#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay Aas qaran oo xabaalaha Baqiic ee duleedka Waqooyi ee Caasimadda Hargeysa loogu sameeyey Marxuum Cismaan Axmed Xasan (Cismaan Indhoole) oo xalay Hargeysa ku geeriyooday.

Marxuum Cismaan Axmed Xasan oo kamid ahaa haldoorkii bulshada reer, isla markaana shaqooyin baddan oo muhiim ah soo qabtay bulshadiisa iyo dadkiisa, waxa jinaasadiisa kala Madaxweynaha, guddoomiyaha gollaha guurtida, xildhibaanno, xubno kamid ah gollaha wasiirrada, siyaasiyiin, ehellada marxuumka, ganacsato iyo dadweyne kale oo tiro badan.

 

Aaska marxuumka oo ka dhacay xabaalaha Bacqiiq ee Waqooyiga Magaalada Hargeysa, halkaas oo loogu duceeyey marxuumka, iyada oo ehellada iyo qaraabada uu ka tegayna Eebbe looga baryey inuu cawadsan ka siiyo.

 

 

Xaaji Maxamed Siciid Ducaale (Dahabshiil), oo ugu horrayn goobta jinaasada ka hadlay, ayaa marxuumka Eebbe uga rajeeyey inuu jannooyinkiisa ku casuumo, ehelladana samir iyo Iimaan ka siiyo.

 

Wasiirrada wasaaradaha Warfaafinta, iyo Diinta iyo Awqaafta, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani), ayaa iyaguna ku dheeraaday taariikhdii marxuum Cismaan, waxana ay ku sifeeyeen halyey ummaddiisa usoo shaqeeyey.

 

Guddoomiyaha gollaha guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa dhankiisa tacsi u diray ehellada iyo qaraabada marxuumka, waxana uu xusay inuu marxuumku door weyn kasoo qaatay dawladnimadii Somaliland iyo halgankii dibu-xoraynta dalkaba.

 

Madaxweyne Biixi, ayaa dhankiisa ka warramay aqoontii uu marxuumka u lahaa iyo intii uu ka yaqaanay shaqsiyaddiisa, isaga oo ku tilmaamay nin shaqo wanaagsan soo qabtay dalkiisa iyo dadkiisa, isla markaana noociisu ku yaraa bulshada Soomaalida iyo Somaliland, marka la laga hadlayo aqoontiisii iyo da’a ahaan, balse aannu marxuumku ahayn dadka faana iyo kuwa shaashadaha, ama jaraa’idka isa soo taaga.

 

“Wuxuu ahaa nin Ilaahay, mutawaaddic ah, in badan shaqaynayay intii uu Bani’aadam lasoo shaqaysayna aan qofna ka sheeganayayn erey xun, wuxuu ahaa shaqsiyad uu Ilaahay waafajiyey inuu adduunkana si gobonnimo leh oo ixtiraam leh u shaqeeyo, Aakhirana u shaqaystay oo kusii talo galay geerida”ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

 

Marxuumka, ayaa ahaa ninkii markii ay xorriyadda ka qaadatay Boqortooyadii  Midawday ee Britain  26 Jun 1960, kala wareegay, isagoo markaa ka hor xillal kala duwan oo kasoo qabtay maamulkii mustacmarada ee Somaliland u ahayd maxmiyadda, wuxuuna soo noqday dhiisaygii ugu horeeyay ee Ceergabo, afartanaadkii, Togdheer Burco, sidoo kale, wuxuu xilal kala duwan kasoo qabtay xilligaa ka hor maamamulkii maxmiyada,

 

Cismaan , aqoomtiisa iyo waxbarashadiisa  hore ka sokow, waxa si gaar ah loogu soo carbiyay dalka Britain  oo isaga iyo Marxuum Axmed Aadan Qaybe, halkaas oo waxbarasho loogu diray 1956, Jaamacadda Oxford ee Britan, iyagoo soo qaatay takhasusaad  dheeraad ah muddo saddex sannadood ah, iyadoo Marxuum Cismaan si gaar ah usoo qaatay takhasusu dhinaca  maamulka iyo maaraynta ah, halka Marxuum Axmed Aadan Qaybe uusoo qaatay hoggaaminta Baarlamaanka ee arrimaha gollayaasha sharcidejinta, sida aanu kasoo xigganay intii uu noolla Marxuum Axmed Aadan Qaybe oo ahaa guddoomiyihii gollaha wakiillada Somaliland, isla markaana  ahaa dublamaasi xilal kala duwan kasoo qabtay qarankii dawladdii Soomaaliya ee burburay iyo maamulkii maxmiyadda ee Somaliland, ka hor intii aannay qaadan gobonimada 26 Jun 1960.

Marxuumka, ayaa sidoo kale, xilal kala duwan kasoo qabtay qarankii Soomaaliyeed iyo xilliyadii halganka ay ku jirtay Somaliland oo kaalin weyn uu ku lahaa, isagoo mudooyinkii danbena xilal kasoo qabtay dawladdihii Somaliland ee kala danbeeyay, waxayna  dadka aqoonta u lahaa qireen inuu ahaa shaqsi taariikh weyn ku lahaa geyiga Soomaalida iyo gobolkaba, isla markaana si weyn looga ixtiraami jiray dalka Britain oo uu degaan muddo dheer, balse marxuumka ayaa  28 May 2023, ku geeriyooday Magaalada caasimadda ah ee Hargeysa, waxaana aas qaran loogu sameeyay maanta xabaalaha Baqiic ee waqooyiga Hargeysa.

 

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net

http://archive.araweelonews.com

www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com