Araweelo News Network

Burco(ANN)-Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ah wefti balaadhan oo magaalada burco u jooga gurmadka dadka shuban biyoodku ku dhacay ee ku sugan cusbitaalada oo saaka kormeer ku tegay goobo muhiima ayaa la hadlay saxaafadda waxanu yidhi “ILAAHAY ayaa (SWT) Mahad leh, inoo fududeeyey noloshan nimcooyinka badana ina siiyey, waxaanu halkan u nimid weftigayagani gurmad ayaanu ahayn xaaladda gobolkan Togdheer ku soo korodhay iyo xanuunkan shuban biyoodka, ayaanu u nimid in aannu kala qayb qaadano gobolkan dareenkiisa, daaweyntiisa iyo gargaarkiisa intaba.

Xanuunka halkan ka dhacay ee maanta gobolkan ka jiraa maaha xanuun hadda wakhtigan bilaabmay oo ku cusub Jamhuuriyadda Somaliland, waa xanuun xukuumad ahaan aannu xogogaal ka nahay cid walba ugu xogogaal sanahay, waa xanuun ILAAHAY qadaray oo aan la siyaasadayn karin, siduu ILAAHAY abaarta inoogu sababay ayuu xanuunkan inoogu sababay, waana inaynu ILAAHAY u noqono oo barino, waxa mudan inaynu gacmaha is qabsano, oo isu gurmano, ma mudna inaynu siyaasdayno ama aynu wax ka dayno halkaa, dad buka oo shubmaya ama dad abaaro tabaaleeyeen, arrintaa hoosta ayaanu ka xariiqaynaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland dadkii halkan ku geeriyooday wuu tacsiyadeeyey, mar labaadna dadkii eheladoodii waxaannu ugu sidnaa tacsi, waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Siilaanyo isaga ayaa socdaalkan na soo dardaaray oo na soo diray, waxaanu iyadana bogaadinaynaa dhammaan hawl wadeenadii caafimaadka ee ka hawl galay xakamaynta xanuunkan oo ay u horayso Wasaaradda caafimaadka oo uu wasiirku hormood ka yahay, maamulka gobolka iyo kan degmada, waxaanu u mahad naqaynaa ururka bisha cas ee caalamiga ah oo gargaar mug leh halkan keenay.

Waanu boggaadinayaa Xisbiga KULMIYE qaadhaankan uu ku wereejiyey wasaarada caafimaadka lacagtaa waxa lagu isticimaali doonaa gunooyinka hawl wadeena shaqaynaya habeen iyo maalinba dadka shaqaynaya ayaa loo adeegsanayaa, laba bilood bajadkood ayey soo gudbiyeen, kharashkaas ayaa ka daboolaya hawshan, waanu ku bogaadinayaa xisbiga KULMIYE iyo gudoomiye Muuse Biixi ba, waxa kale oo aanu halkan Wasaarada caafimaadka kaga wareejinayaa 270 kortoon oo dawo iyo qalab ka kooban oo aanu Xukuumad ahaan gobolkan u keenay si aanu xaalada gurmadkan ay qayb ugu noqoto”.

Wa-bilaahi Tawfiiq