Araweelo News Network.

 

#Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha #Jamhuuriyadda #Somaliland,  Muuse #Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay loollanka loogu jiro shirguddoonka #wakiillada iyo #Maayarada dalka oo ay labada Xisbi Mucaarad si cad u shaaciyeen in ay qaybsanaayan, isla markaana ay ku yihiin arrintaa heshiis.

Hase yeeshee, Madaxweyne Biixi, ayaa ugu bushaareeyay shacabka in aannay arrintaasi noqonayn sida la moodayo, isla markaana maadaama ay xukuumadda saarantahay masuuliyd weyni  ay si nabad ah kusoo dhammaanay hawsha doorashada shirguddoonka iyo Maayarada dalka.

Madaxweyne Biixi, wuxuu hadalkaa ka sheegay mar uu maanta Guddida Doorashooyinka Qaranka ku qaabilay Xafiiskiisa, isagoo uga mahad celiyay sida ay u maamuleen doorashooyinka ay Somaliland ku heshay sucmada weyn ee ka qabsoomay dalka 31 May 2021. Kuwaas oo si nabadgelyo ah kusoo dhammaaday, isla markaana si weyn ugu soo jiiday qaranka Somaliland sumcad.

 

Dhinaca kale, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu shacabka u diray farriin ku saabsan doorashooyinka shir-guddoonka gollaha Wakiillada, Maayarada dalka iyo ku-xigeennada isagoo ugu bushaareeyay Bulshada inay ka go’an tahay madaxweyne ahaan in dhammaan hawlahaasi si milgo leh oo bilaa cunfi ah kusoo dhammaan doonaan.

 

“Shacabka waxan ugu bushaaraynayaa sidaan ku talo-galay doorashooyinka hadhay ee maayarada, ku-xigeennadooda iyo xubnaha loo dooran doono shir-guddoonka wakiilladu inay Ilaahay idamkii ku dhammaan doonaan nabadda nabaddeeda iyo sharaftaas iyo walaal qaado iyo adigu qaado, taasaanan ka shaqaynayaa inaynu helno, xisbiyadana taasaan u soo jeedinayaa.”ayuu yidhi Madaxweyne Biixi

 

Guddida doorashooyinka, ayuu Madaxweyne Biixi ku ammaanay hawsha iyo baaxadeeda, isagoo xusay sida turxaan la’aanta ahayd ee ay u maamuleen doorashooyinka, isla markaana wuxuu dhinaca kale, warbaahinta dalka gaar ahaan Mareegaha  Wararka (Websites) iyo Telefishannada ku ammaanay doorkii ay qaateen wacyi-gelinta iyo baahinta wararka toggan ee ku saabsan arrimaha Doorashooyinka Dalka, isagoo Madaxweyne Biixi xusay qaybta in ay ka qaateen qayb laxaad leh oo wax-qabadkooda la dareemay.

 

“Warbaahinta madaxa-bannaan waxay u shaqeeyaan si waddaniyadeed; hadday TV-yo yihiin, hadday Website-yo yihiin, qof kasta waxbuu ka geystay wacyigelinta.Waa markii u horeysay ee wacyi-gelinteennu midowday, waa markii u horeysya ee loo wada addeegay sidii doorashadu u qabsoomi lahayd, hadday tahay warbaahinta Qaranku hayey iyo kuwii gaarka loo lahaaba,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland,Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale, Marreeggaha Wararka ee ka hawl-gala Somaliland ayaa inta badan ku midaysan xilligan Ururka Warbaahinta Online-ka ah ee Somaliland Online Media Association ee loo soo gabiyo  (SOMA), kaas oo Guddida Doorashooyinka Qaranka kala shaqeeyay gudbinta farriimaha wacyi-gelinta iyo wararka ku saabsan arrimaha Doorashooyinka oo ay si joogto ah u baahin jireen, iyagoo ka eegayay danta qaranka iyo ahmiyadda doorashooyinka, balse aan ka eegayn dano gaar ah oo dhaqaalle, ama dano siyaasadeed iyo ujeedooyin xisbi.

Marreegaha ku midoobay Ururka SOMA,  oo ah Warbaahinta Onlineka ah (Websites), waxa la ogyahay saamaynta ay dunida  ku leeyihiin xilligan casriga ah ee horumarka Tignoolajiyadda dunida, waxayna kaalin mug leh ugu jiraan horumarinta Dhaqan-dhaqaale, Dimuqraadiyadeed iyo siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana lagu tilmaamaa inay yihiin wejiga, ama murraayadda ay duniddu ka dheehato xaaladdaha kala duwan ee guddaha Somaliland ka jira iyo weliba in ay yihiin meelaha kaydka ah ee macluumaadka ku saabsan Somaliland iyo marxaladihii ay soo martay dunidu ka daalacato.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

 

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com