#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay war kasoo baxay dawladda Maraykanka oo ka hadlayay xaaladda Magaaladda Laascaanood iyo arrimaha dib u dhaca ee doorashooyinka.

Warka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka, ayaa ku hanjabtay in Washington diyaar u tahay in xayiraado dhanka Socdaalka ah ay kusoo rogaan shakhsiyaad iyo saraakiil hore oo Soomaali ah, kuwaas oo sida ay sheegeen masuul ka ah dib u celinta arrimaha Dimuqraadiyadda Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland.

 

Sidoo kale, xukuumadda Washington, ayaa si cad u muujisay werwerka qabsoomida doorashooyinka Madaxtooyadda Somaliland oo dib u dhac ku yimi dhawr jeer.

Dagaalka Laascaanood, ayay ku baaqday in lagu dhammeeyo wadahadal, isla markaana la dhegeysto Madaxdhaqameedka ku hawlan sidii xal nabadeed loogu heli lahaa arrinta Laascaanood.

“Waxaan taageersannahay ka qaybgalka wax ku oolka ah ee dawladda Faderaalka Soomaaliya iyo ergada odayaasha dhaqanka, annaga oo soo dhoweynayna aqbaaladda uu muujiyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ee ah in uu Hargeysa  kula kulmayo.” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay Wadaaradda Arrimaha dibadda ee Maraylanka.

Hase yeeshee Xukuumadda Somaliland, aya markale ku celisay in ay Sool kula dagaallamayso kooxo Argagaxiso oo qaarkood ay ka soo carareen dagaalka Dowladda Soomaaliya ku qaaday si ay gabaad uga dhigtaan Magaalada Laascaanood.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland,oo ka jawaabay digniinta Maraykanka, ayaa dhankeeda sheegtay in Xukuumadda Somaliland Maraykanka, Midowga Afrika iyo Beesha Caalamka ka ka codsatay in ay gacan ka siiyaan sidii loo soo afjari lahaa colaadda Sool,

Qoraalka Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa sidoo kale lagu xusay in Ciidamada ka dagaallamaya Laascaanood ay ku jiraan kuwa ka socda Maamulka Putland, oo ay weheliyaan kuwa Maraykanku tababaray ee Danab, isla markaana Laascaanood lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan Danab, kaas oo ka mid ahaa saraakiisha Maraykanku usoo tababaray.dawladda Federaalka Soomaaliya.

Xukuumadda Somaliland oo si gaar ah uga hadashay arrinta Doorashada ee dib u dhaca, ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay xukuumadda Somaliland qabashada doorashada, isla markanaa arrimaha doorashooyinka ay u xilsaaran yihiin guddida Doorashada oo go’aamin doona xilliga la qabanayo.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com