Araweelo News Network.

 

Qaabkii Tartanka loo maamulay iyo codadkii lagu kala guulaystay

Hargeysa(ANN)-Gollaha Wakiillada Somaliland, ayaa saaka lagu kala calaf qaaday, kaddib loollan adag oo u dhexeeyay xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE iyo Isbahaysiga Mucaaradka ee WADDANI iyo UCID oo taageero siyaasad uu la garab taagnaa Maxamuud Xaashi Cabdi oo ah siyaasi ka mid ahaa tiirarkii aasaaska KULMIYE, isla markaana loo tiriyo guushii uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ku hantay doorashadii Madaxtooyadda ee 2017, balse xilligan khilaaf siyaasadeed u dhexeeyo, isla markaana gacansaar la yeeshay mucaaradka, wallow aannu meelna ku sheegin inuu ka baxay xisbiga.

Alt: Araweelo News Network

Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Guddoomiyaha Maxkamada sare Aadan Xaaji Cali fadhigii gollaha cusub ee wakiillada Salaasadii 3 August 2021 Image Araweelo News Network..

Guddoomiyaha Maxakamadda Sare Garyaqaan Aadan Xaaji Cali, ayaa dhaariyay xildhibaanada cusub oo ka dhammaantood kasoo xaadiray fadhigaa, marka laga reebo hal xidhibaan oo ka maqan dalka, waxaana 81-ka xildhibaan la mariyay dhaarta dastuuriga ah ee waajibka ah.

Markaa kaddib Xidhibaan Yaasiin Maxamuud Xiir oo u sharaxnaa guddoomiyaha gollaha wakiillada, oo noqday xildhibaanka ugu da’ada weyn, ayaa damcay inuu qabsado shirguddoonka, balse xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif oo kula loolamayay guddoomiya gollaha, ayaa dood adag ku daadafeeyay in aannay macquul ahayn in xildhibaanka la tartamayaa uu noqdo ninka hadana shirka guddoominaya.

Alt: Araweelo News Network

Sawaxan iyo buuq qaatay wax yar kaddib, waxa arrinta soo dhexgalay guddoomiyaha gollaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, wuxuuna soo jeediyay si aan khalkhal iyo buuq uga dhicin gollaha, isla markaana aan loo ciidayn doorashadii ay shacbigu geliyeen juhdiga badan in guddoomiyaha Maxkamadda sare Garyaqaan Aadan Xaaji Cali loo daayo hoggaaminta oo ay labada dhinac ka aqbalaan soo jeedintaa, waxayna soo jeedintaasi noqotay mid si weyn ay ugu guuxeen xildhibaanada labada dhinac ee madasha fadhiyay, wallow uu xildhibaan Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon oo loo ogolaaday inuu ka hadlo sheegay in uu aqbalay soo jeedintaa guddoomiyaha, balse ay ahayd inuu shirguddoonka sida dastuurku dhigayo uu hoggaamiyo, maadaama uu yahay xubinta ugu da’ada weyn.

Cabdirisaaq Khaliif Guddoomiyaha cusub ee gollaha wakiillada Somaliland 3 August 2021, Image Araweelo News Network.

Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif, ayaa dhankiisa sheegay in uu soo dhowaynayo arrintaa soo jeedinta guddoomiyaha gollaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, waxaana markaa kaddib la wareegay maamulka hoggaaminta fadhiga guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo xoghayaha gollaha wakiillada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.

Alt: Araweelo News Network

Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Guddoomiyaha Maxkamada sare Aadan Xaaji Cali iyo Xoghayaha gollaha Cabdirisaaq Siciid Ayaanle fadhigii gollaha cusub ee wakiillada Salaasadii 3 August 2021.

Garyaqaan Aadan Xaaji Cali guddoomiyaha Maxkamadda sare, wuxuu aqbalay soo jeedintaa, balse wuxuu gollaha ka codsay in ay hawshala wadaan guddoomiyaha gollaha guurtida oo horeba u fadhiyay mambarka iyo guddoomiyihii hore ee gollaha wakiillada Baashe Maxamed Faarax.

Labada murrashax ee u tartamaya guddoomiyaha ayaa la siiyay midkiiba shan daqiiqo si uu gollaha uga jeediyo sababta uu xilka guddoomiyaha u doonayo iyo qaabka uu doonayo inuu u hoggaamiyo shanta sannadood ee soo socda.

