Magacyada Xubhaha ee Labada Golle Soo Gudbiyeen

Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)-Fadhi labada Golle ee Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya yeesheen ayaa maanta oo Arbaca ah ka qabsoomay Magaaladda Muqdisho.

Alt: Araweelo News Network.
Guddoomiyaha loo doortay Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe, Image Araweelo News Network, 27 April 2022.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa gudoominayay fadhiga oo lagaga dooday Guddiga Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana kasoo xaadiray inta baddan xildhibaanada dhowaan la doortay.

Laxidhiidha: Dalabka Farmaajo Oo Ka Dhexmuuqday Doorashada Afasiyoone Ee Lagu Kala Guulaystay

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa u sheegay Xildhibaanada kasoo xaadiray fadhiga in xeerku siinayay inay iyagu magacaabaan Guddida qaban qaabada doorashada Madaxweynaha dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Hase yeeshee wuxuu sheegay in ay ay door bideen in xubnaha Senataradu ay dhexdooda iska soo dhex xulaan xubnaha noqonaya guddida doorashada Madaxweynaha, kuwaas oo sida uu sheegay lagu salaynayo in ay ka yimaadaan dowlad gobolleedyada xubnaha ka ah dawladda Federaalka, isla markaana ay ka labada golle ka imanayaan.

Dood dheer kaddib waxa laysla qaatay in labada golle keenaan guddi isku dhaf ah oo ay ka dhexmuuqdaan maamul gobolleedyadu.

Laxidhiidha: Somalia: Khilaafka Shirqooladu Ku Ladhan Yihiin Ee Doorashada Oo Sababay Inay Isku Mudhuxsadaan Farmaajo Iyo Rooble

 Xildhibaanada Aqalka sare ayaa durbadiiba soo gudbiyay magacyada xubnaha ay u xuleen guddida doorashada Madaxweynaha, iyadoo la magacaabay xubnaha uga mid noqonaya guddida isku dhafka ah ee ka shaqaynaya doorashada Madaxweynaha, kuwaas oo tirada guud noqonaya 16 xubnood, balse 6 ka mid ah Aqalka sare loo qoondeeyay.

 Magacyada lixda xubnood ee Aqalka Sare gudbiyay ayaa kala ah sidan”-

1, Senator Cali Maxamuud Gacal (Koofur Galbeed)
2, Senator Prof Cabdi Ismaaciil Samatar (Somaliland)
3, Senator Cabdiqani Geelle Maxamed (Puntland)
4, Senator Farxaan Cali Maxamuud (Galmudug)
5, Senator Ibraahim Awgaab Cusmaan (Jubbaland)
6, Senator Zamzam Cabdullaahi Axmed (Hirshabeelle).

Dhinaca kale, Xildhibaanada Gollaha shacabka ayaa dhankooda, waxay dooda ay ka yeesheen doorashada Xubnaha guddida isku dhafka ee labada Aqal u qorsheeyeen tobban xubnood, kuwaas oo hashoodu tahay qabanqaabada iyo maamulka doorashada Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya ee aan weli la cayimin.

Guddoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa magacaabay xubnaha guddida qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo gollaha uu hoggaamiyo laga sugayay 10-xubnood.

Qoraal uu kasuoo saaray xubnaha Guddida ay golle ahaan soo xuleen, ayaa u qornaa sidan:-

Magacyada Xubnaha Gollaha Shacabku Soo Gudbiyay.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com