Araweelo News Network.

 

Laba Mooshin Oo Mid La Laalay Midna Loo Codeeyay, Degmooyinka Loo Kordhiyay Derejooyinka iyo Kuwa La Diiday

Hargeysa(ANN)-Gollaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa fadhigoodii saaka oo Sabti ah lasoo hordhigay laba mooshin oo is khilaafsan, kuwaas oo xildhibaanada qaarkood kala wateen.

Labada mooshin ayaa kala ahaa mid lagu doonayay in derejooyinka saddex degmo kor loo qaado, halka mooshinka kalena degmooyin ka badan kuwa Mooshinka hore lagu dalbanayo in kor loogu qaado derejooyinkooda lagu dalbanayay.

Markii uu furmay fadhigaa oo ay kasoo xaadireen 63 xildhibaan, isla markaana uu shirguddoominayay Cabdiririsaaq Khaliif Axmed oo ah guddoomiyaha gollaha, waxa warbixino la xidhiidha mooshinada laga dhegeystay xubnaha labada mooshin kala watay.

Xildhibaan Cabdinaasir Noqdax oo kasoo jeeda Xisbiga mucaraadka ah ee UCID, ayaa sharaxay mooshinka ay gollaha usoo gudbiyeen oo sida uu sheegay ay ku doonayaan in 20 Degmo  oo derejooyinkoodu hooseeyaan kor loogu qaado.

Xildhibaan Qodax, wuxuu akhriyay labaatanka Degmo ee mooshinka ay gollaha hor keeneen ay ku liisteeyeen, isagoo sheegay in Degmooyinka, Salaxley oo hore u ahayd Derejarada C, laga dhigo B, Sheekh oo hore u ahayd C, in laga dhigo B, Caynaba oo ahayd C, laga dhigo B, Mandheera oo C, laga dhigo B, Lughaya C, laga dhigo B, Baligubadle oo hada ah C, in laga dhigo B, Wajaale oo C ahayd in laga dhigo Derejada B. sidoo kale, degmooyinka Ceel-afweyn iyo Gar-adag la dalacsiiyo oo laga dhigo Derejooyinka A.

Hase yeeshee Xildhibaan Axmed –Khliif Jaamac Saalax oo u hadlayay xildhibaanada keenay mooshinka kale ee lagu dalbanayo in derejooyinka loo kordhiyo oo kor loo qaado degmooyinka Caynaba, Taleex iyo Baligubadle, ayaa fadhiga ka sharaxay ujeedada mooshinka gollaha usoo gudbiyeen.

“Muddane Guddooniye, annagoo tixraacayna Nuxurka faqeada 1aad, iyo 5aad ee qodobka tobnaad ee derjooyinkooda ka dhigay C, loo bedelo derejada B, maadamaa sharcigu ogolyahay in dawladda dhexe  marka hore samyso qiimayn,  waxaan ku koobnaynaa saddexdan degmo oo soo maray dhammaan qiimayntaa. “

Xildhibaan Axmed-Khaliif ayaa sheegay in ay raali ka yihiin degmooyinka kale, balse ay sugayaan marka lasoo mariyo qiimaynta loo baahanyahay ee sharcigu tilmamaay, sidaa awgeed ay xilligan dalbanayaan oo keliya saddexda Degmo ee Caynaba, Taleex iyo Baligubadle in loo bedelo derejooyinka B.

Markaa kaddib Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif ayaa sharciyaqaanka gollaha ka dalbaday in ay ka warbixiyaan miishinka saddexdaa degmo, waxaana labada garyaqaan oo ka hadlay madasha gollaha ka sheegeen in mooshinka saddexda Degmo ee Caynaba, Taleex iyo Baligubadle ay waafaqsan yihiin sharciga.

Balse, waxay meesha ka saareen mooshinka kale ee ay wateen xildhibaan Cabdinaasir Qodax iyo kooxdiisu, kaas oo ay ku doonayeen in labaatan Degmo la dalacsiiyo.

Garyaqaanada, ayaa ku tilmaamay  mooshinkaa mid aan waafaqsanayn sharciga xeerka ismaamulka gobollada iyo Degmooyinka ee Xeer L/r 23, 2019, faqradiisa 7aad iyo 12aad  iyo qodobka 109, dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo 43aad ee xeer hoosaadka gollaha xubintiisa saddexaad, sidaa awgeed wuu jabay mooshinkaasi sharcigana ma waafaqsana, sidaa waxa yidhi, Garyaqaan Mubaarik oo ka mid ah La taliyayaasha sharciga ee gollaha wakiillada Somaliland.

Guddoomiyaha gollaha wakiillada Cadirisaaq Khaliif, ayaa markaa kaddib gollaha u weydiiyay cod mooshinka ay wateen xuildhibaanada saddexda degmo doonayay in la dalacsiiyo derejooyinkooda ee kala ahaa Caynabo, Taleex iyo Baligubadle, waxaana cod ku ogollaaday 36 xildhibaan, oo ka mid ahaa 63 xildhibaan oo madasha fadhiga kasoo xaadiray. Sidaana waxa ku ansaxay mooshinka saddexda degmo loogu kordhinayay derejooyinka.

Labaatanka Degmo ee kooxda xildhibaanada Cabdinaasir Qodax soo jeediyeen

Caynaba oo ahayd derejada C, laga dhigo B, Degmada Taleex oo ahayd C, laga dhigo B, Baligubadle  oo ah D, in laga dhigo derejada D, Ceel-afweyn oo B ah in lasoo gaadhsiiyo Derejada A, Gar-adag oo ah derejada C, laga dhigo B, Degmada Xiis oo derejada D, in laga dhigo C, Xudun oo C, in laga dhigo B.

Yagoori oo D, ah in laga dhigo C, Gudmo-Biyacas oo D, ku qiimaysan laga dhigo C, Widh-widh oo hada D ah in laga dhigo C, Huluul oo ah D, in laga dhigo C, Degmada Boon oo hada ah D in laga dhigo C, Dacarta oo D ah laga dhigo C.

Daara-salaam oo ku qiimaysan D, laga dhigo C, Saba-wanaag oo ahayd D, laga dhigo C, Faraweyne oo ku qiimaysan D laga dhigo C,  Qoyaale oo D, ku qiimaysan laga dhigo derejadeeda C, Mandheera oo ahayd D in  laga dhigo C.

Lughaya oo ahayd C laga dhigo B, Dilla oo ah D, laga dhigo C, Baki oo ah C, in laga dhigo derejada B. Bulaxaar oo D, in laga dhigo C, Garbadadar oo D, laga dhigo C,  Xar-sheekh oo D ah in laga dhigo C, Xaaji Saalax oo D ah in laga qaado oo kor loogu qaado derejada. Sidaa waxa gollaha ka jeediyay Xildhibaan Cabdinaasir Qodox oo ka mid ahaa xildhinaabada watay labaatanka Degmo.

 

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.