Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabtay Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ha suxufi caan ku ah arrimaha taakulaynta iyo gargaarka samafalka ee dadka dhibaataysan, sidaana waxa u xaqiijiyay shebekaddaha Araweelo News Network, weriyayaal ku sugan Magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Weriye Cabdimaalik, waxay ciidamadda Boolisku ka qabteen goobtiisa shaqo ee Magaaladda Burco maanta xilli uu ku jiray hawlihiisa shaqo, mana jiro wax war ah oo ay hay’addaha amaanku kasoo saareen xadhigiisa iyo sababta loo xidhay.

Hase yeeshee Cabdimaalik Muuse, ayaa maalmo ka hor eeddaymo u jeediyay xarunta dhaqanka Hargeysa, sidoo kale wuxuu  maalintii doraad ka hadlay eeddaymo uu hore ugu jeediyay dugsiga Abaarso oo Madaxweynaha Somaliland ka qaybgalay munaasibad loo qabtay Hablo ka baxay Jaamacadda Barwaaqo oo qayb ka ah Dugsiga Abaarso, wuxuuna  Weriye Cabdimaalik oo daba socday hadalka Madaxweynaha dhaliilay qaabka Madaxweyne Biixi uga hadlay arrinta lagu eeddaynayo Dugsigaa oo sida uu sheegay aannay ahayn mid si fudud lagu ogaan karo oo Madaxweynuhu booqasho gaaban ku fami karo.

Sidoo kale, Weriye Cabdimaalik oo daba spcda arrintaa ayaa maanta ka hor intii aan xabsiga loo taaxbin wuxuu bartiisa Fecbook soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo Haweenayda Maamusha Jaamacadda Barwaaqo, wuxuuna qoraalkiisa ku yidhi, “Haweeynaydani waa gudoomiyaha Jaamacadda Barwaaqo ee shabakadda abaarso,magacaeedu waa ( Joy Isa) Waxa loogu yeedhaa ( Pastor Joy Isa / Shiikhad Joy Isa) dhalasho ahaan waxa ay ka soo jeedaa Nayjeeriya, waxa ay faafisaa gaalnimada oo ay dadka ugu yeedhaa iyada oo dedaal weyn ku bixinaysa.”wuxuuna qoraalka uu la wadaagay Bulshadda ku weydiiyay suaal ahayd “Fac nooce ah ayay soo saaraysaa.” Sidoo kale, wuxuu qoraalkiisa raaciyay Fiiro gaar ah ( F/G ) : Youtube-ka ku qor magaceeda soona ogow waxa ay tahay.” Ayuu yidhi, Cabdimaalik Muuse Coldoon.

Maaha markii u horraysay ee la xidhay Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon, waxaase marar hore loo taxaabay xabsiga, iyadoo markii u danbaysay lagu xidhay arrimo la xidhiidha eeddaymo uu Dugsiga Abaarso, balse waxa lagu sii daayay cafis Madaxweyne sannad iyo dhawr bilood kaddib Jun 6, 2020.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com