“Ukraine waa sahaydii ugu badnayd ee la siiyay dhowaan waddan aynu wadaagno colaaddo, waxa laga yaaba inuu hubkaas ku dhaco god madowSaraal Difaaca Maraykanka ka tirsan.

,> “Waxay khatar weyn ku tahay amnigeenaEllen Lord. Xoghayihii hore ee Difaaca

Araweelo News Network.

Washington (ANN)-Khuburada arrimaha Millateriga ee Maraykanka, ayaa ka digay in kaydka hubka ee Maraykanku uu dhammaan karo dhawr bilood guddahood haddii Aqalka Cad uu sii wado hubka iyo saannada Millateri ee uu ku daabulayo dalka Ukraine.

Laxidhiidha: Dalalka Galbeedka Oo Go’aanka Ruushku Neefta Ku Dhejiyay

Sidoo kale, khuburada Maraykanka ee dhanka Millateriga, ayaa su’aal geliyay sida dal cadaawad dheer ka dhaxaysay hubka ugu casrisan ee baaxadaa leh loogu geacan gelin karo, iyadoo dhinaca kalena ay khabiirada Maraykanku ka werwesan yihiin inuu hubka loo dirayo Ukarine gacanta u galo caddawgooda sida ay ku doodayaan qaar ka mid ah khabiirada millateri.

Toddobaadkan, ayaa warbaahinta caalamiga ah ee Bloomberg mawduuc walaac ka abuuray guddaha Maraykanka oo arrintaa la xidhiidha wax ka qortay, iyadoo warbxiintu tixraacaysa khubarada millateriga.

Laxidhiidha: Ruushka Oo Burburiyay Warshada Gantaalaha Artem Ee Ukraine

“Tan iyo markii uu bilowday howlgalka gaarka ah ee Ruushku ka wado Ukraine, Maraykanka waxa uu “ku dhawaad saddex meelood meel meel ka mid ah kaydka hubka ee uu haysto geliyey heegan, Isla markaana ma jiraan qandaraasyo loogu talagalay buuxinta kaydka, ayay ku warrantay warbixinta Bloomberg.

Arrintan cabsida ah ee Bloomberg ka digtay ayaa ah in kaydka hubka ee Maraykanku uu dhammaan doono dhawr bilood gudahood, haddii Aqalka Cad uu sii wado gargaarka Millateri ee Ukraine.

Haweenayda Ellen Lord, oo ah Xoghayihii hore ee Difaaca ee Helitaanka saanadda iyo Joogteynta, isla markaana muddo dheer ka mid ahayd saraakiisha ugu sareeya ee warshadaha hubka iyo arrimaha difaaca Millateri, ayaa ku dooday,”Waxay khatar weyn ku tahay amnigeena.”, waxayna sidaa ka sheegtay intii lagu guda jiray dhageysiga Guddida Adeegga Hubka Maraykanka.

Laxidhiidha: Duqaymaha Kyiv Oo Haleelay Duleedka Goob Xoghayaha Qaramada Midoobay Warbaahinta Kula Hadlayay

Waraysi ay siiyay guddida Baarlamaanka Maraykanka ee hubka, Lord waxay intaas ku daray in Maraykanka uu ku wareejiyay ku dhawaad rubac ka mid ah kaydka gantaallada Stinger (Stinger missiles) maamulka Ukraine ee Kyiv, taas oo walaac iyo werwer abuurtay.

Sidoo kale, David Berteau, oo madax ka ah Gollaha Adeegga Xirfadlayaasha, ayaa sheegay in laga soo bilaabo bilowgii dagaalka Ukraine, Maraykanku uu diyaariyay ku dhawaad saddex meelood meel meel kaydka hubka ee la heli karo, iyada oo aan jirin taas bedelkeeda qandaraasyo hadda lagu buuxinayo kaydka la isticmaalay.

Laxidhiidha: Putin Oo Ku Hanjabay In Hubka Casriga Ee Aannay Cid Kale Haysan Aannay Ku Faannayn Ee Isticmaalayaan

Dhinaca kale, Toddobaadkii hore, sarkaal sare oo ka tirsan difaaca Maraykanka oo aannay magaciisa la xusin, ayaa ka digay in boqollaal milyan oo doollar oo hubka Maraykanka ah loo diro Ukraine, isagoo yidhi, “waxa laga yaaba inuu hubkaas ku dhaco god madow oo weyn, oo aannad wax dareen ah ka haysan muddo gaaban kaddib.”

Telefishanka CNN, oo soo xiganaya sarkaalka ayaa sheegay inuu carabka ku adkeeyay, in saadka Militeriga Maraykanka ee Ukraine uu yahay runtii sahaydii ugu weynayd ee dhawaan la siiyo waddan ay wadaagaan colaado.”sidaa waxa yidhi, Sarkaalka ay soo xigatay CNN.

Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha Maraykanka ee hadda iyo falanqeeyayaasha difaaca ayaa isku raacay in khatartu ay tahay in qaar ka mid ah hubkaas uu ku dambayn doono gacanta calooshood u shaqaystayaal iyo dalalka collaada taariikhiga ah ka dhaxayso Maraykanka.

Laxidhiidha: Ruushka Oo Poland Iyo Bulgaria Ka Joojiyay Gaasta

Arrimahan, ayaa si weyn usoo xoogaystay kaddib markii Xukuumadda Madaxweyne Joe Biden ee Maraykanka dhawaan sheegay in Mamulka Kyiv ee Ukraine uu siinayo 800 oo milyan oo doolar oo kale oo kaalmo Millateri ah, iyadoo ay ku jiraan hubka iyo saannadda loo dirayo Ukraine gantaallaha Stinger (Stinger missiles), madaafiicda iyo rasaasta iyo gaadiidka gaashaaman.

Madaxweyne Vlladimir Putin iyo xukuumaddiisa, ayaa marar baddan uga digay dalalka xulufada NATO ee Maraykanku hoggaamiyo in ay hub ku daabulaan Ukraine, iyagoo ku tilmaamay mid faragelin ah oo ay tallaabo jawaab ah oo cawaaqib ka dhalankaro ka bixinayaan, laakiin Maraykanka iyo xulufadiisa Yurub ee reer galbeedka ayaa weli sii wada hubka lagu daabulayo Ukraine iyo weliba khuburo dhanka Millateriga ah oo ka caawiya istiraatiijiyada dagaalka iyo tabararada, balse hubkaasu ma noqon mid ilaa hadda wax ka beddelay xaaladda dagaalka.

Laxidhiidha: Ukraine: Saraal U Hadlay NATO Oo Sheegay In Ukraine Iyo Xullufadu Aannay Marnaba Iska Baacin Karin Ruushka

Dhinaca kale, walaaca khuburada Millateriga Maraykanka, ayaa sii xoogaystay, kaddib markii safiirka Ruushka u fadhiya Maraykanka, Anatoly Antonov, uu ka digay in qulqulka hubka reer galbeedka ee aagga colaadda ee Ukraine ay tahay tallaabo aan loo baahnayn sii hurinaysa dagaalka, isla markaana aannay jirin dalaka hubkaa bixinayaa damaanad ah in annau gacanta u gelin caddaw kale iyo calooshood u shaqaystayaal oo ay qoomamayn doonaan mar aan fogayn.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com