Araweelo News Network.

 

Muqdisho(ANN)-Saraakiil ka tirsan Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa lagu laayay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya oox aaladda amaanku sii xumaanaysay muddooyinkii u danbeeyay.

Qaar ka mid ah Saraakiisha ayaa xalay lagu khaarajiyay Qarax khasaare dhaliyay, oo ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana ku nafwaayay saraakiil Ciidanka Biiliska iyo hal qof oo shacab ah oo goobta ka dhowaa.

 

Qaraxa ayaa lala beegsaday Saldhiga Booliska ee Degmadda Wadajir, waxaana ku dhintay Taliyihii Saldhiga iyo saraakiil kale oo Boolis ah, sida ay sheegtay warbaahinta Soomaaliya, waxa ku geeriyooday qaraxa Gaashaanle Dhexe Cabdisamad Maxamuud Cagay oo ka mid ahaa saraakiisha Booliska.

Sidoo kale, waxa ku nafwaayay Taliyihii Saldhiga Booliska Wadajir, Dhame Axmed Cabdullaahi iyo Taliye xigeenkii Qaybta Weliyaw Cadde, isla markaana ay jiraan dhaawacyo ugu yaraan hal qof oo shacab ah oo goobta ka dhowaa.

Saraakiisha Ciidanka Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa sheegay in qaraxa uu sababay qof soo xidhtay Jaakad miinaysan oo isku qarxiyay Saraakiisha Booliska xilli ay ku sugnaayeen afaafka hore ee Saldhiga.

 

Ma jirto cid sheegatay qaraxa, balse saraakiisha amaanka ayaa ku eedeeyeen qaraxa in ay ka danbeeyeen kooxd Al-shabaab.

 

Dhinaca kale, koox hubaysan ayaa xaafadda Taleex ee degmada Hodon ku dilay  Cabdullaahi Cabdi Maxamed oo ka mid ahaa saraakiisha wasaaradda ‘Cadaallada’ dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana dilkaa sheegtay kooxda Al-shabaab, sida ay baahisay warbaahinta taageerta kooxda oo soo xiganay Idaacadda Andalus ee ku hadasha Afka Al-shabaab.

Magaalada Muqdisho, waxa sii xumaaday amaanka, waxaana muddooyinki u danbeeyay kusoo badanayay dilalka qorshaysan oo ay inta badan sheegtaan Al-shaabab.

 

Araweelo News Network

info@araweelonews.com