Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Munaasibada sanadguurada 31aad ee xuskka 18 May, ayaa si weyn looga xusay magaalooyinka Somaliland, iyadoo labadii habeen ee u danbeeyay laga dareemayay diyaargarawga xuska maalinta qiimaha baddan ee 18 May.

Alt: Araweelo NewsNetwork
Munaasibada 18 May oo si weyn looga xusay Hargeysa sannadguuradii 31aad Iamge Atraweelo News Network.

saaka waaraberigii ayaa laga sameeyay isu baxyo waaweyn dhammaan fagaarayaasha waaweyn ee dhammaan magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Magaaladda Hargeysa waxa khudbado la xidhiidha maalntan qiimaha ay leedahay iyo ahmiyadda ay qaranka ugu fadhido u jeediyay kumanaan qof oo isugu soo baxay dabaaldega maalintaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo masuuliyiinta kale ee qaranka.

Munaasibada 18 May ee ;lagu qabtay Hargeysa, waxa kasoo qaybgalay wufuud ka socotay dalalka Djibouti, Ethiopia, agaar ahaan ismaamulka kililka shannaad ee Ethiopia, diblamaasiyiin iyo martisharaf kale.

Sidoo kale, dhammaan gobollada dalka, ayaa lagu qabtay munaasiabdo si weyn loo abaabulay, kuwaas oo masuuliyiinta kala qaybaglay shacbigu khudbado ka jeediyeen, isla markaana kusoo dhammaaday si nabadgekyo ah.

Munaasibada, ayaa dabaaldegyo waaweyn oo lagu xusayay laga sameeyay magaalooyinka Burco, Ceerbaabo, Caynaba, Berbera, Gebilay, Boorana iyo meelo kale, waxaana shacbiga ku dhaqan magaalooyinka kala qaybgalay masuuliyiin ka socota xukuumadda Somaliland iyo axsaabta qaranka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com