Siyaasi Maxamuud Xaashi Muxuu Ka Yidhi, Doorashada Turkiga Iyo Guusha Erdogan ?

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi oo xilligan ah Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, ayaa ka hadlay doorashada dalka Turkiga ee shalay lagu kala calaf qaaday, kaddib tartan addag oo markii labaad dhexmaray Madaxweyne Ordagan iyo Hoggaamiyaha sida weyn loolanku u dhexmaray ee Kemal  Kilicdaroglu.

 

Doorashada oo ahayd ku celis, ayaa lagaga adkaaday Kemal  Kilicdaroglu oo aaha hoggaamiyaha mucaaradka ee  Republican People’s  Party (CHP).iyadoo isbahaysiga mucaaradka (CHP) uu helay 47.88%, sidaana lagaga adkaaday, waxaana ka guulaystay Recep Tayyip Erdogan iyo xisbigiisa (AK Party). Oo halay 52.12%.

Doorashada Turkiga oo si weyn usoo jiidatay indhaha caalamka, ayaa dhinaca Bulshada Soomaalida noqotay mid aad isha loogu hayay.

Siyaasiga Maxamuud Xaashi oo isagu hore taxliil ugu sameeyay wareegii hore ee doorashada Turkiga iyo duruufihii siyaasadeed ee ku xeernaa, ayaa guusha Madaxweyne Erdogan ku tilmaamay mid uu kaga badbaaday waran la doonayay in lagu tumaatiyo.

Qoraal uu Siyaasiga Maxamuud Xaashi kaga hadlay doorashada Turkiga, ayaa ku bilaabay sidan:-

“Madaxweyne Ordagan, waxaa mar kale u suurtogashay in uu ku guuleysto, Jagada madaxweynenimada dalka Turkiga. Taas oo uu hore haaneedkeeda u hayey (20) labaatan gu’u oo gaw ah (2003-2023). Madaxweyne Ordagan, wuxuu ku guuleystay in ka badan toban doorasho oo is daba joog ah, taas oo aan hore uga dhicin sooyaalka taariikhda siyaasadda Turkiga. Tan iyo intii la aasaasay jamhuuriyadda cusub ee Turkiga, ee maanta jiritaankeedu baarka ka jaray halka qarni ee buuxa (1923-2023).

Madaxweyne Ordagan, inkasta oo waqtiyadan danbe aad loo dhaliilo, isla markaana uu yeeshay col iyo cadaw baddan, oo caasha isu saaray in ay ciilaan, ama mar uun ay cadaysimo ka dhigaan. Haddana, waxaan caad iyo ciiro midna ku daahneyn, in uu yahay hoggaamiye leh hami waxqabad iyo himilo fog (visionary Leader). Kaas oo u horseeday dadkiisa, hodantinimo iyo horumar balaadhan, oo sabab u noqday in ay ka samatabaxaan, saboolnimadii iyo safkii dunida sadexaad, ee ay sabadeeda yuurureen sagaashanka sanadood.

Siyaasaddu waa hadhkaa labadiisa gelin, oo mar waa kufiso, marna waa kibriso. Sidaa darteed, doorkan Ordagan wuxuu ku badbaaday dirqi iyo tu xun. Wuxuuna ku sigtay in ay doontiisa dejiyaan, daadadka iyo duufaanada doc walba kaga soo fatahay. Isku soo duuboo, marka aan soo ururiyo nuxurka abaarta dulucdeena, madaxweyne Ordagan, waxaa maanta la baxsaday bisaylka siyaasadeed ee bulshadiisa, basarka uu u beerlaxawsaday bah-weynta dalkiisa, baylahda iyo bartiraynta badan ee ka soo baxday ragii ay beratamayeen, iyo isaga oo aan beenayn ee fuliyey dhamaan ballamihii uu qaaday, Xilligii uu ku jirey ololihii doorashadii 2018-kii.

Arrimahaasi, waa kuwa bud-dhiga u ah, waxyaalaha belaayo xijaabka uga noqday Ordagan, billaawihii lala beegsanayey. Dhacdadani waxay sida dharaarta u caddaysay, in madaxweyne Ordagan uu weli leeyahay taageerayaal dhumuc leh. Kuwaas oo dhab ka dhigay in uu yahay hogaamiye ku jiifa dhab libaax, kaas oo aanay dhigiisu dhayal, dhiniciisa dhulka u dhigi karin. Allahayoow, ummadayada ka dhig kuwo wax ku doorta aqoon iyo aragti. Balse, aan wax ku dooran anfac, aduun, eex, iyo ab iyo isir.

Gun iyo gebo-gebo, guusha madaxweyne Ordagan, waxay goblan iyo guri-tir ka dhigtay, gaashaan buurtii uu ka dhaxeeyey guluf weerarku. Kuwaas oo guudka u fidhanayey, in ay goor aan fogayn ku geeraari doonaan (waa lagu digtaa ruux haduu kuu daraan jirey, ee bal dayaay wadaadkii waa kaa sii dabayshaday). Foosha siyaasaddu waxay leedahay filan-waa, iyo fajicisooyin farabadan. Hasayeeshee, waxaa markhaati ma doon noqotay, in madaxweyne Ordagan uu faraskiisu fayga la baxay, oo uu hadda farxad iyo foodhi geeraar ku jiro. Isagoo fal-celin iyo fariin dadban ku leh, ”Baay baay Kamaaloow”, (Dalka waan aqaano, bahal iga da’a weynoo, dad cun ahi ma joogee, ma didee hargoolow, ha igu tumin durbaanada, iyo daasadaha madhan).

Hambalyo madaxweyne Ordagan
Hambalyo shacbi weynaha Turkiga.

W/Q Maxamuud Xaashi Cabdi