Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xuska munaasibadda sannadguurada 31aad ee kasoo wareegtay markii ay shacbiga Somaliland dib ula soo noqdeen qaranimadooda ee go’aanka dib ua soo noqoshada lagaga dhawaaqay Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer 18 May 1991, ayaa si weyn looga dabaaldegay guud ahaan Somaliland.

Xuska Munaasibadda oo agaasinkeeda iyo diyaargarawgeeda maalmihii u danbeeyay laga dareemayay dalka oo dhan, waxa saaka lagu qabtay barxadda fagaaraha afaafka hore ee wasaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta ee magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa kala qaybgalay shirguddoonka labada gole, guddoomiyaha maxkamadda sare, xildhibaanno, xubno kamid ah gollaha wasiirrada, wufuud kala duwan oo dalalka deriska, sida Djibouti iyo Ethiopia, gaar ahaan kililka shannaad ee Soomaalida Ethiopia ee xaruntiisu tahay Jigjiga iyo diblamasiyiin ka socotay dalalka Somaliland ku leh xafiisyada.

Sidoo kale, waxa ka qaybgalay munaasibadda,taliyayaasha ciidamada, ururrada bulshada,  siyaasiyiin iyo haldoor bulshada ka mid ah iyo marti-sharaf kale.

fagaaraha lagu xusayay munaasibada, ayaa lagu soo bandhigay muuqaalo gaardis iyo socod si weyn u xiisageliyay kumanaan dadweynaha magaaladda Hargeysa oo kasoo qabybgaaly, kuwaas oo lagu muujinayo qiimaha maalinta qarannimada ee 18-ka May oo haatan la xusayay sannadhguuradeedii 31aad.

Kumanaan qof ayaa ku lebbisanaa calanka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu arkayay fagaaraha, iyagoo koox koox u maraya, kuwaas oo ay ka muuqatay shucuur waddaniyadeed iyo ahmiyada weyn ee maalintan 18 May.

Cutubyo kala duwan  oo ka mid ah ciidamada kala duwan ee qaranka oo agabkooda ciidan u dhammaystiran yahay, ayaa sidoo kale socod ku matay fagaaraha, kuwaas oo shucuur waddaniyadeed iyo qiiro geliyey shacabkii waddooyinka kala duwan ee caasimadda ka daawanayey iyo masuuliyiintii madaxweynuhu u horreeyey ee xuska ku sugnaa.

Sidoo kale, waxa ay ciidamada kala duwan ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland goobta kusoo bandhigeen gaadiid kala geddisan oo casri ah oo ay kamid ahaayeen gaadiidka kaarayaasha iyo noocyada kale ee hubka culculus xambaara, taas oo qayb ka ahayd cudduda Millateri ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo shacabka u jeediyey khudbad la xidhiidha qiimaha maalinta 18 May iyo ahmiyada ay u leedahay qaranimada Jamhuuruyadda Somaliland.

Madaxweyne Biixi, ayaa ugu horrayn bulshada reer Somaliland meel ay joogaanba ugu hambalyey munaasibadda qaran ee 18-ka May, isagoo si qoto dheer uga sheekeeyey sababihii keenay inay Somaliland go’aansato inay aayaheeda dib uga tashado oo ay xorriyaddeeda iyo madaxbanaanideeda qaranimada dib ula soo laabato.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay halgankii midho dhalay ee shacabku u galeen sidii looga xoroobi lahaa rijiimkii macangegga ahaa ee  muddada dheer lala halgamayay, kaas oo dhiig baddan ku daatay.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dawladnimada Somaliland ku timi rabitaan shacab, kuna tashadeen inay qaran buuxa dhistaan, kana mid noqdaan dawladaha dunida ka jira ee Dimuqraaddiga ah.

Dhallinyarada reer Somaliland, ayuu madaxweynuhu si mug leh waano iyo waxsheeg waayeelnimo ugu jeediyey, waxana uu ku boorriyay inay waqtigooda ka faa’iidaystaan, dalkooda dhistaan, aqoonta ay bartaanna dalkooda iyo dadkooda uga faa’iideeyaan, xilna iska saaraan sidii ay dhulkooda wax ugala soo bixi lahaayeen.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,  waxa uu bulshada reer Somaliland, ugu baaqay inay  u diyaargaroobaan isbeddelka cimilo ee dunida oo dhan saameeyey, isaga oo ku waaniyay inay wax ka beddelaan qaabkii hore ee ay u noollaan jireen, si ay isbeddelka ula jaanqaadaan.

Madaxweyne Biixi waxa uu hoosta ka xarriiqay inay Somaliland tahay qaran astaantiisu tahay nabadda iyo wax wada-qabsiga, deris-wanaagguna tiir-dhexaad u yahay, isagoo yidhi,“Waxa inoo Mabd’a ah oo siyaasaddeenna lagu unkay oo lagu bilaabay inaynu Bani’aadamka Ilaahay meel kasta oo ay joogaanba aynu nabadgelino oo aynu wax la qabsanno, innagoo ka bilaabayna jaararkeena, Geeska iyo caalamka oo dhan.”ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

Gebagebadii Maadxweyne Biixi, wuxu shacabka ugu baaqay inay midnimadooda iyo wada-jirkooda ka shaqeeyaan, horumarkooda iyo dib-u-dhiska dalkoodana muhiimad gaar ah siiyaan oo ay ka feejignaadaan waxkasta oo keenaya dib u dhac iyo kala qaybsanaan.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com