Araweelo News Network

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo safiirka Shiinaha ee Somalia

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo safiirka Shiinaha ee Somalia

Hargeysa(ANN)Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay weheliyaan Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibedda, Wasiir-duawlaha Madaxtooyada, Afhayeenka Madaxweynaha, Wakiilka JSL ee China ayaa xalay (31.10.2016) Xarunta Madaxtooyada ku qaabiley wefti uu hogaaminayey Danjiraha Dawladda Shiinaha u fadhiya Dalka Soomaaliya Mr. Wei Hongtian (Warsame) oo booqasho rasmi ah ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland. Danjire Wei wuxuu booqday Mashruuca Biyaha Geed-deeble oo ay Dawladda Shiinuhu hirgelisay muddo hada laga joogo 40 sano, kaasoo uu aad ugu farxay in Mashruucaasi weli shaqaynayo. Sidoo kale wuxuu booqday Dekeda Caalamiga ah ee Berbera iyo Dhakhtarka Weyn ee Hargeisa.

Danjire Wei wuxuu Madaxweyne ku xigeenka ku yidhi: “muddaba waxaan ku tala jiray in aan booqasho ku imaado JSL, imikana aad baan ugu faraxsanahay inaan arko faraqa u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, ha noqoto xaga nabada, xasiloonida iyo horumarka bulshada. Aad baan idiinku hambalyeynayaa waxa aad qabsateen.” Dhinaca kale Danjiraha Dawladda Shiinuhu wuxuu hoosta ka xarriiqay siyaasadda Dawladda Shiinaha ee ah in aan la fara galin arrimaha siyaasiga, kuwa dhaqan iyo diimeed ee dal walba u gaarka ah, balse ay Dawladda Shiinuhu dhiirri gelinayso Xidhiidhka Ganacsiga, Maalgashiga iyo horumarka.

Madaxweyne ku xigeenka JSL ayaa Danjiraha Shiinaha warbixin faah-faahsan ka siiyey in ummadda reer Somaliland ay yihiin ummad iyagu isu tashaday oo aan isku xidhin gacan hoorsi iyo taageero shisheeye sidaana ku dhistay Qaran shaqaynaya oo dimuqraadi ah.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenku wuxuu Danjiraha uga warramay heerarka ay JSL soo martay iyo caqabadaha ay ka soo gudubtay iyo sida ay JSL haatan diyaarka ugu tahay uguna baahan tahay xidhiidh ganacsi iyo mid Maalgashiba oo caalami ah. Sidaa darteedna ay Xukuumadda Somaliland ka rajaynayso Dawladda Shiinaha taageero dhaqaale iyo mid horumarineed oo la mida ta ay siiso Xukuumadda Soomaaliya.” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland kulankaa kaddib.