Madaxweyne Siilaanyo muxuu ka Yidhi Joojinta Dhaqamadii Laga Dhaxlay Hantiwadaaga?

Araweelo News Network
duulistaHargeysa (ANN)Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaacisay inay gabi ahaanba la joojiyey xafladihii soo dhawaynta iyo sagootiska isugu jiray ee madaxda qaranka loogu samayn jiray gudaha madaarka caalamiga ah ee Hargeysa.
Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista oo shir-jaraa’id ku qabtay madaarka Hargeysa shalay, ayaa sheegay in soo dhawaynaha loo sameeyo madaxda iyo dadka mudanka ah ee Somaliland ay caqabad ku yihiin ammaanka madaarrada Somaliland, sidaa darteedna loo joojiyey.
“Waxa aannu maanta (shalay) halkan ka iclaaminaynaa in aannu joojinnay dhammaan soo dhawaynihii iyo shirarkii jaraa’id ee lagu qaban jiray Madaarka gudahiisa, haddii ay tahay Asxaabta Qaranka, haddii ay tahay Madaxweyanaha qaranka oo isugu hore noogu fuliyey, haddii ay tahay Baarlamanka iyo mudanka reer Somaliland-ba.” Sidaa waxa yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Md. Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan.
Waxa uu intaas ku daray, “Amniga madaarrada Somaliland waxa caqabad weyn ku ah, weligoodna ku ahaa soo dhaweynaha faraha badan ee lagu dhex qabto gudaha Madaarka, iyadoo marka Madaxweynaha Somaliland uu ka baxayo madaarka ay dhammaanba dawladda iyo dadka soo dhawaynayaa gudaha u galaan madaarka, salaantana lagu bixin jiray, sidoo kale xisbiyada qaranka iyo dadka kalee mudanka reer Somaliland ah qofka soo degaya iyo kii sii baxayaba ay tiro dad faro badan ah iman jireen.
Runtii wasaarad ahaan arrintan in badan ayaannu darsaynay, waannu u kuurgalnay, waxaanna la isku wada waafaqay wasaarad ahaan in arrintaasi tahay arrin khatarteeda leh, oo aan saacidayn hannaanka amni ee Madaarda, waxaannu Madaxtooyada u gudbinay soo jeedin, waana la naaqishay ilaa Madaxweynaha oo waa la isku raacay arrintaasi in aanay ahayn arrin la jaanqaadi karta waaqica.”
“Madaxweynuhu isagoo arrintaas fulinaya ayaa socdaalkiisii uu ku tegay dalka Kuwait salaantii iyo shirkii jaraa’idba waxa lagu dhex qabtay xarunta Madaxtooyada, waxana madaarka noogu yimi Madaxweyanaha iyo tiro yar oo wehelinaya, iyaga oo VIP-da maray oo aan cidna ogayn, sidaa ayey ku baxeen, soo degistiina sidaas oo kale ayey ahayd,” ayuu yidhi Md. Cumar-sayid,
Waxa kaloo uu ka hadlay xaaladaha ammaanka madaarrada Somaliland ee waqtigan, waxaannu yidhi; “Ammaanka guud ee Madaarrada Jamhuuriyadda Somaliland meel fiican ayuu marayaa, waanna qaar la isku halayn karo, innaga oo dal ahaan ku naal mandaqad xaasaasi ah oo aannu ammaankeedu fiicnayn. Waxa aannu ku guulaysanay, Ilaahayna (SWT) noo fududeeyey in madaaradeennu si fiican u shaqeeyaan, hawlahoodii si fiican u wataaan, amnigooduna noqodo qaar la isku halayn karayo, mar walbana waxaa muhiim ah wixii amnigaas dhibaato ku ah in aannu Wasaarad ahaan ka taxadirno, siyaasadna ka yeelano, isla markaana aanan meel keli ah istaagin oo aannu maalin walba tallaabo hore u qaadno si amniga loo xaqiijiyo.”
Wasiirka Duulista Hawada Md. Cumar Sheekh Maxamed Faarax, ayaa isna sheegay in ammaanku yahay shay muhiim u ah nolosha, isagoo caddeeyey inay qoraallo u gudbiyeen saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID.
“Waxaannu isku daynay in aannu wax ka qabano intii suurtogal ah nabadgelyada, xasilloonida madaarrada Somaliland, haddii aanay nabadgelyo jirin waxba ma jiraan, horumarna ma jiro, haddii aanay nabadgelyo jirin caafimaad ma jiro, nololna ma jirto, markaa Ilaahay (SWT) ayeynu ugu mahadnaqaynaa nabadgelyada uu innagu mannaystay,” ayuu yidhi.
“Xisbiyada qaranka warqad ayaannu u qornay oo aannu ka codsanayno sidaa Madaxweynuhu ogolaaday ee isaguba naga yeelay, in ay iyaguna xafladahooda iyo soo dhaweynahooda ku qabsadaan xarumahooda, waana KULMIYE, UCID iyo WADDANI, madaarkuna noqdo meel laga soo dego, lagana dhoofo.”
Waxa kaloo halkaas ka hadlay Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Md. Axmed Nuur Faahiye oo faahfaahin ka bixiyey mashaariic kala duwan oo laga hirgeliyey madaarka Hargeysa iyo qaar hadda socda.

“Waxaannu dhisnay darbiyo dhaadheer oo aannu kor u kicinay, dhirtii waaweynayd ee koonfurta Madaarka ku taalay waannu goynay, waxannu sammaynay in albaabka laga galo aannu ka dhisnay goob dadka lagu baadho oo aanu dhigayno mishiinkii hubinta dadka iyo alaabta, si marka qofku kaas lagu soo baadho uu u yimaado oo lagu baadho kan uu hadda baadhitanku ka bilaabmo,” ayuu yidhi Faahiye.