Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)- Wasaaradda Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si weyn u xustay maalinta cuntada Adduunka oo 16 October sannad kasta laga xuso dalalka caalamka oo dhan.

Xuska maalinta Cuntada Adduunka ee laga xusay caasimadda Hargeys, waxa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Beeraha Axmed Aw-Daahir, Wasiirka Waxbarashada Md. Cabdillaahi Ibraahim Habane (Cabdillaahi Dheere), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Md. Maxamed Cilmi Aadan (Ilko-case), saraakiil ka socday Hay’adda Havoyoco, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa Qarammada Midoobay ee la shaqeeya Wasaaradda Beeraha, masuuliyiin iyo marti-sharaf kala duwan.

 

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Dr. Axmed Aw-daahir oo hadal ka jeediyey xuska maalinta cuntada Adduunka, ayaa sheegay in markii laga soo laabtay dagaalkii labaad ee Adduunka sannadkii 1945-kii la bilaabay sidii loo dhiirigelin lahaa wax-soo-saarka dhinaca cuntada, maadaama ay waqtigaas jirtay baahida dhinaca raashinku.
“Sannad kastaba waxa 16 bishan October la isugu yimaadaa sidii looga sheekayn lahaa maalinta cuntada Adduunka… Hay’adda UNDP macluumaad ay soo saartay waxay ku sheegtay 70% inay bulshadeenu yihiin dad aan wax-soo-saar lahayn oo baahidu hadhaysay,” ayuu yidhi Wasiirka Beeraha Somaliland Dr. Axmed Aw-daahir
Waxaannu intaas ku daray; “Waxa aynu nahay dalka kaliya ee aan siyaasaddii wax-soo-saarka lahayn, waxaanna dibadaha la inooga keenaa waxa laga soo saaro waddamada kale, inta dalkeena wax-soo saaraanaa way ku qayilaan waxay soo saaraanba.”

Wasiirka Wasaaradda Beeraha, ayaa ugu baaqay shacabka reer Somaliland inay u jeedsadaan dhinaca wax-soo-saarka beeraha, waqtigana laga faa’iideeyo, maadaama ragga cimrigoodu aannu inta badan ku soo ururo 63 sanno jir isku celcelis ahaan, halka cimriga dumarkuna yahay celcelis ahaan dhawr iyo konton sanno, sidaa darteedna inta waqtiga la haysto loo baahan yahay in laga faa’iidaysto khayraadka kala duwan ee ka buuxa dalka Somaliland.


Waxa kaloo isna halkaas ka hadlay Isuduwaha Wasaaradda Beeraha ee Gobolka Maroodijeex Mr. Cabdirisaaq Sheekh Muxumed Gaboobe oo ka warbixiyey ujeedada ay munaasibaddaas daarantahay, isagoo sheegay inay tahay sidii loo dhiirigelin lahaa beeraleyda dalku si loo helo cuntu ku filan dadka iyo dalka.
“Ujeedada aynu maanta (shalay) halkan isugu nimid waa inaynu dhiirrigelino beeralayda dalka si ay inoogu soo saaraan dalagga Beeraha wax innagu filan,” ayuu yidhi Mr. Gaboobe.
Waxa kaloo xuska maalinta cuntada Adduunka hadal ka jeediyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Somaliland Md. Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) oo sheegay in isbeddel ku dhacay qaab-nololeedka bulshada reer Somaliland, isagoo xusay in laga seexday dhinaca wax-soo-saarka beeraha.
“Waxa laga yaabaa in qof kasta oo innaga mid ahi leeyahay gaadhi ama uu ku fikirayo sidii uu ku soo iibsan lahaa gaadhi qaali ah, laakiin aannu ku fikirayn inuu beertiisii ka shaqeeyo ama uu kalluunka kala soo baxa baddeenna,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud, waxaannu intaas ku daray; “Waxaan soo jeedin lahaa inaaan gawaadhida iibino oo aan ku beddelno dhinaca wax-soo-saarka Beeraha iyo Kalluunka.”
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha, ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaradoodu ay ahmiyad weyn ugu fadhido qaranka Somaliland, isagoo bulshada u soo jeediyey in lagu dedaalo wax-soo-saarka dhinaca beeraha, waxaannu xusay inay suurtogal noqon karto xilli Adduunku joojiyo cuntooyinka uu dibadaha u dhoofiyo, arrintaas oo uu ku sababeeyey isbeddelka cimilada ee sii xumaanaysa, waxaannu ku dooday in bulshada aan wax-soo-saar la iman ay halis ugu jirto macalluul ku timaad mustaqbalka.

Hay’addo ay ka mid yihiin FOA, World Vision, USAID, Candlelight, Havoyoco iyo hay’ado kale oo ka tirsan Qarammada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah, ayaa iyaguna door ka qaatay xuska maalinta caafimaadka Adduunka ee ay qabatay Wasaaradda Beeraha Somaliland.

 

Wasiirka Waxbarashada Somaliland iyo Agaasimaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo iyaguna hadalo ka jeediyey xuska maalinta cuntada Adduunka, ayaa sheegay in Wasaaradda Beeruhu dedaal badan ugu jirto sidii bulshada reer Somaliland loogu dhiirigelin lahaa dhinaca wax-soo-saarka beeraha si looga maarmo cuntooyin kala duwan ee laga soo dejiyo dalka dibadiisa.

 

Masuul u hadlay Hay’adda Qarammada Midoobay ee FAO, ayaa sheegay inay mashaariic kala duwan kala shaqeeyaan Wasaaradda Beeraha Somaliland, kuwaasoo khuseeya dhiirigelinta iyo kobcinta dhinaca beeraha, kaasoo xusay inay ku rajo weyn yihiin in Somaliland gaadho isku filnaansho dhinaca cuntada ah.
Xubno ka socday iskaashatooyinka beeraha ee Wadajir, Dibir-weyne (Baki), Oodweyne, Galoolay iyo Arabsiyo oo iyaguna halkaas hadalo ka jeediyey, ayaa sheegay in Wasaaradda Beeruhu kala shaqayso kobcinta dhinaca wax-soo-saarka, iyagoo soo bandhigay natiijada ka soo baxday khudaarta ka soo go’day beerahooda sannadkan.