Araweelo News Network.

 

Hareysa(ANN)-Allah ha naxarisitee, waxa maanta Aas qaran loogu sameeyay Duleedka Koonfureed ee Magaaladda Hargeysa, Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ahaa Suldaan ku abtirsada Halgankii hubaysnaa ee dalka Jamhuuruyadda Somaliland dib loogu xorreeyay, hub ka dhigistii, nabadayntii iyo guud ahaan dhismaha yagleelidii qaranimada Somaliland.

Aaska suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldan Farax

Aaska Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, image Araweelo News Network, 15 Sep 2021.

Marxuumka, ayaa ku geeriyooday dalka Turkiga, waxaa maydkiisa loo soo qaaday Magaaladda Hargeysa ee Caasimadda Somaliland si aas qaran loogu sameeyo.

Suldaan Cumar, wuxuu ahaa shaqsi dhawrsoon oo kasoo jeeda saldanad haybad iyo karaamo ku leh Bulshada, Aqoonyahan bartay Cilmiga Geologist oo door muhiim ah kasoo qaatay dib u dhiskii qaranka iyo nabadayntii ka hor intii aannu la wareegin dhaxalka Saldanada iyo ka dib markii loo cumaammaday Saldanada geeridii Aabihii sannadkii 2003.

 

Suldaanka ayaa dhaxlay Aabihii Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo taariikh dahab ah ku lahaa qaranka, kuna abtirsada deegaanka Baligubadle ee xudunta u ahaa halgankii hubaysnaa,  isla markaana ku suntanaa inuu ahaa Suldaankii u horeeyay ee ku biiray halganka SNM, isagoo Suldaanka maanta aaska qaran loo Sameeyay Aabihii Suldaan Maxamed oo uu ka dhaxlay saldanada noqday Suldaankii u horeeyay ee Malayshiyadii Jabhada ahaa ee mujaahidiinta ahaa hubkooda ku wareejiyay xukuumaddii Madaxweyne Maxamed Ibraahin Cigaal xilli adag oo uu qaatay mar kale go’aan geesinimo lahaa oo sababay inuu taariikhda Somaliland iyo guud ahaan geyiga Soomalida kale ee collaadaha iyo fawdadu waqtigaa ka taagnaayeen ka galo baal dahab ah.

Arrintaa oo  noqotay horseedkii qaramaynta iyo iba-furkii hub ka dhigista oo ay xilligaa ka maagayeen deegamada kale ee Somaliland, waxayna tallaabadaasi sababtay in qaar badan oo ka mid Malayshiyaadkii hubaysnaa ee deegamada kale ku daydaan sidaana lagu dhiso ciidanka qaranka ee maanta ah cudduda ay Jamhuuriyadda Somaliland ku faanto.

 

Aaska Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, oo ahaa wiilkiisii dhaxlay Saldanada ee maanta la aaska qaran loo sameeyay, waxa ka qaybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyayaasha gollayaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiillada, hoggaamiyaasha Axsaabta qaranka, haldoonka Bulshada Somaliland, masuuliyiinta xukuumadda, mujaahidiin, culimada Odayaasha, salaadiinta iyo kumanaan qaybaha kale ee Bulshada Somaliland ah.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay taariikhda Suldaan Cumar iyo saldanada uu kasoo jeedo, isagoo tilmaamay doorkii uu ku lahaaa dib u dhiska qaranka iyo halgankii uu Suldaanka aabihii ku suntanaa, wuxuu Madaxweyne Biixi waxa ka tacsiyeeyay bahda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax.

 

Sidoo kale, waxa ka hadlay aaska dushiisa masuuliyiinta xukuumadda, axsaabta qaranka gollayaasha kale iyo qaybo ka mid ah madax-dhaqameedka ka qaybagalay aaska marxuumka, kuwaas oo dhammaantood qiray taariikhda Suldaan Cumar iyo saldanada uu ku abtirsado ee deegaanka Baligabadle oo ah deegaanka Koonfureed ee Magaaladda Hargeysa.

Muuqaalka Ka Daawo Qaabka loo Aasay iyo Weedhihii laga Yidhi.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.