Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ahna Ku-simaha Madaxweynaha Qaranka, ayaa muwaadiniinta reer Somaliland ku boorriyey inay qaataan kaadhka codbixinta si ay talada waddanka qayb uga noqdaan.
Madaxwayne-ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Saylici iyo wefti uu hoggaaminayey oo kormeer-hawleed la xidhiidhay u kuurgal iyo xogogaal-u-noqoshada qaabka ay u socoto hawsha qaadashada kaadhka codbixinta ku tagay degmada Sallaxlay iyo degaannada hoos taga xarunta gobolka Hawd ee Balligudbadle oo ka mid ah Gobolka Maroodi-jeex ay ka socdaan hawsha kaadh-qaadashada codbixiyeyaasha shalay, ayaa waxa uu ugu baaqay dadweynaha ku dhaqan dhulkaasi iyo guud ahaan gobollada weli aan laga fulin bixinta kaadhka in aanay dhayalsan muhiimada uu leeyahay oo ay si buuxda u qaataan maalmaha kooban ee uu Komishanka Doorashooyinku ugu talogalay.
“Waxaannu u soconaa in aannu u kuurgalno sida ay u socoto hawsha kaadh-qaadashadu oo ah hawl qaran iyo waajib dhammaanteen shacab iyo dawladba inna saaran, markaa waxaannu idinku boorrinaynaa in aad kaadhka qaadataan. Waxaan degaannadan u imi waa arrin kaliya oo ah sidii aad u qaadan lahaydeen kaadhka codbixinta doorashada oo xaq kuu siinaya inaad doorato qofka aad la jeceshahay inuu dalka hoggaamiyo, laakiin olole umaanaan iman,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Saylici oo hadallo u jeediyey dadweynaha deegaannada uu maray, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata uu intaa raaciyey, “Runtii waa la ogyahay duruufaha aynu ku jirno ama sida aynu u nool nahay dhaqan ahaan oo dad reer guuraa xoolo dhaqato ah baynu u badannahay oo laga yaabo qofku meeshii uu joogay shalay in aannu maanta joogin, haddana duruufteenna ayeynu ku dabbaqaynaa in aynu ku shaqayno oo waa duruuf inoo dhaqan-dhaqaale ah. Sidaas darteed, waxaan idinku boorrinayaa inaad farriinta is wada gaadhsiisaan oo waqtigaa kooban ee aad haysataan aad ka faa’iidaysataan.”
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta Madaxtooyada, ujeeddada kormeerka weftiga Madaxweyne-ku-xigeenka waxa deegaannada uu cagta mariyey ka mid ah; degmooyinka Balligubadle, Sallaxlay iyo tuulooyinka Kaam-tuug, Gunburaha iyo deegaanno kale oo ka tirsan Gobolka Hawd.
Qaar ka mid ah hawlwadeennada fulinaya hawsha bixinta kaadhadhka codbixiyayaasha ee Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa sheegay in aanay dadku u qaadanayn kaadhka sidii loogu talogalay.
“Goobtan si fiican bay shaqadu uga socotaa, laakiin kaadhadhkii naloo soo dhiibay iyo dadkii qaadanayey baan is lahayn, runtii dadku way ku yar yihiin qaadashada, afartii casho ee ay socotay dhawr boqol way naga qaadatay, laakiin tiradii naloo soo dhiibay iyo dadka qaadanayaa isma laha, markaa in wacyigelintu ku yartahay iyo inay dadkii ka hayaameen abaaraha dartood labadaas ayuun bay noqon kartaa.” Sidaa waxa tidhi gabadh madax ka ah mid ka mid ah goobaha laga qaadanayo kaadhadhka ee degmada Sallaxlay.