Warbixino La Dhegeysatay iyo Dardaaran Kasoo Baxay

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Gollaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kulan ay yeesheen kaga hadlay halka ay maray xaaladda suuqa waaheen ee gubtay 1 April 2022.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) shirkii gollaha wasiirrada 4 May 2022, qasriga Madaxtooyadda Somaliland.

Sidoo kale, fadhiga gollaha wasiirrada oo uu guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo uu weheliyay Madaxweyne ku xigeenka, Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa lagaga hadlay arrimo la xiidhidiha amniga, Abaartii dalka haysay iyo munaasibada xuska sanan-guurada 31aad ee 18 May.

Kulanka gollaha wasiirraada ee Madaxweynuhu guddoominayay, ayaa ahaa mid aannay saxaafadu goob joog ka ahayn, balse markii kulanku dhammaaday war-qoraal koobban oo kasoo baxay, ayaa lagu sheegay in arrimahaa lagaga hadlay.

Nuqul ka mdi ah qoraalka oo soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa lagu sheegay fadhiga gollaha wasiirradu warbixin la xidhiidha Amniga dalka la wadaagay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Maxamed Kaahin Axmed, isagoo ka waramay xaaladda guud ee amniga dalka, isla markaana xusay in lagu gudo jiro u diyaar-garowga  xuska sannad guurada 31aad ee maalinta Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May, sida lagu sheegay qoraalka.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Guddaha Somalilanad oo ah Guddoomiyaha Guddida agaasinka iyo qaban-qaabada xuska 18-May ayaa gollaha wasiirrada u soo badhigay qorshaha dabaal-dega xuska sannad guurada 31 ee Maalinta Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May ee sannadka 2022 ay guddidu heer qaran diyaarisay ilaa hadda, ayaa lagu yidhi, qoraalka.

Dhinaca kale, Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ah Guddoomiyaha Guddida Gurmadka Abaarta Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa gollaha uga waramay roobkii gu’ga ee dalka ka curtay, isagoo xusay in guud ahaan dalka ay ka da’een roobab lagu qabowsaday, isla markaana wax ka taray xaaladdii adkayd ee abaarta dalka ka jirtay, sida lagu xusay qoraalka Madaxtooyadda.

Saylici, ayaa sheegay in guddida gurmadka abaartu ay sii wadi-doonan howlihii gurmadka abaarta ee ay hore u waddeen guddidu, taasi oo ay wali jirto baahida raashinka iyo nafaqaynta xoolihii abaartu saamaysa, ayaa lagu yidhi, qoraalka.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta, isla markaana ah guddoomiyaha Guddida Gurmadka iyo Taakulaynta Suuqa Waaheen, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani) oo dhankiisa gollaha xog-waran ka siiyey hawlaha Gurmadka Suuqa Waaheen ee ay ilaa hadda guddidu qabatay, ayaa sheegay in ay diiwaangaliyeen khasaaraha uu sababay dabkii masiibada ahaa ee suuqa waaheen,

Sh. Albani ayaa xusay in diiwaangalinta ganacsatadii suuq ku ganacsan jirtay, dhaqaalaha loogu talo-galay suuqa waaheen ee guddiyada soo gaadhay, isagoo sheegay in dhaqaalahaasi ay u qorsheeyeen in la siiyo dadkii dhibtu ka soo gaadhay masiibadii dabka iyo dib-u-dhismka suuqa waaheen, balse laguma xusin qoraalka qadarka lacagta ah ee ay ilaa hadda gacanta ku hayaan guddidu, lamina ogga in ay gollaha ka sheegeen iyo in kale.

Sidoo kale, waxa lagu xusay qoraalka in Wasiir Albaani sheegay in guddidu qorshaynayso sidii loo dhisi lahaa suuq casriya oo la jaan-qaadaya suuqyada caalamka, hawshaasina la kaashan-doonan Injineerada Wasaaradda Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Dhulka oo ay wehelinayaan Ingineerada Dawladda Hoose ee Hargaysa iyo cid kasta oo hawshaasi khibrad iyo aqoonba u leh,

Gollaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa gunnaanadkii shirkooda ugu baaqay dhammaan laamaha dawladda ee guddaha iyo dibedda iyo shacabi-weynaha reer Somaliland inay u diyaar-garoobaan dabaal-dega xuska maalinta Qaran ee 18 May, iyadoo laamaha amniga lagu dardaaray laamaha amniga in ay sii xoojiyaan hawlaha sugista amniga ee ay ku howlanaayeen., ayaa lagu yidhi, qoraalka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com