Araweelo News Network

 

Hargeysa (ANN)- Wasaaradda Hawlaha Guud ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Shirkadda GTS, ayaa si rasmi ah u daah-furay mashruuca casriyeynta kaadhka dhaqdhaqaaqa gaadiidka.
Munaasibadan loo qabtay daah-furka kaadhka dhaqdhaqaaqa gaadiidka oo ka qabsoontay xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud ee Somailand , waxa ka qaybgalay Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada, Maaliyadda, Hawlaha Guud, Warshadaha, Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka, Guddoomiyaha Ururka Macdaarada dalka, Masuuliyiinta Shirkadad GTS iyo marti sharaf kale oo munaasibadaas lagu soo casuumay.

Ugu horreyntii, waxa munaasibadaas ka hadlay Agaasimaha (CEO) Shirkadda Global Tech Solution (GTS) Mr. Khaalid Sheekh Muxumed oo ka xog-warramay marxaladihii kala duwanaa ee loo soo maray mashruuca casriyeynta buugga gaadiidka ,sida xogta kaadhkan lagu heli karo iyo faa’iidada uu u yeelan doono qaranka Somaliland.
“Barnaamijkani runtii buuggii oo kaliya oo aynu casriyeynay maaha, balse waxa la socda hannaankii (system-kii) uu ku shaqaynayey, kaasoo sahli doona dawladda iyo laamaheeda in ay helaan xog rasmi ah. Markii hore diiwaangalin waynu haysanay, balse muu lahayn system (habkii shaqada) runtii aynu ku baadhi karno, gawaadhidiina lagu kala ogaan karo, waxa kaloo aynu casriyeynay buuggii gaadiidka, kaas oo aynu ka dhignay kaadh noqonaya wadammada kooban ee caalamka runtii hirgaliyey,” ayuu yidhi Mr. Khaalid Sheekh.
Waxaannu intaas ku daray; “Waa smart Card yeelanaya toddobada Security features oo ay ugu horreyso Chip oo macluumaadka gaadhiga ee muhiimka ah iyo qofka mulkiilaha ah ku kaydsan yahay , waxa kaloo uu kaadhku yeelan doonaa 3D foil hologram oo runtii aan ka masaxmi doonin oo kaadhka ku dhex jirta, waxa kaloo u suurtogalaysa sarkaalka eegaya saxnaanshaha kaadhka kaas oo uu ka eegi karo xagga dambe ee kaadhka, waxa kaloo xaggaas gudaha ku jira oo haddii toosh lagu qabto UV sheegi doona calaamaddii Somaliland, haddii aan ka hadlo sida loo ogaan karayo waa hab runtii aad iyo aad u fudud, telefoonada nooca ugu hooseeya ayey saraakiisheena taraafikadu runtii ay ku eegi kartaa. Waxa kaloo lagu eegi karaa Application aannu u samaynay oo runtii ku xidhan habkan oo meel kasta oo xafiis jiro ay galin karayaan lambarka gaadhiga, ka dibna ay helayaan xogtii gaadhiga oo dhammaystiran.”

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Ururka Macradlayaasha dalka Mr. Maxamed Yuusuf Aadan oo si weyn u soo dhaweeyey mashruucan oo uu ku tilmaamay in dal ahaan aynu si aad ah ugu baahneyn, isagoo soo jeediyey wax-ka-beddelka lagu sameeyo taarikada gaadiidka ee dalka Somaliland.

Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland Mr. Shariif Abokor Maxamed oo isna halkaas hadal ka jeediyey, ayaa tilmaamay in mashruucani yahay mid aad muhiim ugu ah qaranka Somaliland, maadaama oo uu gaadiidku ka mid yahay waxyaallaha aynu aadka u adeegsano, sidaas awgeedna loo baahan yahay in la horumariyo habka uu u shaqaynayo si looga taxaddiro wixii ka iman kara.

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Taliyaha Ciidanka Nabbadgalyada Waddooyinka Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi oo tilmaamay inay si aad ah u soo dhawaynayaan kaadhkan loo samaynayo dhaqdhaqaaqa gaadiidka kala duwan, isagoo ballanqaaday in ciidankoodu ay fulinayaan wixii dhinacooda kaga aadam hirgelinta mashruucan.
Wasiirka Maaliyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa iyaduna sheegtay in adeegan ay hirgelisay shirkadda GTS uu yahay mid aad ugu muhiim ah dalka, isla markaana uu wax weyn ka beddeli doono sida loo maareeyo dhibaatooyinka ka dhasha gaadiidka, iyadoo xustay in loo baahan yahay sidii ay Somaliland si dhakhso ah ula jaanqaadi lahayd dalalka caalamka ee ku shaqeeya nidaamyada casriga ah.

Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Somaliland Md. Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan) oo soo gunaanaday xafladda lagu daah-furay kaadhka casriga ah ee lagula soconayo dhaqdhaqaaqa gaadiidka, ayaa sheegay in casriyeynta lagu sameeyey buugga gaadiidku uu beddeli doono buuggii hore ee muddada dheer la isticmaalayey.
Waxa kaloo uu sheegay in kaadhkan cusub uu door weyn ka qaadan doono arrimaha dhaqaalaha iyo amniga ee dalka Somaliland, isagoo si aad ah ugu mahadceliyey shirkadda GTS ee fulisay mashruucan casriyeynta buugga gaadiidka, taasoo uu xusay inay maamuli doonto mashruucan, halka ay Wasaaradda Hawlaha Guud-na yeelan doonto maamulka guud oo qudha.