Hargeysa(ANN)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xilkii ka qaaday Agaasimihii ugu caansanaa Xukuumaddiisa oo xiligan ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska. Mr. Maxamed Cilmi Aadan (Ilka Case).

Agaasimaha xilka laga qaaday, ayaa lagu bedelay xilkiisa Agaasimihii Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan oo ah nin dhalinayaro ah oo ka mid ahaa dhalinyaradii Madaxweynuhu magcaabay markii uu xukunka hayay muddo, sidoo kale Mubaarak Cabdillaahi Ibraahin, ayaa loo magcaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.

Sidaana, waxaa lagu sheegay wareegto uu Madaxweynuhu ku saxeexnaa oo kasoo baxday maanta Af-hayeenka Madaxweynaha JSL, isla markaana ku taariikhaysan 24/06/2019.

Wareegtada Madaxweynaha, ayaa u qornayd sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-330/062019, uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Ku: Maxamed Cilmi Aadan (Ilka Case)

 Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha  Bulshada iyo Qoyska.

Og: Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska

Mudane, Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo dhiibo hadba ciddii hannan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay ee Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.

Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka ee kor ku xusan.

UJEEDDO: MAGACAABID

Markaan Arkay:  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Tixgeliyey:  Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

Markaan Ka Fiirsaday: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan Ku Qancay:  In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Waxaan Go’aamiyey;

 1)      In Agaasimihii Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.

      2)      In Mubaarak Cabdillaahi Ibraahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.” Ayaa lagu yidhi, qoraalka wareegtada oo uu warbaahinta Araweelo News Network soo gaadhsiiyay Agaasimaha Waaxda Warbaahinta ee Madaxtooyadda , Naasir Yusuf Daahir.

Dhinaca kale Agaasimaha xilka laga qaaday, Maxamed Cilmi Aadan (Ilka Case), ayaa ahaa Agaasimihii ugu caansanaa xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, wuxuuna markii Madaxweyne Muuse Biixi xilka la wareegay ahaa Agaasimaha Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland oo Madaxweyne Siilaanyo u magcaabay, isla markaana wuxuu soo qabtay xilal kala duwan,  isagoo Agaasime hore uga soo noqday  xiligii xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo wasaaradda xiligan laga qaaday, Wasaaradda Warfaafinta, sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo markii doorashadda ku guulaystay 26, Jun 2010, u magcaabay Agaasimaha Baratakoolka ee Madaxtooyadda, wuxuuna 2010- Jun 2019, ahaa masuul ka dhex muuqda Xukuumaddiihii KULMIYE, ee  Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweynaha xiligan ee Muuse Biixi Cabdi.  

 Maxamed Cilmi Aadan (Ilka Case), wuxuu sidoo kale ahaa dhalinyadii seeska u dhigay Ururada Bulshada Somaliland ee ugu firfircoonaa, isagoo ka mid ahaa koox dhalinyaro ah oo aasaastay dhawr iyo sgaashankii Hay’adda HAVAYOCO oo ka mid Hay’adda laga yagleelay Somaliland tan iyo markii ay lasoo noqotay madaxbanaanideeda ee guulaystay, isla markaaana ay ka aflaxeen kumaan dhalinyaro ah oo maanta qayb weynka ah horumarka dalka.