Araweelo News Network

kuunfyrtasuudaanNew York (ANN)Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon, ayaa shaqada ka eryay taliyaha ciidamada Qaramada Midoobay ee dalka Suudaanta koonfureed, kaddib markii baadhis lagu soo gabagabeeyay in ciidamadiisa nabad ilaalinta ay ilaalin waayeen dad rayid ah.

Baadhista oo ay taageertay eedo hore oo shaqaalaha gargaarka ku eedeeyeen in ciidamada QM ay diideen in ay ka jawaabaan markii ciidmada dowladda ay weerrareen xarun gargaar caalami oo dagaal ku dhex maray laba kooxood bishii July magaalo madaxda Juba.