Araweelo News Network.

 

Bahrain, Manama (ANN)-Ciidamadda Maraykanka ee ku sugan Woqooyiga Badda Carbeed (Arabian Sea), oo saldhigoodu yahay Dalka Baxrayn, ayaa sheegay in ay qabteen hub isugu jira mid culus oo gantaalo iyo qoryaha fudud ee daran-dooriga u dhaca iyo sidoo kale qalab Millateri oo qiima badan.

Taliska Ciidamadda Maraykanka ee Baxrayn, ayaa sidaa ku sheegay bayaan ay soo saareen, waxayna ku shaaciyeen in Markabka Qaybta 5-aad ee hawlgallada Maraakiibta ciidamadda Maraykanka ee uu hoggaaminayo  (Thomas Hudner U.S. 5th Fleet)  oo ku sugan Woqooyiga Badda Carbeed lagu qabtay Markab siday hubkaa.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in hubka la qabtay uu ka koobnaa sawaariikhda lidka Taangiyada ee ruushku sameeyo,  sidoo kale oo ay ku jiraan kumanaan qoryaha shiinuhu sameeyo ee loo yaqaan Taayb56 , oo ay weheliyaan boqolaal qoryaha PKM-ka loo yaqaan ee darandooriga u dhaca.

Taliska Maraykanka ee ku sugan Biyaha Badda Carbeed, ayaa sidoo kale sheegay in hubka ay ku jiraan sawaariikhda garbaha laga rido iyo qalab kale oo Millaterigu xidhto marka ay fulinayaan hawlgalo xilli habeen ah, waxayna xuseen in ay ka mid yihiin Murraayaddaha habeenkii wax lagu arko oo tayadoodu sarrayso, wallaw aannay sheegin cidda samaysay.

Bayaanka kasoo baxay Taliska Maraykanka ee Baxaryn ma sheegin cidda loo waday shixnada Hubka ay qabteen, balse waxay ku sheegeen bayaanka lagu in lasii daayay markabka iyo shaqaalihii lasocday , markii laga dejiyay shixnadii hubka ahayd ee saarnayd oo ay la wareegeen ciiddanka Maraykanku.

Markanka Thomas Hudner oo ka mid ah Maraakiibta Maraykanka qaynta 5aad (Thomas Hudner U.S. 5th Fleet) xilligana hoggaminaya raxan maraakiiib ah ku sugan Woqooyiga  Biyaha Badda Carbeed, wuxuu ka qayb qaatay dagaal weynihii labaad ee Aduunka, isagoo kaalin weyn kaga jiray duqayntii Jabaankaa.

Markabka ayaa loo diray maalmo ka hor Gacanka si uu xoojiyo Qaybta 5-aad ee hawlgallada ciidamadda iyo hawlgallada Badda, iyadoo lagu macneeyay tegitaankiisa halkaa si loo xaqiijiyo xasilloonida badda iyo amniga Gobolka Bariga Dhexe, hawlgalkaas oo sida ay sraakiisha Maraykanku sheegeen qayb ka ah isku xidhka dhanka amniga ee badda Mediterranean-ka iyo Baasifigga, iyadoo oo loo marayo galbeedka Badweynta Hindiya iyo saddex goobood oo istiraatiiji ah ee aagga ay ku sugan yihiin ciidamadda Maraykanka , Britain, Farance iyo kuwo kale.

Biyaha Badda Carbeed ayaa isku xidha Galbeedka Geeska Afrika iyo Jasiiradda Carabta, waqooyiga Iraan iyo Baakistaan, Bariga Hindiya iyo koonfurta, marka laga reebo Badweynta Hindiya iyo dhanka woqooyi ee Gacanka Cumaan, sidoo kale aaggan oo ahmiyad weyn leh ayaa isku xidha Badda Carbeed iyo gacanka Beershiya oo loo maro marinka Hormuz, kaas oo si weyn ay mushkiladi uga jirto, iyadoo xukuumadda Iran maamusho gacankaa oo ah marin istiraatiiji ahaan ahmiyad weyn u leh isu socodka dunida, isla markaana  waxa mara 55% saliida aduunka ee ay dhoofiyaan dalala Khaliijka ee saliida qanigaku ah iyo sidoo kale badeecaddo kale, waana sababta marinka Hormuz ahmiyada weyn ugu leeyahay ganacsiga aduunka.

 

Araweelo News Network

info@araweelonews.com