hore ee shalay ka dhacay degaanka Halleeya ee bariga Hargeysa kadib markii ay isku dhaceen laba booyadood, waxaanna markiiba halkaasi ku geeriyooday shan ka mid ah lix rag ah oo la kala socday laba baabuur, halka ninka kale ee ku dhaawacmay lagula tacaalayo cusbitaalka guud.
“Anigu saaka (shalay) saacadda 6:30 subaxnimo ayaan soo maray meeshan iyadoo shilku ka dhacay, maydkii oo yaala iyo baabuurtii oo isa-saaran. Haddaynu darawallada nahay waxaan idinku boorinayaa walaalayaal risiqa Ilaahay baa bixiya ee degdega ha la iska daayo oo si degan oo naxariisi ku jirto ha loo socdo, waayo maalin kasta shilku ama innaga ayuu inagu dhacaa amaba cid baynu galaafanaa.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah darawallada baabuurta booyadaha biyaha ka shaqaysta Hargeysa.
Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland Md. Cali Siciid Raygal oo mar uu ku sugnaa goobta shilku ka dhacay la hadlay suxufiyiin halkaas tagay, ayaa tacsi uu u diray qoysaska dadka ku dhintay ka sakow baaq gaar ah u jeediyey dirawallada gaadiidka Booyadaha.
“Mar walba shilalka gaadiidka ka dhaca deegaankan aynu joogno waxa ugu badan shilka ka yimaada booyadaha biyaha dhaamiya, mar ay jiidhaan baabuur kale iyo mar iyagu is jiidhaan, markaa waxaan leeyahay dadka booyadaha biyaha kaga shaqaysta magaalada Hargeysa sidani maaha si qof bani’aadam ahi ku shaqaysan karo, inkastoo qadarka Ilaahay cidina baajinayn haddana waxa loo baahan yahay taxadir fara badan iyo inay maskaxdu shaqayso,” ayuu yidhi Wasiir Raygal.
Geesta kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoysaska iyo ehelada ay ka baxeen shanta qof ee ku dhintay shilkaasi baabuur.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska, qaraabada, ehelada, asxaabta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland, dadkii ku geeriyooday shilka naxdinta leh ee ka dhacay Kaantaroolka bari ee Hargeysa maanta (shalay) 27/04/2016, shilkaas oo ay ku naf-waayeen 5 qof.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumiinta Alle uga baryayaa inuu u naxariisto, jannadana geeyo qoysaska, ehelada, qaraabada iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeenna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo,” ayaa lagu yidhi qoraal uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax).