Araweelo News Network.

Nairobi (ANN)-Siyaasi caan ka ah geyiga Soomaalida, isla markaana ka mid ah Siyaasiyiinta sida weyn uga dhex muuqday siyaasada dalka Kenya ee kasoo jeeda gobolka Woqooyi Bari, Ilyaas Barre Shiil, ayaa Somaliland ku tilmaamay badbaadada sumcada iyo karaamada Bulshada Soomaalida.

Siyaasiga Ilyaas Bare Shiil laga soo bilaabo 1994, kusoo jiray siyaasada dalka Kenya oo uu kaalin muuqda ku lahaa, ayaa tiraba Afar jeer soo galay Baarlamaanka Dalka Kenya, isagoo noqday xildhibaanka metela gobolka Garissa.

, isla markaana kasoo baxay deegaanka Faafi, 1998-2017, kaddib markii uu ku guulaystay tartanka doorashooyinka Xildhibaanimo ee Garissa deegaanka Faafi.

 Ilyaas Barre Shiil oo loo yaqaan Ilyaas Cabdi Shiil Xildhibaankii hore ee Faafi, Kenya, waa Siyaasi Sagaashanaadkii  biiray siyaasada, doorashadii loogu tartamayay Baarlamaankii11-aad, wuxuu kasoo baxay Xisbiga (The United Republican Part) URP ee Isbaheysiga Jubilee oo helay 172 kursi oo ka mid ah 349 kuraasta Baarlamaanku ka koobnayd.

Ilyaas Barre, wuxuu mar ahaa Guddoomiye ku xigeenka Guddida Difaaca iyo Xdhiidhka Dibadda ee gollaha Baarlamaanka Kenya, sidoo kale, wuxuu xubin ka noqday Guddida Maalgashiga Dawladda iyo weliba  xubin ka mid ah guddida Habraaca iyo Xeer Hoosaadka gollaha Ilaa 2013.

 Xukuumaddii Isbahaysiga weyn ee Jubilee, wuxuu noqday La-taliyaha Ra’iisal Wasaaraha ee Xidhiidhka arrimaha Soomaaliya.

Sannadkii 2012, Ilyaas Barre Shiil waxa uu ka mid ahaa gollaha Sare ee Hay’adda Dalagga iyo Wax-soo-saarka Qaranka Kenya, balse magacaabistiisii waxa laga noqday 13 September, 2012, waana siyaasi ganacsade ah oo lagu tilmaamo siyaasiyiinta Kenya ee Soomaaliya aad ugu xidhan, waxayna warbaahinta Kenya qaarkood si weyn ugu dhaleeceeyaan xidhiidha dhanka Soomaaliya iyo ganacsi ka dhexeeyay Sheikh Mohamed Ali Kheir, oo loo yaqaanay Dawara oo ahaa Sheekh ganacsade  Kenyan ah oo loo tuhunsanaa inuu xidhiidh la leeyahay Al-shabaab, balse la sheegay in ay dileen ciidamada ammaanka Kenya, kaddib markii meydkiisa laga helay balliga ku yaalla degmada Embu 2014.

Ilyaan Barre oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida Kenya kuwa ugu dhiiran ee aan la gaban afkaartooda, wuxuu dhowaan Xafiiska Somaliland ee Kenya ku booqday Ambbassador Baashe Cawil oo muddadii uu Safiirka ka ahaa dalka Kenya ka kasbaday saaxiibo uu ka mid yahay Siyaasi Ilyaas Barre Shiil.

Markan Ilyaas, wuxuu si cad u sheegay mawqifkiisa ku aadan qadiyadda Madaxbanaanida Somaliland, isagoo muuqaalkan kaga hadlay aragtidiiisa taariikhda Soomaalida ilaa xilli hore oo ku sman gobanimadoonkii.

“Dadweynaha Somaliland iyo xukuumaddooda waxay sumcad iyo shafar usoo hooyeen Bulshada Soomaaliyeed, sababtoo ah waxay samaysteen nabadgelyo nidaam dawladnimo, waana u hanbalyaynayaa.”ayuu yidhi.

Ilayaas Barre, wuxuu ka hadlay dadka ku andacoodda in aannay Somaliland goosan karin iyo in ay go’I karto, Annigu waxaan qabaa Somaliland in la aqoonsado.” Ayuu yidhi, isagoo arragtidiisa sabab uga dhigay baadi-doonkii shanta Soomaaliyeed oo la waayay, wuxuuna xusay in markii ay Soomaaliya bur-burtay Somaliland nidaam iyo nabadgelyo samaysatay, Anniga shantii Soomaaliyeed ayaan ka mid ahaa NFD, mana doonayo in aan Soomaali raacno.

“Dhibaatada meesha ay ka jirtaa waa Koonfurta Soomaaliya, yaa jecel Soomaalida, Muqdisho iyo Kismaanyo kuwii kula joogay ayaad laynaysaa, Soomaalidu waxay noqdeen Nin Ceel ku dhacay, Ninkii ku dhacana ay Lugta qabtaan, si aannu uga soo bixin, ayuu yidhi, isagoo sawiraya dhibaatada Soomaaliya.

Siyaasiga Ilyaas Barre, wuxuu isagoo ka hadlaya marxalada ay maray Somaliland yidhi, “Waxa la gaadhay xilligii la aqoonsan lahaa Somaliland.”

Muuqaalkan Ka Daawo

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com