Araweelo News Network.

 

Muqdisho(ANN)-Khilaafka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa cirka isku shareeray, kaddib markii ay awaamiir is khilaafsan oo la xidhidiha kiiska Ikraan Tahliil Faarax soo saareen saacadihii lasoo dhaafay.

Arrinta, ayaa cakirantay, kaddib markii ra’iisal wasaare xilka ka qaado agaasimihii xarunta NISA Fahad Yaasiin, isla markaana u magcaabay Hay’adda NISA, Agaasime cusub Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, balse Madaxweyne Farmaajo ku diiday kuna amray inuu shaqdiisa wato  Agaasimihii hore, isagoo ku tilmaamay magaabista Rooble mid aan xeerarka iyo dastuurka dalka waafaqsanayn.

Hase yeeshee markaa kaddib, ra’iissal wasaare Rooble, ayaa ku adkaysanaya go’aankiisa magaabista  Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA, wuxuuna caawa Villa Somalia kulan kula yeeshay   Taliyaha uu xilkaa u magcaabay Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Hoggaanka Maxkamadda Ciidammadda Qalabka sida iyo Taliyeyaasha Nabad sugidda iyo Booliska Gobolka Banaadir.

AKHRI: Madaxweyne Farmaajo Oo Waxba Kama Jiraan Ka Dhigay Xil Ka Qaadis Ra’iisal Wasaare Rooble Ku Sameeyay Fahad Yaasiin Agaasimaha NISA

 

Sida lagu sheegay qoraal kualnkaa kaddib kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaare rooble oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network,  wuxuu ra’iisal wasaaruhu faray Xeer Ilaalinta iyo maxkamadda Ciidammada Qalabka  sida in ay baadhitaan rasmi ah oo deg deg ah ku sameeyaan kiiska gabadha la waayay ee Ikraan Tahaliil Faarax.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale faray Agaasimaha cusub ee hay’adda NISA iyo taliyayaasha nabad sugidda iyo booliska gobolka Banaadir in ay maxkamadda gacan buuxda ku siiyaan gudashada waajibkeeda, maadaama sida uu sheegay ay hore u jireen caqabado ay ka cawdeen guddidii hore loogu saaray baadhitaanka kiiska Ikraan.

Arrintan, ayaa si weyn u muujisay xaalad cakiran oo soo waajahday Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddiisa oo horeba ula tiicaysay duruufo siyaasadeed iyo murran dhanka doorashada laga sugayay xukuumadda ee weli laalan, isla markaana khilaafka ayaa sacadihii u danbeeyay si weyn kordhay, iyadoo kiiska gabadha la waayay ee Ikraan Tahliil noqday qarax weyn oo siyaasadeed oo madaxa isu geliyay Madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha Somalia.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com