TelesomDahabshiil
Published On: Wed, May 17th, 2017

Somaliland: Madaxwayne Ku-xigeenka Oo Lacag Dhan Todobaatan Milyan Ka Guddomay Ciidanka Asluubta

Araweelo News Network

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo gudoomaya lacagta ciidanka Asluubtu bixiyeen

Hargaysa(ANN)-Madaxwayne kuxigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna Guddoomiyaha guddida taakulaynta abaaraha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland sareeye guuto Maxamed Cismaan Xudhuun ka guddomay qadar lacageed oo dhan 70,825 Milyan SLSH (Todobaatan milyan iyo sideed boqol iyo shan iyo labaatan kun oo shilinka Somaliland ah) lacagtaasi oo ay iska soo ururiyeen dhamaan ciidanka Asluubta ee somaliland iyagoo ugu tallo galay inay kaga qayb qaataan gurmadka dadka ay abaarahu saameeyeen.

Kulankaasi oo ay kasoo qayb galeen xubno sare oo ka socday guddida heer qaran ee taakulaynta abaaraha iyo saraakiisha Ciidanka Asluubta ayaa waxa halkaasi ka hadlay Taliyaha guud ee Ciidanka Asluubta Sareeye guuto Maxamed Cismaan Xudhuun waxaanu yidhi “Madaxweyne ku-xigeen waxaan halkan kugu wareejinayaa qadar lacageed oo dhan 70,825 Milyan SLSH oo ay iska soo ururiyeen ciidanka Asluubta Somaliland, mushaharaadkoodana ka jareen si ay uga qayb qaataan u gurmashada walaalahooda ay abaaruhu saameeyeen”.

Madaxwayneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo isna halkaasi kalmad mahadnaqa ka jeediyay ayaa yidhi “Aad baan ugu mahad celinayaa Ciidanka Asluubta Somaliland oo si naxariisi ku dheehan tahay isaga soo ururiyay lacagtan,marka loo eego dadkeenii abaaruhu saameeyeen waa wax weyn lacagtani, inagoo ogsoon lacagta ay qaataan ciidankeenu hadana waxaan aad ugu faraxsanahay in aan arko iyagoo gurmanaya”. ayuu yidhi Madaxwayne Ku-xigeenka JSL.

About the Author

- #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face<Smiley face noradin-schools---alikhwa