Share this:

" />
Telesom Dahabshiil
Published On: Tue, Oct 17th, 2017

Murrashaxa KULMIYE Muuse Biixi Oo Taageerayaashisa Ugu Baaqay Inay Ka Digtoonaado Belaayooyin Uu Sheegay Inay Ku Dhex Dhuuman Karaan Ololaha Doorashada

Araweelo News Network

Muuse Biixi Cabdi

 

Hargeysa (ANN)- Murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu baaqay bulshada in laga digtoonaado wax kasta oo balaayo ah oo ku soo dhex dhuuman kara ololaha doorashada Madaxtooyada, isagoo xusay sida ay muhiimka u tahay in muwaadiniinto codkooda u dhiibtaan hab nabadgelyo ah.
Murrashax Muuse Biixi oo ka hadlay madal uu xisbiga KULMIYE ku soo dhaweynayey dhallinyaro iyo aqoonyahan xisbiga ku soo biiray , ayaa tilmaamay inay KULMIYE ahaan ka go’an tahay in doorashada iyo ololaheedaba lagu galo jawi nabdoon oo aan dhibaato u geysanayn wadajirka iyo isku duubnimada bulshada walaalaha ah.
“Haddii aynu xisbiga KULMIYE nahay doorashadii kaabigay ina soo saartay oo ololihii baa la gelayaa, dadka qaarkiina ololaha waxay u haystaan in la is caayo oo la isku buuqo, laakiin KULMIYE ahaan waxaasi way innaga reebbanyihiin, codbixintana marka hore waxa aynu ku gelaynaa nabad, mar labaadka waxa aynu ku gelaynaa nabad, qiimaha ay nabaddu leedahayna ninkii xumaanta iyo dagaalka arkay baa leh, dhallinyarada yaryar ee 20-jirka iyo 30-jira ahina maanta ma garanayaan qiimaha ay nabaddu leedahay iyo culayska iyo dhibaatada dagaalka iyo khilaafku leeyahay, innagana maanta gobolka aynu ku noolahay ee hareeraheena ah dab baa ka kacaya, dhammaanba cod-bixiyayaasha KULMIYE waxaan ku dardaarayaa inay nabadda kow ka dhigtaan,” ayuu yidhi Muuse Biixi.
Waxaannu intaas ku daray; “Maanta ololaha aynu ku jirno yaanay belaayo innoogu soo dhuumman, khilaafkana aynu ka fogaanno, nabadgelyona aynu ku codayno haddii kale qaran dhisimayno, si aynu nabadda u ilaalinona qof kasta oo Somaliland ah waxa ku waajib ah inay dhegahiisa iyo indhihiisuba u feejignaadaan qofkii belaayo wada ee shar wada, qof walibana waa inuu noqdaa ciidanka war-doonka ah oo waxa uu ka shakiyo soo ogaadaa oo uu noqdaa Boolis nabadda ilaaliya,” ayuu yidhi murrashax Muuse Biixi Cabdi.
Murrashax Muuse Biixi Cabdi waxa uu xusay inay xisbiga KULMIYE muhiimad gaar ah u leedahay codaynta oo nabadgelyo loo galo, isla markaana danta dalka iyo ta dadkuba ku jiraan in amniga si wadajir ah looga wada shaqeeyo, waxaannu yidhi, “Doorashada waxa aynu ku gelaynaa nabad, mabda’ isjacayl, xisbiyada aynu tartamaynaana waa Somaliland, innaguna waa qaddarinaynaa, haddii ay ina caayaana u jawaabi mayno oo waynu u dulqaadanaynaa, waayo ka dulqaata ayuun baa wax hela, anigana maanta nabad in lagu codeeyo uun baa ii muhiim ah, KULMIYE-na nabad, wanaag iyo walaaltinimo in lagu codeeyo ayuu doonayaa.”
Waxa kaloo uu Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE ka hadlay weerarkii ay dadka badani ku dhinteen ee ka dhacay magaalada Muqdisho ee xarunta u ah dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, isagoo tacsi tiiraanyo leh u diray shacabka halkaasi ku nafwaayey, isla markaana waxa uu bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay ka bartaan cashar ku saabsan qiimaha nabadgelyo darradu leedahay, “Maanta waad la socotaan jaarkeena waxa ka dhacaya, magaalada Muqdisho saddex boqol oo qof (300) baa mar qudha ku dhintay, saddex boqol (300) oo kalena waa dhaawac, kuwaas oo waayeel, carruur, dumar leh sheekh iyo shariif ba leh, waana masiibo weyn oo ummaddaas ku dhacday aad iyo aad baanu uga tacsiyadeynaynaa waanuna ka damqanaynaa dhibaatada qof kasta oo Islaam ah ku dhacday, haddii aynu KULMIYE nahay waxa aynu doonaynaa in Bani’aadka oo dhammi nabad helo oo muslimku nabad helo, Ilaahay waxaynu ka rajaynaynaa inuu iyagana ka dulqaado geyiga oo dhanna nabad ku soo celiyo, innagana tusaale ayey inoogu filan tahaye waa inaynu khilaafka oo dhan ka fogaannaa,” ayuu yidhi murrashax Muuse Biixi Cabdi.

About the Author

- Arraale Mohamoud Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a website based in Somaliland. Arraale is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 <https://web.whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp