Warbixin: Arraale M. Jama Freelance Journalist and human rights activist based in Somaliland

Bahardar (ANN)-War rasmi ah oo kasoo Wakaaladda iskaashiga Wararka ee  Ethiopia (EBC), ayaa lagu xaqiijiyay inuu fashilmay  isku day la doonayay in lagu inqilaabo gobolka Amhara ee dalka Ethiopia oo ma mid ah maamul goboleeyada ay u qaybsantahay dawladda Federaalka Ethiopia.

Negusu Telahun, oo ah afhayeenka Ra’iisal Wasaaraha Abi Ahmed, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Ethiopoia EBC, inuu jiray isku day la isku deyay  in lagu afgembiyo dawladda gobolka Amhara subaxii hore ee June, 22, 2019.

Tigrai Online, ayaa sheegtay inay  heshay macluumaad sheegaya  in hoggaamiyeyaasha doonayay inay inqilaab ka sameeyaan gobolka Amhara  ay isku dayeen in ay la wareegaan gebi ahaanba gobolka, iyagoo geystay dilalka hoggaamiyeyaasha sare ee gobolka kadib markii ay ku kulmeen caasimadda gobolka Bahirdar.

Warbixinnaha ayaa tilmaamaya in codka rasaasta  wali laga maqlayo dhismayaasha dawladda iyo meelo kale. Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha sare ee gobolka,  madaxweynaha gobolka Amhara Mr. Ambachew Mekonnen iyo la Taliyihiisii Gize Abera ayaa ka mid ahaa dadka la dilay, halka si xun loo dhaawacay ku-xigeenkiisa sida ay sheegayaan wararka teel-teelka ah ee ka imanaya Bahirdar.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ciidamada Cirka ee Ethiopia ay weerar ku qaadeen goobo ka mid ah magaalada Bahardar, waxaana la weeraray goobo dhowr ah. sida ay shaacisay waraabinta Tigraionline.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Abiy Axmed Cali,  ayaa ka muuqday  waraabinta Qaranka isagoo ku lebisan Dirayska Ciidamada, wuuxuna ku dhawaaqay afgambiga gobolka Amhara iyo geerida General Seare Mekonnen.

Sarkalkaa oo Taliyaha Guud ee  Ciidamada Difaaca ee Ethiopia, General Seare Mekonnen, isla markaana hore hawlagab u noqday iyo Madixii Saadka ee Ciidamada Difaaca Ethiopia, General Gezae Abera, ayaa maanta lagu dilay Addis Ababa. Taliyaha Guud ee  Ciidamada Difaaca ee Ethiopia, General Seare Mekonnen, waxa lagu dilay gurigiisa Addis Ababa , iyadoo General Gezae Abera, oo wax yar ka hor kuso booqday guriga Tlaiyaha isagana lagu dilay halkaa.

Mr. Nigussu Tilahun oo u hadlay xukuumadda Ethiopia, ayaa isku xidhay dilalka labada sarkaal ee ka dhacay Addis Ababa iyo wixii ka dhacay Bahirdar. waxaana labada sarkaal shirqoolka lagu dilay lala xidhiidhiyay inay ka danbeeyeen ciidamada doonayay inay inqilaabaan  gobolka Amhara, waxaana la xidhay xadka gobolka Amhara uu la wadaago dalka Suudaan, isla markaana waxa la jaray khadka Internetka.

.

Amniga iyo xaaladda siyaasadeed ee a Gobollada dalka Ethiopia, ayaa sii xumaanayay tan iyo markii uu xukunka la wareegay Abiy Axmed Cali , waxaana jiray dagaalo u dhexeeyay qowmiyadaha qaarkood oo sababay dhimashada kumanaan qof iyo inay ku barakacaan dhawr Milyan oo qof.

Hase yeeshee gobolka Amhara, ayaa  dhawrkii sannadood ee la soo dhaafay, gaar ahaan saddexdii sanno ee u danbeeyay waxa ruxayay dabaylo siyaasadeed iyo dhaqdhqaaqyo, iyadoo Siyaasiyiinta ugu sareeya ee dowladdu u kala qaybsan yihiin siyaabo badan oo ay ka mid yihiin,  kuwa doonaya in ay dib u soo celiyaan nidaamkii hore ee halbeegga u ahaa oo ay xukunka gacantooda kusoo ceshadaan,  kuwo kale oo siyaasadoodu tahay inay  taageera nidaamka hadda jira laakiin qorshohooda u baddalay si Amxaaradu ay uga badin karto ama u yareeyaan dalka, iyo kooxda  lagu tilmaamo kuwo xagjir ah oo doonaya inay ballaadhiyaan Gobolka Amahara oo ay ku jiraan gobolka Tigrai, gobolka Afar, gobolka Benishangul-Gumuz iyo qaybo ka mid ah waddanka Eritrea oo ay ku jiraan ilaa dekedda Assab.

Ra’iisul Wasaare Abi Axmed wuxuu dibadda uga soo saaray dhammaan xuruufta Amhara ee xagjirka ah wuxuuna kasii daayay dhamaan maxaabiista u xidhnaa siyaasada ee  Amxaarada xabsiga, shuruud la’aan, Qaar ka mid ah maxaabiista xabsiga laga sii daayay waxay ahaayeen Eskinder Nega, Genral Asaminew Tisge iyo General Tefera Mamo. Labada Genral Asaminew Tisge iyo General Tefera Mamo ayaa la xidhay 2009-kii markii ;agu eedeeyay  qorshe ay ku fulin lahaayeen inqilaab.

Guud ahaan General Asaminew Tisge iyo General Tefera Mamo, ayaa la sii daayay, wuxuuna  raggaa milatariga ahaa iyo hawlgabkoodiib dib ugu soo celiyay ra’iisul-wasaare Abi Axmed Cali si uu u wiiqo Tigrai, TPLF, oo cabsi weyn uu ka qabo inay mar kale xukunka kusoo laabtaan.

Genral Asaminew Tisge wuxuu noqday madaxa nabadgelyada  iyo amniga gobolka Amhara. Tan iyo markii la sii daayay Genral Asaminew Tisge, wuxuu halis ku ahaa qowmiyada  Tigrai oo uu cadaawad xun u hayay, Wuxuu sidoo kale tababar u sameeyey kumanaan askari oo ku sugan gobolka Amhara oo si gaar ah loo diyaariyay ciidan ahaan .

Toddobaadkii hore ayuu hadalkiisa dibbeda usoo baxay  markii 5000 oo ciidamo gaar ah oo Amhara ah ay ka qalin jabiyeen xeryaha tababarka ee halkaa,  isla markaana waxay arrintaasu sababtay inay cabsi mar kale soo waajahdo maamulka Tigrai iyo dadkeeda.

Ma jiro war cad oo ka danbeeya isku-dayga la isku dayey ee ka dhacay gobolka Amhara iyo dilka laba ka mid ah ciidamada Tigreega, laakiin waxaa la xidhiidhiyay inay Genral Asaminew Tisge iyo kooxaha xagjirnimada ay ka dambeeyaan. Dilka labada General  ee Tigreega  ah, waxaana la leeyahay General Seare Mekonnen iyo General Gezae Abera waa qayb ka mid ah qorshaha lagu wiiqayo awoodda milatari ee Tigra si loo soo galo. Waxaa jiray ciidamo yar yar oo u dhexeeya ciidammada Amhara iyo ciidammada Tigrai dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ee xudduudaha, laakiin ciidamada Amhara ayaa gabi ahaanba laga riixay aagga Tselemti oo ay isku horfadhiyeen. sida ay shaacisay warbaahinta Tigreega ee Tigria Online.