Araweelo News Network.

 

#Ikraan #Tahliil Kiiskeeda Maxay Kaga Heshiiyeen, Maxayse Isla Meel Dhigeen Labada Masuul,?

Muqdisho(ANN)-Kulankii u horeeyay ee ay isku waajahaan fool ka Fool ah ayay Villa Somalia ku yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Rooble gelinki dambe ee maanta, kaas oo  galay wejigii labaad ee la doonayo in xal loogu helo khilaafka cirka isku shareeyay ee labada masuul iyo arrimaha murrugsan oo meel xaasaasi ah maraya.

Madaxweynayaasha maamul gobolleedyada Soomaaliya ee Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo ay weheliyaan siyaasiyiin kale, ayaa ku guulaystay in ay is horfadhiisiyaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Rooble, wallow aan kulamadaa weli wax natiijo ah laga soo saarin.

Laxidhiidha: Khilaafka Madaxweyna Iyo Ra’iisal Wasaaraha Oo Cirka Isku Shareeray Iyo Rooble Amar Siiyay Hay’addaha Amaanka

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo ka codsaday inuu siyaasiyiinta ku hawlan dhexdhexaadinta in isaga iyo Ra’iisal Wasaare Rooble ay yeeshaan kulan gaar ah oo ay si hoose ugaga wada hadlaaan arrimaha muuuranka weyn abuuray ee salka ku haya kiiska Ikraan Tahliil oo ah gabadha sarkaalada ahayd ee u shaqaynaysay Hay’adda Sirdoonka ee NISA, taas oo aan raq iyo ruux nolol iyo geeri midna la hayn muddo ku dhow laba biilood.

Kiiska gabadha oo dusha loo saaray Agaasimihii Hay’adda Sirdoonka Fahad Yaasiin, kaddib markii ra’iisal wasaare ku eedeeyay inuu ka war wareegay warbixin geeri iyo nolol inuu usoo gudbiyo halka ay ku danbaysay, ayaa sababtay inuu ku sameeyo masuulkaa xil ka qaadis, taas oo Madaxweyne Farmaajo ganafka ku dhuftay, balse markaa kaddib masuul kale u magcaabay hay’adda sirodonka, halka uu Agaasimihii hore Fahad Yaasiin u magcaabay Lataliyaha Amniga ee Xafiiska Madaxweynaha ee Villa Somalia.

AKHRI: Madaxweyne Farmaajo Oo Waxba Kama Jiraan Ka Dhigay Xil Ka Qaadis Ra’iisal Wasaare Rooble Ku Sameeyay Fahad Yaasiin Agaasimaha NISA

Waxaana xilka Hay’adda Sirdoonka ee NISA, lagu wareejiyay Agaasimaha Madaxweyne Faramajo Magcaabay, halka xarunta laga soo eryay Agaasimaha uu magaabay ra’iisal wasaare Rooble, wuxuuna markaa kaddib rooble xil ka qaadis ku sameeyay wasiirka Amniga, wallow uu ku gacansaydhay wasiirkii hore ee amniga.

Tallaabooyinkaa ayaa xaaladda ka dhigay mid kahatar dhinaca amniga ah muujisa, isla markaana u muuqata mid meesha ka saaray jawigii murranka badan hadheeyay ee la doonayay in bisha soo socota masuuliyiinta Soomaaliya qabtaan doorashooyinka laga sugayo, waxayna daneeyayaasha beesha caalamka ee dawladda Federaalka ee Soomaaliya ku duduucaya doorashooyinku ka digeen in khilaafku noqdo mid meesha ka saaray arrimaha doorashooyinka.

Laxidhiidha: Rooble Oo Jawaab Cad Ka Bixiyay Muranka Ka Taaga ikraan Tahliil Iyo Hay’adda Sirdoonka

Ilaa hadda ma jiraan wax natiijo rasmi ah oo kasoo baxay  Villa Somalia oo ah caddaymo muujinaya in Madaxweyne Faramajo iyo ra’iisal wasaare Rooble ka gaadheen khilaafka, balse waxa jira warar hordhac ah oo laga helay ilawareedyo ka ag dhow Villa Somalia oo tibaaxaya in ay labada masuul isla qaateen in arrinta Ikraan Tahliil loo daayo Hay’addaha baadhista ee ku shaqada leh, maadamaa uu qodobkani ahaa ka ugu adag ee la isku hayey, isla markaana xuddunta u ahaa murranka iyo khilaafka, balse wixii hadda ka danbeeyay  laga wadahadlo sidii loo maarayn lahaa xilalkii laysku khilaafsanaa ee labada masuul ay magaaceen maalmihii lasoo dhaafay.

AKHRI: Al-shabaab Oo Iska Fogaysay Dilka Haweenay Sirdoonka Somalia Ka Tirsanayd Oo NISA U Xanbaarisay

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com