Xildhibaan Yaasiin Maxamuud Xiir, ayaa la siiyay fursadaa, wuxuuna soo bandhigay qorshihiisa iyo qaabka uu doonayo inuu horumar u sameeyo golluhu, sidoo kale Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif ayaa dhankiisa fursadaa kusoo bandhigay qorshihiisa iyo mustaqbalka gollaha uu doonayo inuu ku hoggaamiyo.

Alt: Araweelo News Network

Gollaha wakiillada ee la doortay 31 May 2021, fadhigii u horreeyay Salaasa 3 August 2021, Image Araweelo News Network.

Dood ayaa soo baxday murrshaxiinta sida loo kala hormarinayo magacyadooda, kaddib waxoogay sawaxan ah oo arrintaa ka dhashay waxaa la qaatay in baqtiyaanasiib laba warqadood loogu kala qoro Cabdirisaaq iyo Yaasiin, taas ayaa lagu kala saaray magaca la hor xaadirinayo labada murrasharax ee ku loollamaya guddoomiyaha, waxaana nasiib u yeeshay Yaasiin Faratoon in la horaysiiyo.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare, ayaa markaa cod geliyay xildhibaanada gollaha fadhiya ee u codaynaya inuu Yaasiin Maxamuud Xiir noqdo guddoomiyaha, waxaana u codeeyay 39 xildhibaan.

Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif, ayaa cod loo weydiiyay gollaha, waxaana u codeeyay 42 cod, wuxuuna sidaa ku noqday guddoomiyaha gollaha cusub ee gollaha wakiillada, waxayna markii lagu dhawaaqay codka jawiga madashu noqotay mid farxad iyo murrugo laba dhinac u qaybsameen, balse Xildhibaan Yaasiin Faratoon ayaa ku hanbalyeeyay guusha Cabdirisaaq Khaliif.

 

 

Mar kale, ayaa la xaadiriyay labada xildhibaan ee u tartamayay guddoomiye ku xigeenka, waxaana nasiibku siiyay in lasoo hormariyo xildhibaan Siciid Mire, wuxuuna helay markii codka loo weydiiyay gollaha 41 xildhibaan, kuwaas oo u codeeyay inuu noqdo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee gollaha wakiillada, Siciid Mire Faarax (Giire) halka xildhibaan Cumar Jaamac Faarax helay 40 cod, wuxuuna Siciid Mire markaa kaddib u tegey Xildhibaan Cumar Jaamac oo ay is ku hanbalyeeyeen.

Guddoomiye ku xigeenka labaad oo ay ku loollamayeen xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Qodax iyo Cali Xaamud Jibriil, waxaana nasiib u yeeshay in magaciisa la horaysiiyo Cali Xaamud Jibriil, wuxuuna helay markii codka loo weydiiyay gollaha 43, halka Cabinaasir Qodax uu helay 38 cod, sidaana waxa uu xildhibaan Cali Xaamud Jiriil ku noqday guddoomiye ku xigeenka labaad ee gollaha wakiillada Somaliland.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare Aadan Xaaji Cali, ayaa markaa kaddib shirgudoonka cusub ee la doortay ku wareejiyay hoggaaminta gollaha, waxaase xusid mudan in in lixda xldhibaan ee tartamayay dhammaantood ka socdeen saddexda xisbi, iyadoo marka laga reebo xildhibaan Yaasiin Maxamuud Xiir oo ahaa xubinta ay xukuumadda iyo xisgeedu la doonayeen guddoomiyaha gollaha wakiillada, isal markaana ahaa xubinta loollanaka ugu adage e muddooyinkii u danbeeyay si weyn ugu soo dhacayay dhegaha shacabka sababta u ahaa, balse mucaaradka ayaa si aqlabiyad ah u hantay shirguddoonka gollaha cusub, taas oo si weyn ay shacbigu usoo dhoweeyeen, isla markaana meesha ka saartay wer-werkii iyo walaacii laga qabay iyo cabsidii soo baxaysay ee ka dhalatay loollanka, waxaana la arkayay dabaaldegyo magaalooyinka qaarkood laysugu soo baxay oo ay shacbigu ku muujiyeen dareenkooda sida ay kusoo dhammaatay doorashadii shirguddoonka ee ay walaaca iyo wer-werka.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com